Fursadaha Dhaqaalaha ee baaxadda weyn ee Soomaaliya oo lagu guudmaray Shirwaynaha Dhaqaalaha ee Muqdisho

31 May 2023

Fursadaha Dhaqaalaha ee baaxadda weyn ee Soomaaliya oo lagu guudmaray Shirwaynaha Dhaqaalaha ee Muqdisho

Muqdisho–Furadaha dhaqaale ee Soomaaliya oo salbalaaran ayaa labadii maalmood ee lasoo daafay waxaa looga doodey shir ay isugu yimaadeen dowladda Soomaaliya, beesha caalamka, hal-abuurayaasha ganacsi iyo shirkado ajnabi ah, iyadoo yoolka uu ahaa in diiradda la saaro ka faa’iidaysiga fursado ganacsi oo lala yeesho shirkado caalami ah.

“Shirweynaha Dhaqaalaha Soomaaliyeed waa dhacdo taariikh u galaysa ummaddeena. Waxay caddayn u tahay sida ay nooga go'an tahay in aan jeexno waddo cusub oo loo maro horumar dhaqaale iyo mustaqbal ifaya oo ay Soomaalida u dhanyihiin – waxaan idinkugu casumeynaa inaad nagu soo biirtaan safarkan isbedelka ah oo aad ku maalgashaneysaan Soomaaliya iyo inaad ganacsi wadaag noqotaan ganacsiyadeenna gaarka loo leeyahay,” ayuu Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka sheegay furitaanka shirka ee maalintii Talaadadii.

“Saaxiibadeena caalamiga ah, waxaan idinku boorinayaa inaad aragtaan wax aka dambeeya caqabadaha ay Soomaaliya horey usoo wajahday,” ayuu ku hadalkiisa ku daray. “Fiiri fursadaha baaxadda leh ee halkan ka jira. Maalgashada warshadaheena, keena tiknolojadiina iyo waayo-aragnimadiina, sidoo kale noqda dadka isbedelka horseedka u noqda.”

Waxaa aragti taas la mid ah ka dhawaajiyay, George Conway, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in shirkan aan ka arko natiijooyin wax-ku-ool ah, gaar ahaan iskaashi ganacsi oo cusub oo mustaqbalka fog gacan ka geysan doona kicinta kobaca dhaqaalaha dalka, kaas oo abuuri doona shaqooyin iyo fursado dhaqaale, horumariyana xaaladda dhaqaale ee dhammaan umadda Soomaaliyeed.” Md. Conway, oo sidoo kale ah Xiriiriyaha Howlaha Joogtada ee Qaramada Midoobay iyo Xiriiriyaha Gargaarka Bini'aadannimo ee Soomaaliya, ayaa yiri ka sheegay maalintii ugu horreysay ee shirka.

Waxaa sidoo kale shirka kasoo qeyb galay Ra’iisulwasaare kuxigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac, Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Alberto Vecchi, iyo wakiilo ka socday ganacsatada iyo iskaashatada ganacsiyada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa in uu ku duugan yahay awood dhaqaale oo baaxad wayn oo ka imaanaya beeraheeda iyo kalluumaysiga, laakiin waxaa ka jira amnidarro iyo caqabado kale, sida dhibaatooyinka bini'aadannimo ee ka dhashay isbedelka cimilada, taasoo caqabad ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro hiigsigaas. Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, waxsoosaarka guud ee gudaha ayaa la saadaalinayaa inuu hoos u dhicidoono 2.8 boqolkiiba sanadkan, kaas oo kordho 3.7 boqolkiiba sanadka soo socda.

Shirweynaha Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobey Uqaabilsan Horumarinta Warshadaha (UNIDO). Shirka ayaa waxaa maalgelisay Hay’adda Talyaaniga Uqaabilsan Iskaashiga Horumarineed (AICS), taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu kordhinayo fursadaha dhaqaale iyo shaqo abuurka Soomaaliya iyadoo la abuurayo iskaashi dhexmara ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“Shirkadaha Talyaaniga waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin kooxaha udub-dhexaadka u ah nidaamka iskaashiga horumarineed ee Talyaaniga, waxayna door weyn oo kordhaya ka ciyaaraan waxtarka waxqabadyada Hay’adda AICS. Ujeedkeena waa in aan kor u qaadno ficillada si wax ku ool ah u horseedi kara horumar wadajir ah iyo faa'iidooyin labada dhinac ah, sida munaasabadda aan maanta joogno," Giovanni Grandi, oo ah Madaxa Xafiiska Hay’adda AICS ee Nairobi, ayaa ka sheegay kulanka.

Waxaa sidoo kale kulanka kasoo qeyb galay xubno ka socday dowladda Talyaaniga, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Bangiga IBS, Ergada Midowga Yurub Ujoogta Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP.

Iskaashiyada Caalamiga ah

Hay’adda UNIDO waxay si joogta ah ula shaqaynaysay ganacsiyada gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta ganacsiyada dalka iyo raadinta iskaashiyo ganacsi oo caalami ah. Waxay tilmaantay in ganacsiyada gaarka loo leeyahay - oo ay ku qasbanaaday inay wajahaan dhibaatooyinka ammaan-darrada, isbedbedlka cimilada iyo cudurka COVID-19 - waxay u baahan yihiin in xiriiro wanaagsan looga sameeyo ganacsiyada caalamiga ah si ay u hiigsadaan horumar mustaqbalka fog.

