Hawlgalka QM oo si kulul u cambaareeyay weerarkii dadka lagu laayay ee magaalada Muqdisho

10 Nov 2018

Hawlgalka QM oo si kulul u cambaareeyay weerarkii dadka lagu laayay ee magaalada Muqdisho

Hawlgalka Kaalmaynt Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dadka lagu laayay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee la sheegay inay dad badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ugu kulul ula cambaareynaynaa falkan argagaxiso  - falalkan argagaxiso ee foosha xun sinaba uma wiiqi doonaan go’aanka adag ee dadka Soomaaliyeed ay ku gaareen inay ku sii wadaan danahooda mudnaanta leh ee dowald-dhisidda, soo kabashada dhaqaalaha iyo amniga. Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka guud ahaan waxay garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga. 

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in saddex baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ee macmalka ah lagu qarxiyay meel u dhow Hoteelka Saxafi ee caasimadda galabtii maalinta Jumcaha, waxaana qaraxa baabuurka xigay weerar hubaysan oo ay soo qaadeen dagaallamayaal xagjir ah. Waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

UNSOM waxay tacsi u diraysaa qoysaska dhibbanayaashii weerarka ku dhintay waxayna kuwa dhaawaca ah u rajeynaysaa soo kabasho degdeg ah.