Booqashada saaxiibbada caalamka ee Kismaayo oo diiradda lagu saaray doorashooyinka Soomaaliya

previous next
3 Oct 2021

Booqashada saaxiibbada caalamka ee Kismaayo oo diiradda lagu saaray doorashooyinka Soomaaliya

Kismaayo — Wefti ka kooban qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliya ayaa maanta Kismaayo tegay, iyaga oo ujeedkoodu ahaa adkeynta taageerada wadajirka ah ee Beesha Caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya iyo in aan kala hadalno tallaabooyinka xiga ee geedi-socodka. 

“Intii uu socda wada-hadalkii la laheyn Madaxweynaha iyo xubnaha golahiisa wasiirrada, waxa aan Jubbaland ku bogaadinnay in ay noqotay Dowlad-goboleedkiu u horreeyey ee billaaba qabashada doorashooyinka Aqalka Sare, waxa aana carrabka ku adkeynay in loo baahan yahay in doorashooyinka haray ee kuraasta Aqalka Sare loo dhammeystiro si deg deg ah,” ayuu yiri uu wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

“Waxa ay tani fududeyn doontaa in diiradda la saaro wajiga xiga ee doorashooyinka federaalka ah – oo ah kuwa Golaha Shacabka,” ayuu raaciyey mar uu warbaahinta kula hadlay magaalo madaxada ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland ee Kismaayo, ka dib kulan ay kooxdu la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ iyo kooxdiisa.

Madaxa ugu sarreeya QM waxa uu ku hadlayey magaca wefti ka kooban Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Norway, Merete Dyrud; iyo La-taliyaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Safaaradda Sweden, Johan Svensson.

Dhankooda weftiga booqashada sameynayey, waxa ay ku dhiirri-geliyeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubbaland in ay dardar-geliyaan geedi-socodkan iyaga oo dhisaya guddiyada xulista ergooyinka oo ka kooban odayaasha iyo wakiillada bulshada rayidka ah, iyaga oo sidoo kale diyaarinaya goobaha cod-bixinta ee Kismaayo iyo Garbahaarrey, caasimadda gobolka Gedo. 

Inti ay Kismaayo joogeen, weftigu waxa ay la kulmeen guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal, iyaga oo booqday goobihii cod-bixinta ee doorashooyinka Aqalka Sare.

Ka-qeyb-galka iyo Fagaaraha Siyaasadda

Inti uu socday kulankooda, waxa uu weftigu carrabka ku adkeeyeen in geedi-socodyadani ay tixgeliyaan xuquuqda haweenka ee ah in ay si buuxda uga qayb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo metelaadda haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba sodonka ah (30%) in laga gaaro baarlamaanka. 

“Waxaa intaa dheer, in ay muhiim tahay in in fagaaraha siyaasaddu uu noqdo mid u furan dhammaan Soomaalida,” ayuu wakiilka gaarka ah intaa raaciyey. “Tanna waxaa ku jira, xorriyada hadalka, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda isu-imaatinka iyo qabanqaabada –  si loo hubiyo in geedi-socodka doorashadu noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo daah-furan.”

Weftiga ayaa sidoo kale ku dhiirri-geliney Madaxweynaha in uu xoojiyo dadaalladiisa in ka-qeybgelinta doorashada ee dhammaan saamileyda Jubbaland si loo gaaro dib-u-heshiisiin waarta.

“Waxa ay tani taageeri doonta in la hubiyo wadajir siyaasadeed si diiradda loo saaro hortabinnada kale ee muhiimka ah sida horumarka iyo amniga, kuwaas oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli khatar wayn ku ah nabadda iyo deggenaanshaha Soomaaliya,” ayuu Md. Swan xusay.

Booqashada Kismaayo waxa ay aheyd wareeggii u dambeeyey ee xiriirro joogto ah oo ay wakiillada saaxiibbada caalamku la lahaayeen Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Weftiga ayaa tobobaadkii hore booqday Puntland.