Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya oo ballanqaad lagu sameeyay in dalka la siiyo taageerro la saadaalin karo oo waarta

5 Dec 2017

Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya oo ballanqaad lagu sameeyay in dalka la siiyo taageerro la saadaalin karo oo waarta

Mogadishu – Bah-wadaagta Soomaaliya ee dhinaca horumarinta ayaa Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya oo socday hal maalin dib ku cusbooneysiiyay ballanqaadkooda ku aaddanaa in ay gacan ka siiyaan dalka in uu joojiyo xagjirnimada iyo in uu gaaro kabsasho dhaqaale.

Dadka ka soo qayb-galay madasha ayaa aqoonsaday horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhismaha nabadda, horumarinta xuquuqda aadanaha iyo dadalallada ay sameysay ee ku aaddan in ay dhammaan shacabkeeda gaaraan barwaaqo.

Kulanka heerka sare waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday25 waddan iyo 6 hay’ado caalami ah, madaxweynayaasha shanta Maamul Goboleed iyo guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ay Muqdisho hoos timaaddo.

Mas’uul sare oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay meelaha muhiimka u ah geeddi-socodka ay Soomaaliya ugu jirto soo kabsashada dhaqaale. Waxaa ka mid ah Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la ansixiyay, hannaanka dib u eegista dastuurka oo carqalad ku timaadday, taabbagelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, adeegsiga xeelado aan militariga ahayn ee looga hortago khatarta Al-Shabaab, la shaqeynta ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo soo celinta xiriirka hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah.

Raisedon Zenenga, Ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ayaa shaaciyay in hoggaanka dalka heer federaal iyo heer maamul goboleed iyo in lala yimaado siyaasado loo dhan yahay ay ka mid yihiin waxyaabaha loo baahan yahay si loogu guuleysto in la helo kabsasho dhaqaale.

Mudane Zenenga ayaa sheegay in, “hab toosan oo ay bah-wadaagta caalamiga ah ku taageeraan ajeendooyinka siyaasadda iyo amniga” ay sidoo kale muhiim u tahay si loo sameeyo horusocod.

Madaxweyna Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ka dhawaajiyay guulaha ay dowladda gaartay tani iyo markii ay xilka la wareegtay sagaal bilood ka hor, wuxuuna hoosta ka xarriiqay qorshaha dowladda ee mustaqbalka.

“Marna yaysan shaki idin ka gelin go’aankaannaga ku aaddan in aan fulinnno rebitaanka shacabka Soomaaliya, in ay ka gudbaan habka awood-qaybsiga ku saleysan qabiilka ee hoogaamiyeyaasha lagu doorto, in ay u gudbaadn hab dimuqraaddi ah oo ay dadku helayaan matalaaad, hab loo dhan yahay oo isla xisaabtan leh,” ayuu Madaxweyna ku yiri khudbadda uu ka jeediyay madasha.

Si natiito wanaagsan loo helo, Madaxweynaha ayaa ballaanqaaday in uu qaadi doono “tallaabooyin wax ku ool ah si loo helo xasillooni siyaasadeed oo waarta iyada oo loo gudbayo geeddi-socod dib u eegista dastuurka oo loo dhan yahay”, taasi oo uu sheegay in ay keeni doonto hab-dhismeed sharci dejin ah oo xooggaan kaas oo ka talin doono danaha shacabka Soomaaliyeed.

War-murtiyeed la soo saaray gabagabada Madasha ayaa waxaa walaac laga muujiyay tirada badan ee dadka weli ku tiirsan kaalmada samafalka bina’aaddinimada sababo la xiriira abaaraha iyo colaadaha. War-murtiyeedka ayaa ku boorriyay bah-wadaagta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba in ay qaadaan tallaabooyin laga maarmaanka ah ee si kaalmo bani’aaddinimo oo degdeg ah loo gaarsiyo shacabka ay saameynta gaartay.

“Isbeddellada cimillada oo dhinaca abaaraha iyo wareegga cimillooyinka si dardar ah ayay u socdaan. Tani waxaa ay ayada lafteeda tahay arrin ganacsi ee loo baaahan yahay in si degdeg ah Soomaaliya la maalgashado horumarka waara,” ayuu yiri Peter de Clercq, ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, kaas oo sidoo kale ah Isku Duwaha arrimaha Samafalka ee Qaramada Midoobay ee u xilsaaran Soomaaliya.

Ka qaybgalayaasha ayaa boogaadiyay dadaallada ay sameyneyso Soomaaliya si loo hirgeliyo hannaan loogu talagalay soo kabsasho dhaqaale iyo koboc dhaqaale, waxaa ayna ku celiyeen go’aankooda ku aaddan in ay xoojinayaan mabaadii’da iskaashi si gacan loo siiyo dalka in uu ku guuleysto hadafkiisa.

“Dib uma guran kartaan hadda. Waa xilli aan u baahannahay wax yar in aad na garab istaagtaan. Nagu caawiya in aan helno kabsasho dhaqaale, kaalmo deyn bixin si aan u qancinno IFI (Hay’adaha Lacagta ee Adduunka) iyo in aan noqonno dal madax bannaan,” ayuu yir Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire.

Xog hordhac ah oo hadda la haayo waxaa ay muujineysaa in kaalmada caalamiga ah ee loo diro Soomaaliya ay sanadka 2017-ka gaartay heerka ugu sarreeysay taasi oo lagu qiyaasayo $1.7 bilyan. Taasi waxaa ay ka dhigan tahay sare u kac boqolkiba 30 marka loo eego inta u dhaxeysay sanadaha 2014-ka iyo 2016-ka. Sare u kaca weyn ee dhinaca kaalmada waxaa loo aaneynayaa korodhka taageerrada bani’aaddinimo ee looga jawaabayo ol’olaha wax ka qabashada abaaraha ee ay sameysay dowladda Farmaajo.