UNSOM oo Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hambalyeysay doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland”

29 Nov 2017

UNSOM oo Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hambalyeysay doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland”

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyeysay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland” taas oo shalay ay xaqiijisay Maxkamadda Sare ee “Somaliland”.

Goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalkaba waxay tilmaameen in geedi-socodka doorashada iyo codeyntuba ay guud ahaan u qabsoomeen si nabad ah ayna ka soo baxday natiijo lagu kalsoonaan karo. UNSOM way soo dhoweynaysaa arrinkan, waxayna ku amaanaysaa hogaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa dhaqanka ee “Somaliland” sida ay u xalliyeen murankii la xiriiray doorashada ee soo if-baxay. UNSOM waxay ku boorinaysaa maamulka xilka la wareegaya inuu sii wado horumarinta siyaasadda loo wada-dhanyahay iyo xoojinta demoqoraadiyadda, nabadda iyo xasilloonoda dadka reer Somaliland. 

UNSOM waxay ku hanweyntahay inay ka amba-qaaddo xiriirka kala-dhexeeya Somaliland ee ku dhisan khariidaddii/tubtii lagu heshiiyay ee Qaramada Midoobay ay ku kaalmaynayso “Somaliland” iyo Qorshaha II ee Horumarinta Somaliland. UNSOM waxay sidoo kale diyaar u tahay inay taageerto dib u billaabidda wada-hadalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo “Somaliland”.