Haween QM dabdamiyeyaal u ah oo tababbar xirfadeed uga qayb galay dalka Ingiriiska

23 Jun 2017

Haween QM dabdamiyeyaal u ah oo tababbar xirfadeed uga qayb galay dalka Ingiriiska

Sunita Sharma ee UNSOM waxaa ay ka mid ahayd koox haweeney ah oo si gaar ah loo soo xulay in ay ka qaybgalaan tababar ku aaddan dab-demiska jaamacadda Oxford ee Boqortooyada Ingiriiska. Tababbarka waxaa diiradda lagu saaray xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin haweenka iyo hoggaanka, baaritaanka dhacdooyinka dabka, raadadka ay dhibaatooyinka qofka ku yeeshaan, maamulidda dhacdooyinka iyo raadinta iyo badbaadinta goobaha magaalada. Sunita waxaa ay muddo 14 sano ahayd ciidan boolis ka hor inta ay ku biirin howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Bosnia iyo Sudan oo ay hal darajo ka soo qabatay. Markaas kaddib Sunita waxaa ay beddeshay xilkeeda shaqo iyadoo iska casishay shaqada booliska si ay ugu biirto jagooyinka rayidka ah oo ay UNSOM uga noqotay dab-demiye. Maadaama ay tahay haweeneyda kaliya ee dab-demiye ka ah UNSOM, waxaa ay ku biirtay shaqo ay u badan yihiin ragga sababtoo ah waxaa ay dooneysay shaqo adag haddana natiijo wanaagsan leh. “Waan jeclahay shaqooyinka adag. Ka shaqaynta dhinaca ammaanka iyo badbaadinta waa shaqo natiijo wanaagsan iyo khibrad gooni ah leh,” ayay tiri Sunita oo hadda shaqo ku meel gaar ah u joogta New York iyadoo ah Maareeyaha Kooxda Badbaadinta iyo Ammaanka. In kastoo hay'adda UNSOM aysan lahayn haysan dumar ka shaqeeya dab-damiska, Sunita waxaa ay ku dhiiragelinaysaa ka qaybgalayaasha kala qaybgalaya koorsada in ay codsadaan shaqooyinka ka soo baxa hawlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay. “Hadda lama joogo dunidii ragga kaliya ay maamulanayeen. Ka qayb ahaanshaha haweenka howlaha aan iyaga lagu baran waa mid muhiimad gaar ah leh,” ayay ku dartay Sunita, iyada oo xustay in farqiga u dhaxeeya jinsiyada dhinaca shaqooyinka sida Tiknoloojiyadda Macluumaadka iyo Injineernimada uu sii yaraanayo. Tababarkan lagu qabtay Oxford waxaa uu hal meel isugu keenay in ka badan 200 haweeney dab-demiyeyaal ah si ay uga sheekeeyaan waayo aragnimadooda iyo in lagu horumariyo sinnaan jinsi ee shaqooyinka badanaa loo arko in ay u qoondeysan yihiin ragga kaliya. Tababarkani waxaa uu qayb ka yahay waajibaadka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lagu badinayo ka qaybgalka haweenka howlaha nabadda iyo amniga si loo helo sinnaan jinsiga ee ka jirta hay'adda caalamiga ah.