Haweeneyda ugu horreysay ee Soomaaliya duuliye ka noqota oo dalka dib ugu soo laabtay, iyada oo ballan-qaadday in ay taageereyso haweenka iyo dhallinyarada dalka

3 Aug 2017

Haweeneyda ugu horreysay ee Soomaaliya duuliye ka noqota oo dalka dib ugu soo laabtay, iyada oo ballan-qaadday in ay taageereyso haweenka iyo dhallinyarada dalka

Asli Xasan Cabaade, waxaa ay ka mid tahay dadka ku jira taariikhda dahabiga ah ee dalka Soomaaliya. Asli waxaa ay tahay haweeneyda ugu horreysay oona abid duuliye ka noqota dalka.

Asli ayaa muddo lix sano gudahood mar labaad ku soo laabatay Soomaaliya, bisha Luulyo 2017. Sanadka 2011-ka, waxaa ay u soo safartay Muqdisho si ay agab caafimaad u geyso Isbitalka Carruurta ee Forlanini (Lazaretto) xilli uu waddanka la tacaalayey abaartii ugu darnaynd oo sanado badan soo marta.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo marka caasimaadda Soomaaliya joogtay darted, waxaa ay socodkeeda ku soo koobtay 24 saac kaliya, waxaana gabadhan duuliyaha ah u ahayd farxad iyo murugo, labadaba.

“Ma heysanin xorriyadan oo kale oo aan ku soo dhex maro magaalada Muqdisho ama aan kula hadlo warbaahinta,” ayay tiri Asli oo ah hooyo 59 jir ah oo leh afar carruur.

“Waxaa hadda garoonka diyaaradaha igu sugayey saaxibo, mas’uuliyiin iyo duliyeyaal hore. Waan ooyey, iyagiina way is celin waayeen oo way ila ooyeen. Markaan sidaa uga soo dagay diyaaradda, dhulka ayaan shumiyey.”

“Waan rumeysan waayay in aan Muqdisho joogo. Badda ayaan eegay, gacmaha ayaan kor u qaaday kadibna hawada saafiga, dabiiciga oo aan wasakheysnayn ayaan jiitay. Waxaa ay ahayd xaalad aan caadi ahayn.”

Asli gurigii ay daganaayeen markaa ay yarayd wuxuu ku yaalay meel u dhow garoonka diyaaradaha halkaasi oo ay kula noolayd waalidkeeda iyo walaalaheeda oo sagaal ahaa. Diyaaradaha maalin kasta ka soo dagayey garoonka kana sii kacayey ayaa ku dhaliyey in ay noqoto duuliye. 

Waxaa ay Soomaaliya ka tagtay 1970-kii si ay duuliyenimo ka soo barato Talyaaniga kaddibna waxaa ay u wareegtay Mareeykanka. Waddankeedii ayay ku laabatay si ay ugu biirto Ciidamada Cirka ee Soomaaliya waxaa ayna shaqada duuliyenimo bilowday 1976-dii.

Waxaa ay guusha ay uga mid noqotay Ciidanka Cirka ee Dalka u aaneyneysaa taageerrada ay dowladda xilligaas jirtay siin jirtay haweenka.

“Haweenku waxaa ay rabaan ayay samayn jireen. Waxaa ay qayb ka ahaayeen dadka talada dalka hayay, waxaa ay qayb ka ahaayeen ciidamada difaaca oo ay ku jiraan ciidamada badda, ciidamada dhulka. Waxaa ay wax ka bari jireen jaamacadaha, waxaa ay xubno ka ahaayeen xisbiga talada hayey, qayb walbo oo dowladana way ka muuqdeen,” ayay tiri.

Marka ay toban sano la shaqayneysay Ciidanka Cirka ee Soomaaliya, Marwo Asli mar labaad ayay waddanka ka tagtay kaddib markii uu jacayl dhex maray ingineer diyaarad oo Mareykan ah. “Waxaa aan degnay magaalada Dallas Fort Worth ee gobolka Texas si aan qoys u noqonno. Wuxuu Ilaahay nagu irsaaqay gabadh iyo seddax wiil.”

Asli oo liisan ka heysata hay’adda Federaalka ah ee Maamulka Duulimaadyada ee loo yaqaano (FAA) waxaa ay sanadkiiba duulimaad samaysaa ugu yaraan labo mar si waafaqsan sida uu dhigayo xeer-hoosaadka FAA. 

“Waxaan sidoo kale ahay bare duulimaad, waxaana koorsooyin tabobarro ah ku bixiyaa si bilaash ah. Ka dulliye ahaan, waxaan duuliyaa diyaaradda loo yaqaanno Airbus. Afar billood ka hor ayaan duulimaad sameeyey,’ ayay tiri.

Marwo Asli ayaa aad ugu hanweyn in ay xirfaddaeeda iyo khibraddeeda uga faa’iideyso dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo sidaasi u arkeysa in ay qayb ka tahay xasilinta waddanka. “Waan soo qaadannay waqtigeenna. Jiilkeenna waa ay ka faa’ideysteen dhallinyaranimadooda.  Waxaa nalaga doonayaan in ay tabobarno oo aan hagno dhalinyarada hadda joogta sababtoo ah mustaqbalka iyaga ayuu gacantooda ku jiraa,” ayay sheegtay.

Waxaa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeysaa in ay nabadda ka shaqeyso oo ayna fursado badan u abuurto haweenka iyo dhalinyarada. “Waxaan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda kula dardaarmo in ay ka shaqeeyaan nabadda. Markaad nabad haysato nolol ayaad haysataa. Laakiin nabad la’aan waa nolol la’aan,” ayay tiri. 

UNSOM waxaa waajib ka saaran in ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gacan ka siiso horumarinta arrimaha jinsiga iyo haweenka, nabadda iyo amniga iyo awood-siinta haweenka.

Soomaaliya waxaa ay howlan tahay dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, awood-siinta haweenkana si ay uga qayb-qataan arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, waa arrin laga maarmaarn ah si loo dhiso bulsho xooggan, la gaaro heerarka caalamiga ah ee horumarka iyo waaritaanka, iyo in sare loo qaado tayada nolosha haweenka, ragga, qoysaska iyo bulshada Soomaaliyeed.