Dowladda Soomaaliya oo 1,000 arday siineyso deeq waxbarasho si ay kordhiso tirada ardayda ka qaybgalaya Jaamacadda Ummadda

31 Jul 2017

Dowladda Soomaaliya oo 1,000 arday siineyso deeq waxbarasho si ay kordhiso tirada ardayda ka qaybgalaya Jaamacadda Ummadda

Mogadishu -  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 1,000 arday siin doontaa deeq waxbarasho si kor loogu qaado tirada ardayda ka qaybgalaya jaamacadda. Tani waxaa ay hoos imaaneysaa barnaamij uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’.

Deeqdan waxbarasho waxaa la bixin doonaa bisha Sebtembar ee bilowga sanad dugsiyeedka cusub.

Qiyaastii 1,400 oo arday ayaa hadda wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo albaabada loo furay seddax sano ka hor tani iyo markii uu dalka ka qarxay dagaallada sokeeye sanadkii 1991-kii.

“Deeqdan waxbarasho waxaa ay labo jibbaareysaa tirada ardayda ee muddada seddaxda sano ee ugu dambeysay sii kordheysay. Waxaan haysannaa fursad oo aan kun arday ku darno tirada la qaato oo aan siinno waxbarasho bilaash ah oo tayo leh,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. 

Ardayda ka faa’ideysan doonta deeqda waxbarashada waxaa lagu soo xuli doonnaa hannaan ay jaamacadda soo saari doonto. Ardayda u qalma waa in ay ahaadaan arday dhammeystay waxbarashada dugsiga sare ayna u fadhiisteen Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiga Sare.

Wasiirka waxaa uu sheegay in kordhinta tirada ardayda ku biiraysa jaamacadda ay isbeddel ku keeni doontaa tacliinta sare, waxaana uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la isku dheellitiro ardayda rajeyneysa in ay ku biiraan jaamacadda dowladda.

“Gobollada Soomaaliya waxaa ay ku kala duwan yihiin xagga hantida, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin gaar ah oo aan ku xaqiijineyno in ardayda gobollada la qaato, inaga oo tixgelineyno xaaladdooda dhaqaale. Ardayda ka socda gobollada waxaa ay hadda ka kooban yihiin boqolkiiba 60 dhammaan ardayda dhigata jaamacadda ummadda,” ayay tiri.

Xafsa Abshir Aadan ayaa gashay imtixaanaadkeeda shahaadiga bisha May, waxaa ayna soo dhoweysay warkan. “Warkaas ku saabsan deeqda waxbarashada aad buu ii farxad geliyay. Aad ayaan ugu mahadcelinaya Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya, “ ayay tiri.

Arday asna dhammeystay dugsiga ee loogu magacaabo Ismaaciil Cabdullaahi Aadan ayaa ka hadlay adkeysiga ardayda Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay dhaqan isaga rajo geliyay, iyadoo waliba ay jirto dhibaatooyin. “Ardayda Soomaaliyeed waxaa ay la kulmeen caqabado fara badan sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan kuwa jooga Muqdisho. Dugsiyadooda waxaa laga dhigay goobo dagaal, dagaalladan waxaa ay ku reebeen saameyn dhinaca maskaxda. Hase yeeshee taasi ma aysan ka reebin ardayda in ay sii wataan waxbarashadooda,” ayuu yiri.

Macallin Cabdicasiis Axmed Cali ayaa sidoo kale ammaanay go’aanka dowladda ay deeq waxbarasho ku siineyso boqolaal arday oo cusub. Mudane Cali oo ah ku xigeenka agaasimaha Irshad Center for Intellectual Dialogue, waxaa uu ko boorriyay dowladda in ay lacag ku filan qoondeyso si ay xal ugu hesho tirada ardayda ee ku sii badaneyso Jaamacadda Ummadda.

“Jaamacaddan dowladeed waxaa ay seddaxda sano ee ugu dambeysay diiwangelineysay 300 oo arday sanadkiba, In sanadkan tiro 1,000 arday ah la siiyo deeq waxbarasho waa tallaabo wanaagsan oo horey loo qaaday,” ayuu yiri.

“Tallaabooyinka waa in ay ka mid ahaadaan shaqaaleysiinta macallimiin tayo leh ee laga keenay dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Dowladda waa in ay raadiso lacag ay ku daadihiso deeqdan waxbarasho oo ayna furto xarumo kale oo ardayda cusub lagu qaabilo iyadoo ku tashaneysa in diiwaan gelinta sanadkani ay mardhaw billaabaneyso’” ayuu mudane Cali raaciyey.

Qiyaas ahaan 23,000 arday oo wax ka barata 77 dugsi oo ku kala yaalla gobollada Soomaaliya ayaa u fadhiistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare bisha May. Tirada ayaa labo jibbaar ka badan tirada ardayda u fadhiistay imtixaanka 2016-ka, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka.

Imtixaanaadka ayaa seddaxdii sano oo ugu dambeysay lagu qabtay gobollada Benaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, waxaana kormeeraysay wasaaradda.

Deeqda waxbarashada waxaa dheer in wasaaradda ay ballan qaadday in ay isbeddel xooggan ka sameyn doonto dhinaca waxbarashada. “Waxaan ku guuleysannay in aan diyaarinno manhajka. Sanadkan dabayaaqadiisa waxaan qorsheyneynaa in aan diyaarinno buugag waafaqsan manhajka qaran,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.