Hadallada Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ay warbaahinta ugu jeedisay Munaasabadda Dhagax-dhigga Dhismaha Xafiiska QM ee Galmudug

3 Jun 2023

Hadallada Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ay warbaahinta ugu jeedisay Munaasabadda Dhagax-dhigga Dhismaha Xafiiska QM ee Galmudug

Sidii loo jeediyey

Mudane Madaxweyne, wasiirrada, mas’uuliyiinta sare ee dawladda, shaqo-wadaagta ka socota Qaramada Midoobay – maanta maxay maalin weyn tahay!

Safar dheer ayey soo qaadatay in marxaladdan la soo gaaro. Mudane, waxay ahayd aragtidaada, in aan halkan oo ah Galmudug ka dhisno  ‘Xarun ay leedahay QM’ taasi oo looga golleeyahay in hay’adaha [QM] loo soo dhaweeyo dadka aan u adeegno. Waxa aan ognahay in marka aan halkaan joogno, aan si’ kasii wanaagsan sidii hore u qorsheyn doonno, u fulin doono, [oo] ugu adeegi doonno shacabka Galmudug. Aad iyo aad baanu ugu faraxsannahay in aan halkan joogno.

Mudane Madaxweyne, waxa aad la socotaa in aan adiga iyo kooxdaadaba si dhow ugala shaqayno dhinacyo badan – waxaan maanta la imid guddoomiyaha doorashooyinka, taliyaha booliska, madaxa warfaafinta – waxaa intaasi sii dheer, sidoo kale waxa aan idinka taageernaa arrimahan Garsoorka, QM ayaa idinka taageeraysa marka ay timaado gargaarka bani’aadannimo, [iyo] marka ay timaado caawimaadda horumarinta. Waxa aan rajeyneynaa in iyadoo la adeegsanayo xafiiskan aan awood u yeelan doonno in aan sii laba jibbaarno dadaalka horay loogu sii socdo.

Ma doonayo in aan wax badan iraahdo - maanta ma ahan maalin loogu talagalay khudbado dhaadheer - laakiin waa in aan kuu mahadceliyo, aan u mahadceliyo kooxdaada, oon u mahadceliyo kooxdayda,  gacanta ay ka gaysteen in ay suurtagaliyeen hawsha maanta, ugu dambeyntii, waxa aan donaynaa, waxa aad doonayso oo ah: Galmudug nabad ah, xasilloon, oo barwaaqo ah  [iyo] Soomaaliya, oo ah qaran aan gebi ahaanba cidna laga tegin, oo inta aad horay u socotaan, aad horay u sii soconaysaan idinka oo kaashanaya Qaramada Midoobay.