Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay sanad-guuradii Konton-iyo-toddobaad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida, wuxuuna ku boorriyay dadka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda jirta

1 Jul 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay sanad-guuradii Konton-iyo-toddobaad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida, wuxuuna ku boorriyay dadka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda jirta

WAR-SAXAAFADEED 12/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dowladdaba ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada madaxbanaanida dalka.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhamaan dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo dunida dacaladeeda. Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan madaxbananida, inkasoo ay wajahayaan dhibaatooyin badan, haddii ay ahaan lahaayeen kuwo la xiriira abaarta, amni darrida ama dakhli la’aanta, haddana waxaad ku faani kartaan qaar kamid ah guulo dhab ah oo waaweyn oo dhowaan la gaaray,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed, iyo rajo. Ma ahan wax iska yimid; fursadahaan oo kale mar kasta kama dhacaan taariikhda dal uu leeyahay.                              

“Hawsha na hortaal ayaa ah sidii siyaasadda wanaagsan iyo fursadaha ballaaran ee dalka [ka jira] loogu bedeli lahaa faa’iidooyin wax ku ool ah oo ay helaan dhamaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan malaayiinta haweenka, ragga iyo caruurta ah ee ku nool saboolnimo iyo wax la’aan ba’an. Taasi waxay u baahantahay hoggaan adag oo loo wada dhanyahay iyo sidoo kale ka-go’naasho iyo wadashaqayn wax tar leh oo ka timaada kuwa awoodda iyo saamaynta leh, si isbedel loo gaaro, haddii ay ahaan lahayd siyaasadda, waaxda gaarka loo leeyahay, qurbajoogta iyo ururada bulshada ah. Ajendooyin (dano) gaar ah waa in aanay wiiqin horumar wadareedka.”  

“Waxaan si diirran u amanayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Khayre iyo dowladdiisa sida adag ee ay uga go’antahay nabad iyo xasilooni kusoo dabaalidda Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay hesho hay’ado lala xisaabtami karo iyo koboc dhaqaale. Waxaan ku boorrinayaa dhamaan hogaamiyeyaasha, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa dowladda iyo kuwa waaxda gaarka ah, inay la shaqeeyaan madaxdaas si natiijo loo gaaro. Intiiba ay sidaas kusii wadaan hawsha, beesha caalamku wey sii kordhinaysaa taageeradeeda Soomaaliya.”

“Wax badan ayaa laga guul gaaray sanadkii lasoo dhaafay. Tiro badan oo Soomaali ah ayaa ka qayb galay geedi-socodkii taariikhiga ahaa ee doorashada, kuwaas oo soo doortay baarlamaan [xubnihiisu ay yihiin] kuwii ugu kala duwanaanshaha badnaa taariikhda dalka. Bishii Febraayo, kala-wareejintii sida nabadgelyada iyo kala-dambaynta lahayd ku dhacday ayaa lagu doortay madaxweyne cusub oo federaal ah. Bishii Abriil, madaxda Soomaaliyeed waxay saxiixeen heshiis kusaabsan qaab-dhismeedka amniga dalka, kaas oo waddada usii xaaraya in si dhab ah loo dhiso ciidamada amniga qaran ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan ciidanka xoogga iyo booliska, kuwaas oo qof kasta oo dalka ku sugan uu aamini karo. Bishii May, waxaan aragnay muujin caadi ahayn oo beesha caalamku isku-garab taagtay Soomaaliya shirweynihii London, iyadoo la sameeyay ballan-qaadyo lagu taageeraayo gurmadka abaaraha, kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo xoojinta dowladda federaalka ah. Taasi waxay cabir [halbeeg] u tahay masaafada uu soo maray dalka, taas oo dhalisay in taariikhda markii ugu horreysay Soomaaliya ay yeelato qorshe horumarin qaran oo soo jiita maalgelin, dhisa hay’adaha, horumariya kaabayaasha dhaqaalaha oo fidiya adeegyo.”

“Caqabado badan ayaa 12ka bilood ee soo socda kasii hor muuqda Madaxweyne Farmaajo, dowladdiisa iyo hogaanka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Khilaafaadka soo-jireenka ah ee kusaabsan kheyraadka iyo xuduudaha [sohdimaha] ayaa weli sii kala-qaybinaya bulshada, boqolaal kun oo qofood ayaa iyagana ku barakacay saamaynta ba’an ee abaarta iyo argagixisnimada wada socda. Waa in heshiis laga gaaraa, iyadoo loo marayo dib-u-eegidda dastuurka, arrimaha asaasiga ah sida wadaagga kheyraadka iyo canshuuraha. Waa jiri doonaan kala duwanaansho iyo khilaafaad, laakiin wax baa laga qaban karaa haddii hogaanka dalku ay si wadar ah uga go’antahay inay ka wada shaqeeyaan danta guud. Tani waxay sidoo kale noqon doontaa asaaska ugu wanaagsan ee looga hortegayo Al Shabaab laguna yaraynayo heerarka rabshadaha.”

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada oo ay kala shaqaynayaan sidii loo xoojin lahaa cadaaladda iyo xuquuqul insaanka, loona kordhin lahaa dadaallada gargaarka bani’aadanimo, laguna dhisi lahaa hay’ado aad u daah-furan oo lala xisaabtami karo. Qaramada Midoobay waxay ku hanweyntahay inay si niyad-sami, u-wadadhamaansho iyo is-garab istaag ku dheehantahay ula shaqayso dadka Soomaaliyeed ee tiigsanaya yoolalkaas. Waa laga gudbi doonaa caqabadaha ku horgudboon dalkooda, Soomaaliyana way ku tashan kartaa taageerada xooggan ee ballaaran ee beesha caalamka, hadda iyo mustaqbalka.”