Khudbadiisii uu ka jeediyay shirka maalintii Talaadadii, Agaasimaha Fullinta ee Agaasinka Hal-abuurka Yoolasha Horumarinta Joogtada ah iyo Isbeddelka Dhaqaale ee UNIDO, Berger Gunther, ayaa rajo ka muujiyay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ka faa’ideysan doonaan shirka iyo maal-gashadayaasha ajnabiga ah ee ka socda Talyaaniga ee ujooga inay abuuraan iskaashi cusub oo ganacsi.

“Soomaaliya ayaa si degdeg ah dib ugu soo noqonaysa saaxada iyada oo ah il dhaqaale oo muhiim istaraatiijiyad weyna u leh gobolka Geeska Afrika. Ganacsiyada gaarka loo leeyahay, in kasta oo ay jiraan wax badan oo kala duwan, waxay ahaayeen kuwo sannadihii la soo dhaafay u adkeysta isbedbedello badan oo gudaha iyo dibadda ah oo ay ku qasbanaatay inay u adkaysto," ayuu Mr. Gunther ku yiri farriin muuqaal ah shirka laga baahiyey.

Waxa uu intaa ku daray in la gaaray xilligii suuqyada ganacsiyada Soomaalida shaac bixin fiican loo sameyn lahaa si ay u noqdaan tiigsiyo ganacsiyo iyo maalgelin, isaga oo xusay in “dhacdooyinka qaar sida tan aan maanta daahfureyno ay dhab ahaantii wax badan ku kordhinayso sidii loo gaari lahaa ujeedadaas.”

Waxaa taageerada QM ee horumarinta fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya qeyb muhim ah ka ah Barnaamijka Horumarinta Qeybaha Waxsoosaarka (PSDP), barnaamij QM oo sal ballaaran- oo ay hirgalinayso hay’adda UNIDO oo kaashaneysa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha QM (FAO) iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee QM (ILO)- si loo taageero horumarka waara iyada oo loo marayo iskaashi u dhaxeya dowladda iyo ganacsatada.

Barnaamijka (PSDP) ayaa sidoo la howlgala Wasaaradaha Soomaaliya heer federal iyo heer dowlad-goboleed ee Ganagsiga, Waraabka iyo Beeraha; Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda; Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa; Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

 Soomaaliya waxa ay si sii kordheysa diiradda u saareysaa waxa loogu yeero ‘Guntimaha Seddexda ah,’ oo isku xiraya kaalmada beni’aadanimo, hortebinnada horumarinta iyo dadaallada nabad-dhisidda. Haddii xasillooni dhaqaale iyo siyaasadeed oo la adkeeyo, waxa aan ku gaari karnaa guulo taariikhi ah oo ku aaddan xalalka muddada fog oo dhameystiran si loo dhiso adkeysiga Soomaaliya,” ayuu Md. Conway ku sheegay hadaljeedintiisa.

“Hindiseyaasha sida shirarkan, iyo barnaamijyada sida PSDP, waxa ay wax ku kordhiyeen in la beddelo fahamka laga qabay xalalka horumarka waara ee muddada fog, oo ay ganacsatadu si cad ugu leeyihiin door muuqda oo ay ka cayaaraan. Tanina waxa ay isugu jirtaa in la sare loo qaado hal-abuurka ganacsiga, la taageero ganacsiyada yaryar, dhex-dhexaadka, la fududeeyo helista maaliyadaha, oo la furo maalgashiga”

Waxqabad gudaha ah

Dareenka ay muujiyeen marti-sharafta dhacdada waxaa la wadaagay bollaal ka mida ka-qeyb-galeyaasha ka socday qeybta ganacsiga ee Soomaaliya, iyada oo ay kuwo badan oo ka mid ah ey ka hadleen baahida loo qabo kaalmo lagu casriyeynayo tiknoolajiyada dalka ee qeybaha muhiim ah eel eh furadaha weyn ee kobaca, sida dhismaha, kalluumeysiga, xoolaha iyo beerafalashada.

“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay ganacsi. Waxa aan leenahay shidaal, xeeb dheer oo aan la taaban oo uu ceegaago kalluun, iyo carro san. Waxa aan caalamka oo dhan ku soo dhaweyneynaa in ay maalgashtaan Soomaaliya,” ayey tiri Deeqo Maxamuud Saalax, hal-abuur ganancsi oo leh ganacsi la xiriira is-qurxinta.

“Shirweynahani waxa uu muhiim u yahay ganacsigeyga maxaa yeelay waxa uu i siiyey fursad aan kula kulmo macaamiil badan oo ka kala socday dalka iyo dibaddiisaba – waan ku faraxsanahay in aan ka soo qeyb galay dhacdadani,” ayey tiri Shukri Maxamed Bashir, hal-abuur ganancsi oo kale. 

Shirweynaha Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa marti gelinta Madasha labaad ee Ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga maalinti Talaadada aheyd, iyo Kulankii ugu horreeyay ee Iskaashiga Ganacsatada Soomaaliyeed oo manta dhacay.