Halgamaa xuquuqda aadanaha oo ku howlan taageeridda dhibaneyaasha xadgudubka galmada ee Soomaaliya

10 Dec 2017

Halgamaa xuquuqda aadanaha oo ku howlan taageeridda dhibaneyaasha xadgudubka galmada ee Soomaaliya

Geelle Mowliid Ibraahim waxaa uu u istaagay caawinta haweenka iyo gabdhaha dhibaneyaal ka ah shaqaaqooyinka galmada isagoo bulshada la shaqeeya si shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiga ay u dhicin. Waxaa uu maareeyaha mashruuca ka yahay Hay’adda Badbaadinta iyo Horumarinta Soomaalida (OSPAD) oo ka howlgasha gobollada Shabeelaha Dhexe, Galgaduud iyo Banaadir

Iyadoo ay Maay 2000 assaaseen aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ay hay’adda OSPAD isticmaashaa hab dhammaystiran si ay ula taagalanto dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka iyo gabdhaha nugul iyagoo siiya taageero dhanka maskaxda iyo bulshadaba. Cunno, caafimaad, waxbarasho iyo badbaadinta dhibaneyaasha ayaa sidoo kale udub-dhexaad u ah shaqada hay’adda OSPAD.

“Dhibaneyaasha bulshada ma ka helaan taageerada ay u baahan yihiin. Waa la faquuqaa, la takooraa, hoos ayaana loo fiiriyaa. Kuwa badbaada xitaa bulshada dhexdeeda ma lagu guursado,” ayuu sheegay Geele. 

Waxaa uu ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee u ololeeya xuquuqda haweenka ee Soomaaliya. Balse Geele waxaa uu aaminsan yahay in uu boos fiican joogo oo ku beddalo qaar ka mid ah fikradaha qaldan ee ku aadan jinsiga, dhaleecaynta iyo sawirada taban ee bulshada ka qabto xuquuqda haweenka. Tusaale ahaan waxaa uu ka hadlaa fikradda ah in ragga aan naagahooda garaacin ay daciif yihiin. Waxaa uu Geele sheegayaa in shaqaaqooyinka galmada ee ka dhanka ah haweenka ay fuliyaan ragga sida daraadeedna ay ka go’an tahay in uu ciribtiro falkaasi.  

“Xilligii dagaalkii sokeeye, haweenka waxaa loo isticmaali jiray badeeco ahaan. Marka ay labo qabiil isdagaalaan, kan badiya waxaa uu dhibaateyn jiray haweenka iyo gabdhaha si uu u dabaal dago guushiisa. Dhaqankaasi ayaa sii xumeeyey shaqaaqooyinka galmada,” ayuu sharraxay. 

Geele oo hormuud u ah xuquuqda haweenka ayaa waxaa ka go’an in uu isbeddal togan keeno isagoo yaraynaya baaxadda xad-gudubka ee xuquuqda aadanaha.

“Inagoo u marayna ololooyin wacyi gelin iyo kicin, waxaa aan la talin siinnaa dhibaneyaasha shaqaaqooyinka ku saleysan galmada iyo jinsiga. Wacyi gelinta bulshada ka soke waxaa aan sidoo kale isticmaalnaa idaacadaha raadiyaha si aan dadka u baarujinno. Dadaaladeenna waxaa ay saamayn weyn ku yeesheen bulshooyinka aan ka dhex shaqayno,” ayuu yiri.

Ololeeyaha ayaa dhibaneyaasha shaqaaqooyinka galmada ku booriya in aanay ka aamusin falalkaasi. Waxaa uu intaasi ku daray in muhiimdda ugu weyn ee ololaha baraarujinta hay’adda OSPAD uu yahay in ay ku dhiiri geliyaan dhibaneyaasha shaqaaqooyinka galmada in ay caddaalad ka raadsadaan nidaamka rasmiga ah ee caddaaladda inti ay ka raadsan lahaayeen dhexdhexaadin qabiil. Nidaamka caddaaaladda ee oday dhaqameedyada ma ahayn mid wax ku ool oo wax ka qaban kara shaqaaqooyinka galmada, ayuu yiri Geele.   

“Waxaa jirtay hooyo dukaan ku haysatay tuulo ku taala gobolka Shabeelaha Hoose. Habeen ayaa dableey dukaankeedii jabsadeen oo ayna qaateen wax kasta, ka hor inta aayan iyada kufsanin ka dibna dileen. Waxaa ay ka tagtay dhallaan. Ma jirto cid loo xiray falkaasi foosha xun. Odayaasha waxaa ay ku guul dareysteen in ay aqoonsadaan oo ay ciqaabaan dadki dilkaasi geystay. Waa arrin naxdin leh,” ayuu soo xusuustay. 

Waxaa uu aaminsan yahay in dadaal la isku geeyey oo kaliya uu soo afjari karo shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiga. Go’aankiisa ah in uu sii wado wacyi gelinta bulshada waa mid xoogan maadaama mar la weeraray isagoo fulinaya howlaha hay’adda OSPAD.

“La dagaalanka caddaalad-darrada ayaa ah waxa igu dhiiri geliyo in aan sii wado ololahayga si aan u beddalo sawirada iyo fikradaha ay ragga ka qabaan haweenka,” ayuu yiri Geele. “Marka si loo eego waa halis laakiin waa in uu qof ka hortagaa,” ayuu ku daray, isagoo ula jeeda kuwa geysta shaqaaqooyinka noocaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay hadda dib u eegeysaa Qorshaha Waxqabadka Qaran ee ku aadan Ciribtirka Shaqaaqada Galmada ee Colaada oo qayb ka ah dadaalo baaxad leh oo lagu doonayo in wax looga qabto shaqaaqada galmada ee la xidhiidha colaada. Howgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa ay taageereysaa Wasaaradda Federaalka ah ee Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka si loo la yimaado qaab-dhismeed sharciyeysan kaasi oo kor u qaadi doona soo wareglinta, taageeridda dhibaneyaasha iyo taabagelinta laamaha dowladda si sharciga loo la tiigsado kuwa geysta shaqaaqada galmada.

Ololaha sanadlaha ah ee “16-ka beri ee u Ololeynta ka dhanka ah Shaqaaqada ku saleysan Jinsiga” ayaa 25-ka Nofeembar ka biloowday adduunka dhan, Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Shaqaaqada ka dhanka ah Haweenka, waxaa ayna soconeysaa ilaa 10-ka Diseembar oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Mowduuca sanadkani waa, “Qofna yaan laga tegin: Ha la ciribtiro shaqaaqada ka dhanka ah haweenka”, waxaa uu na xoojinayaa ballan-qaadka Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka kale ee ku aadan sidi loo heli lahaa adduun xor ka ah shaqaaqa ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha.