Halgamaa dadaal badan oo ka hadashay shaqaaqada ku saleysan jinsiga ee Puntland

25 Nov 2017

Halgamaa dadaal badan oo ka hadashay shaqaaqada ku saleysan jinsiga ee Puntland

Faaduma Diiriye Nuur waa haweeney leh aragti dheer. Waxaa ay rajeyneysaa in la gaari doono maalin aysan haweeney ama gabadh ku nool Dowlad Goboleedka Puntland noqon doonin dhibbane la rafaadsan dhibka ka soo gaaray shaqaaqada ku saleysan jinsiga. Faaduma oo ah halgamaa iyo ol’ololeeye, si hagar la’aan ah ayay uga dooddaa kufsiga, guurka carruurta iyo gudniinka fircooniga.

 “Markii aan yaraa, waxaa la igu khasbay gudniinka fircooniga ah, mana doonayo gabdhaha kale in ay xanuunkaas mid la mid ah ay soo maraan. Waa in ay halkaasi ku ekaato,” ayay Faaduma tiri. “Waa dembi in gabdhaha la oggolaado in ay dhiig-baxaan ilaa ay ka dhintaa, ama ay xilli dambe umul raacaan, waayo kani waa dhaqan fool xun.”

Faduma oo hadda ah guddoomiyaha Samofal Development Organization, ayaa sharraxday in meelaha ay diiradda ku saarayaan howlahooda ay marba isbeddeleysay.

 “Waxaa aan diiradda saari jirnay horumarka haweenka iyo dhallinyarada, balse sanadkii 2006 dhowr dhacdo oo kufsi ah ayaa lagu soo warramay inay ka dheceen magaalooyinka waaweyn ee Puntland,” ayay xustay Faaduma. “Arxan darradan in la joojiyo ayay noqotay, mana ka aamusi karin dembiyada noocaasi ah oo lagula kacay haweenka.”

Faaduma ayaa xustay in haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ay ka mid yihiin dadka ugu nugul, gaar ahaan sababta oo ah xaaladda nololeed ee xerooyinka oo aad u liita. Waxaa ay intaasi ku dartay in, qofkuu doonaba ha sameeye, ficillada noocaasi ah aan loo dulqaadani karin.

 “Xerooyinka intooda badan waa ay ka baxsan yihiin bulshada inteeda kale, waxaa ayna la’yihiin hooy wanaagsan, biyo iyo koronto,” ayay tiri Faaduma. “Markii ay tahay in haweenka iyo gabdhaha ay u lugeeyaan masaafo fog si ay u soo dhaamiyaan biyo, si fudud ayaa loo bartilmaameedsan karaa”.

In muddo ah, Faduma waxaa ay ol’olaheeda kala kulmeysay diidmo. Waxaa ay la kulantay gooddis iyo warar been abuur ah, balse waxaa dhiirriggeliyay dadka badan ee ay gaartay, iyo isbeddelka wanaagsan ee ku aaddan fikirka ay ka qabeen dadka. In kasta oo ay jireen caqabado, waxaa ay sameysay iskaashi xooggan ee ku aaddan dagaalka ay ku dooneyso in ay joojiso  shaqaaqada ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha.

“Culimada kaalin muhiim ah ayay ka ciyaaraan afjaridda shaqaaqada ku saleysan jinsiga, codkooda waa mid saameyn leh oo gaari karaa dad aad u tiro badan,” ayay tiri Faaduma, iyada oo xustay sida ay gacan uga geysteen in la xiro oo la xukumo nin gabdho  ku kufsaday dhulalka miyiga ee Puntland.

“Waxaa aan sidoo kale adeegsanaa baraha bulshada si aan u dhiiriggelino wadahadal, taasi oo keeni kartaa xal wax ku ool ah iyo in la soo afjaro shaqaaqada ku saleysan jinsiga. Wiilasha iyo ragga waxaa lagu boorrinayaa in ay ka hadlaan dembiyadan,” ayay tiri Faaduma, iyada oo ka waddo ol’olaha #zerotolerance

Iyada oo u mareyso barnaamij la hindisay xilli aan fogeyn ee la yiraahdo Talowadaag, Faaduma waxaa ay dooneysaa in ay dhisto haweenka, dhanka siyaasadda iyo bulshadaba.

 “Ka mid ahaanshaha haweenka siyaasadda waxaa ay gacan ka geysaneysaa la dagaalanka shaqaaqada ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha. Haddii dhibbaneyaasha ay helaan haween u dooda oo ku jira siyaasadda, waxaa ay ku dhiirranayaan in ay soo wargeliyaan dhacdooyin badan,” ayay intaasi ku dartay Faduma.

Ol’olaha “16-ka Maalin ee u Ol’olaynta ka dhanka Shaqaaqooyinka ku saleysan Jinsiga” waxaa sanad waliba caalamka ka dhacaa laga bilaabo 25 Noofeembar, oo la xuso Maalinta Adduunka ee Ciribtirka Shaqaaqada ka dhan ah Haweenka, ilaa iyo 10-ka Diseembar, Maalinta Xuquuqda Aadanaha. Mowduuca sanadka ee ah, “Qofna gadaal yaan looga tagin: Jooji shaqaaqada ka dhan ah haweenka”, waxaa uu xoojinayaa ballanqaadka Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in la helo caalam aan lahayn shaqaaqo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha, iyada oo sidoo kale la gaarayo dadka si weyn u horumar hooseeya, kuwa la gacan bidaxeeyay ama kuwa ugu nugul.