Mas'uulka Ugu Sarreeya QM oo isaga oo jooga Dhuusamarreeb walaac ka muujiyay gacan-ka-hadalka qabiilka ku dhisan isaga oo mar kale ku celiyay in ay Galmudug gacan ka siinayaan arrimaha nabad-dhisidda ah ee mudnaanta leh

29 Jun 2024

Mas'uulka Ugu Sarreeya QM oo isaga oo jooga Dhuusamarreeb walaac ka muujiyay gacan-ka-hadalka qabiilka ku dhisan isaga oo mar kale ku celiyay in ay Galmudug gacan ka siinayaan arrimaha nabad-dhisidda ah ee mudnaanta leh

Dhuusamarreeb – Isagoo sii wata booqashooyinkiisa xiriirka ahaa ee ugu horreeyay ee uu ku tegayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya James Swan wuxuu maanta booqday Galmudug, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’ iyo qaar ka mid ah wasiirada Dowlad-goboleedka. 

Munaaqashooyinka ayaa taabanayey mowduucyo kala duwan, laga bilaabo amniga, talinta sharciga iyo maamul wanaagga ilaa arrimaha bani'aadamnimada iyo horumarinta, iyo sidoo kale arrimo badan oo degaankaa si gaar ah u khuseeya.

“Ugu horreyn, waxaan jeclahay in afka ku dhufto welwelka weyn ee ay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay qabto ee la xiriira gacan-ka-hadalka ba’an ee qabiilka ku dhisan ee dhowaan ka dhacay degaanno ka tirsan Galmudug.  Waxaan u tacsiyeynaa dadkii laga dhintey,” ayuu yiri Mudane Swan. 

 “Waxaan Madaxweyne Axmed ku amaanayaa tallaabada degdegga ah ee uu ku dhisey guddi dhexdhexaadin oo heer wasiirro ah si ay gacan uga geystaan xallinta colaadda,” ayuu hadalkiisii raaciyay. “Waxaan dhiirrigelineynaa tallaabadan, iyo tallaabo kasta oo kale ee dhexdhexaadineed oo arrinta wax ka tari karta, in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalliyo colaadahan.”

Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlayay kulan ay saxaafadda wadajir ahaan ula yeesheen isaga iyo Madaxweyne Kaariye, kulankooda ka-dib. 

 Mas'uulka Ugu Sarreeya QM ayaa sheegay in arrinta mudnaanta amniga ah u leh Madaxweyne Axmed ay weli tahay la-dagaallanka Al-Shabaab, iyo in si guul leh loo soo gebogebeeyo dadaalladii horey u wadeen mas'uuliyiinta Galmudug si loo gaaro hadafkii laga lahaa. 

“Waxaan qirayaa culeyska mugga weyn ee la xiriira dib-u-dhisidda bulshooyinkii horey ugu hoos noolaa xukunka Al-Shabaab. Waxaan ogsoonnahay xaaladda culus ee bani’aadamnimada ee ka jirta dowlad-goboleedkan. Bahda QM ayaa weli ku hawlan sidii ay dowladda ugu taageeri lahayd gacansiinta bulshooyinka ay dhibaatadu taabatey,” ayuu yiri Mudane Swan. 

Iskaashi xooggan 

Mudane Swan ayaa waxaa la socday Mudane Charles Mballa, oo ah Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR), iyo Mudane Massimo Nicoletti Altrimeri, oo ah Sarkaalka Ka Madaxda ah hawlgalka Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Horumarinta ee Soomaaliya.

 

“Safarka aan wadajirka u soo galney ayaa hoosta ka xarriiqaya dadaallada wadajirka ah ee nidaamka QM ee Soomaaliya uu taageero ku gaarsiinayo dowladda iyo dadka Galmudug,” ayuu ku nuuxnuuxsaday Mudane Swan. 

 Barnaamijyada, sanduuqyada iyo hay'adaha QM ayaa ka hawlgala Galmudug, iyagoo taageero siiya bulshooyinka, qoysaska, iyo dadka barakacayaasha ah waxayna u marsiiyaan waxqabadyo kala duwan sida shaqo lacag ku beddelasho (cash-for-work), tababar xagga beeraha ah, bixinta biyo nadiif ah iyo tas-hiilaadka fayadhowrka, iyo waxbarashada madaniga ah. 

 Dhinac kale oo horumar laga sameeyay ayaa la xiriira dadaal ay Soomaalidu hormuud ka tahay oo looga golleeyahay sii wanaajinta awoodda ciidanka booliska. Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska ayaa waxaa dejintiisa lala kaashadey Wasaaradaha Amniga Gudaha ee Dowlad-goboleedyada Xunaha Ka ah Dowladda Federaalka si loo tababaro oo loo qalabeeyo booliska, loogala shaqeeyo dib-u-habeynta waaxda amniga, iyo xaqiijinta maamul lala xisaabtami karo. 

“Bahda QM ee Soomaailya waxaa ay ku faraxsan tahay iskaashiga taabogalka ah ee kala dhexeeya Dowlad-goboleedka Galmudug oo kor loogu qaadayo kobcinta booliska iyada oo loo marayo dadaallada iskaashiga ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska / the Joint Police Programme. Waxaan ku hanweynahay in aan sii amba-qaadno guulaha iskaashigan waxtarka leh,” ayuu yiri Mudane Swan.  

 Munaaqashada lala yeeshay hoggaanka Galmudug ayaa sidoo kale taabatey hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha doorashooyinka. 

Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya ayaa qirey doorka uu Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ka qaatey gacansiinta geeddi-socodyadan qaranka, wuxuunna xusay in  geeddi-socodyadan ay ahaadaan kuwo ku dhisan wadatashi iyo u-dhammaansho si loo kordhiyo fursadaha si guul leh loogu hirgelin karo. 

 “Aan mar kale ku celiyo ballanqaadka QM ee ah in ay Galmudug gacan ka siineyso arrimaha qaran-dhiska iyo nabad-dhisidda ah ee mudnaanta leh, iyo in aan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga mahadceliyo iskaashiga xooggan ee aan ka leenahay hawsha naga wada dhaxaysa,” ayuu yiri Mudane Swan.

Mas'uulka Ugu Sarreeya QM ayaa horey u booqday Dowlad-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya. 

James Swan waxaa xilka uu hadda hayo u magacaabay Xoghayaha-Guud ee QM António Guterres markay taariikhdu ahayd 14-kii Maajo 2024. Wuxuu horey u soo noqday Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022.