Hadalladii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu warbaahinta uga jeediyay Kismaayo

3 Oct 2021

Hadalladii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu warbaahinta uga jeediyay Kismaayo

Galab wanaagsan.

Waxa aan jeclaan lahaa in aan ku billaabo mahad-celinta Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ iyo kooxdiisaba soo dhoweynta diirran ee ay maanta noo fidiyeen. 

Waxaa booqashada igu wehliya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Norway, Merete Dyrud; iyo La-taliyaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Safaaradda Sweden, Johan Svensson.

Booqashadeenna maanta waa tii u dambeysay ee xiriirkeenna joogtada ah ee aan la leenahay hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Ujeedada ugu wayn ee booqashadeenna ayaa ah in markale dib loo xoojiyo taageerada wadajirka ah ee Beesha Caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya iyo in aan kala hadalno tillaabooyinka xiga ee geedi-socodka.

Intii aannu wada hadalka la laheyn Madaxweynaha iyo xubnaha golahiisa wasiirrada, waxa aan Jubbaland ku bogaadinney in ay noqotay Dowlad-goboleedkii u horreeyey ee bilaaba qabashada doorashooyinka Aqalka Sare, waxa aan carrabka ku adkaynay in loo baahan yahay in doorashooyinka haray ee kuraasta Aqalka Sare loo dhameystiro si deg deg ah.

Waxa ay tani fududeyn doontaa in diiradda la saaro wejiga xiga ee doorashooyinka federaalka ah – gaar ahaan kuwa Golaha Shacabka.

Waxa aan ku dhiirigalinay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Dowlad-goboleedka Jubbaland in ay dardar geliyaan geedi-socodkan iyaga oo dhisaya guddiyada xulista ergooyinka oo ka kooban odayaasha iyo wakiillada bulshada rayidka ah, iyaga oo sidoo kale diyaarinaya goobaha cod-bixinta ee Kismaayo iyo Garbahaarrey.

Waxa aan carrabka ku adkaynay in geedi-socodyadani ay tixgeliyaan xuquuqda haweenka ee ah in ay si buuxda uga qayb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo metelaadda haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba sodonka ah (30%) in laga gaaro baarlamaanka

Waxaa intaa dheer, in ay muhiim tahay in in fagaaraha siyaasaddu uu noqdo mid u furan dhammaan Soomaalida. Tanna waxaa ku jira, xorriyada hadalka, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda isu imaatinka iyo qabanqaabada –  si loo hubiyo in geedi-socodka doorashadu noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo daah-furan.

Intii uu socda wada-hadalkeena, waxa aan ku dhiiri-geliney Madaxweynaha in uu xoojiyo dadaalladiisa in ka qeybgelinta doorashada ee dhammaan saamileyda Jubbaland si loo gaaro dib-u-heshiisiin waarta. Waxa ay tani taageeri doonta in la hubiyo wadajir siyaasadeed si diiradda loo saaro hortabinnada kale ee muhiimka ah sida horumarka iyo amniga, kuwaas oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli khatar wayn ku ah nabadda iyo deggenaanshaha Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe, waxa aan mar kale idinkaga mahadcelinayaa adiga, dowladda iyo shacabka Jubbaland soo dhaweyntiinna maanta. Waxa aan marwalba qiimeyn doonnnaa fal-celintiinna, fikradihiinna iyo qiimeyntiinna xaaladda hadda taagan, waxna waan ka baranay. Dhankeena, waxa aan ku rajo weyn nahay in aan sii wadno wadashaqeynteenna iyo taageeradeenna inta lagu guda jiro geedi-socodka doorashada iyo ka gadaalba.

Mahadsanidiin.