Hadallada Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, uu u jeediyey warbaahinta, intii uu ku guda jirey booqashadiisii Dhuusamarreeb, Galmudug

29 Jun 2024

Hadallada Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan, uu u jeediyey warbaahinta, intii uu ku guda jirey booqashadiisii Dhuusamarreeb, Galmudug

(Sidii loo soo jeediyey)

Mudane Madaxweyne, xubnaha sharafta leh ee Golaha Wasiirada, iyo bahda warbaahinta, galab wanaagsadan.

Waxaan ku  faraxsanahay in aan mar kale ku soo noqdey Galmudug. Waxaan jeclaan lahaa in aan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’ iyo kooxdiisa uga mahadceliyo soo-dhoweynta diirran ee ay inoo sameeyeen.

Waxaan maanta wada soconnaa Mudane Charles Mballa, oo ah Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR), iyo Mudane Massimo Nicoletti Altrimeri, oo ah Sarkaalka Ka Madaxda Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Horumarinta.

Safarka aan wadajirka u soo galney ayaa hoosta ka xarriiqaya dadaallada wadajirka ah ee nidaamka QM ee Soomaaliya uu taageero ku gaarsiinayo dowladda iyo dadka Galmudug.

Ugu horreyn, waxaan jeclahay in afka ku dhufto welwelka weyn ee ay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay qabto ee la xiriira gacan-ka-hadalka ba’an ee qabiilka ku dhisan ee dhowaan ka dhacay degaanno ka tirsan Galmudug. Waxaan u tacsiyeynaa dadkii laga dhintey. Waxaan Madaxweyne Axmed ku amaanayaa tallaabada degdegga ah ee uu ku dhisey guddi dhexdhexaadin oo heer wasiirro ah si ay gacan uga geystaan xallinta colaadda. Waxaan dhiirrigelineynaa tallaabadan, iyo tallaabo kasta oo kale  dhexdhexaadineed oo arrinta wax ka tari karta, in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaaliyo colaadahan.

Madaxweyne Axmed ayaa inoo caddeeyey in arrinta mudnaanta amniga ah u leh Galmudug ay weli tahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo in si guul leh loo soo gebogebeeyo dadaalladii horey uga jirey dowlad-goboleedkan si loo gaaro hadafkii laga lahaa. Waxaan qirayaa culeyska mugga weyn ee la xiriira dib-u-dhisidda bulshooyinkii horey ugu hoos noolaa xukunka Al-Shabaab.

Waxaan ogsoonnahay xaaladda culus ee bani’aadamnimada ee ka jirta dowlad-goboleedkan. QM ayaa weli ku hawlan  sidii ay dowladda ugu taageeri lahayd gacansiinta bulshooyinka ay dhibaatadu taabatey.

Bahda QM ee Soomaailya waxaa ay ku faraxsan tahay iskaashiga taabogalka ah ee kala dhexeeya Dowlad-goboleedka Galmudug kor loogu qaadayo kobcinta booliska iyada oo loo marayo dadaallada iskaashiga ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska / the Joint Police Programme. Waxaan ku hanweynahay in aan sii amba-qaadno guulaha iskaashigan waxtarka leh.

Shirkii aan maanta wada-qaadanney, Madaxweynaha iyo anniga waxaan sidoo kale kaga munaaqashooyiney arrimaha muhiimadda qaran leh, oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo qorsheyaasha doorashooyinka. Waxaan qireynaa in Madaxweyne Axmed Qoor Qoor uu kaalin muhiim ah ka qaatey gacansiinta geeddi-socodyadan. Waxaan dhiirrigelineynaa in  geeddi-socodyadan ay ahaadaan kuwo ku dhisan wadatashi iyo u-dhammaansho si loo kordhiyo fursadaha si guul leh loogu hirgelin karo.

Aan ku soo gebogebeeyo in aan mar kale ku celiyo ballanqaadka QM ee ah in ay Galmudug gacan ka siineyso arrimaha qaran-dhiska iyo nabad-dhisidda ah ee mudnaanta leh, iyo in aan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga mahadceliyo iskaashiga xooggan ee aan ka leenahay hawsha naga wada dhaxaysa,

Mahadsanidiin.