Kahor Doorashada Madaxweynenimo, kuxigeenka ergayga Qaramada Midoobay oo ku baaqay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda maamulka Koonfur Galbeed

13 Nov 2018

Kahor Doorashada Madaxweynenimo, kuxigeenka ergayga Qaramada Midoobay oo ku baaqay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda maamulka Koonfur Galbeed

Doorashada madaxtinimo ee ku soo fool leh dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sarkaal sare ee Qaramada Midoobay ku boorriyey dhamaan dadka ku shaqada leh in dooradhada loo maro shuruucda u degsan doorashda si buu yiri loo helo codbixin xor iyo xalaal ah oo ka dhaqangasha baarlamaanka maamul gobaleedka.

“Danta aan ka leenahay dooraashada ayaa ah inay ahaato mid xalaal ah, mana  jiro musharax gaar ah oo aan taageereyno,” ayuu yiri kuxigeenka ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, , Raisedon Zenenga, isaga oo ku sugan caasimadda kumeelgaar ah ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed.

“Waxaynu halkan u joognaa in aan taageerno geeddi-socodka si ay hawshu u noqoto mid hufan islamarkaana la aamini karo, lagana gaashaanto natiijo lagu murmo ee ay (taa baddelkeed) ahaato mid la isla aqbalsanyahay,” ayuu sii raaciyey.

Intii uu joogay Baydhabo ayuu sarkaalka QM la kulmay madaxsare oo Dawladda Federaalka iyo saraakiil maamul goboleedka ka socday iyo darsan musharaxiin M/weyne ah.

Md. Zenenga ayaa booqashadiisa ku bilaabay Cabdulkadir Sharif Shekhuna, guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo loo magacaabay M/weyne kumeelgaar ah  kadib markii uu iscasilay Sharif Xassan Sheikh Aden usbuucii tagay.  

Waxa uu carrabka ku adkeeyey dhexdhexaadnimada beesha caalamka iyo hay’adaha shaqada ku leh doorashada intii ay wadahadlayeen Md. Zenenga. Mudane Sheekhunaa oo daadihin doona codbixinta xildhibaanda baarlamaanka iyo saraakiisha dawladeed. Xubno ka tirsan wafdiga mudane Zenenga ayaa kulan la yeeshay lix odey oo kaabo-qabiilo ee maamul goboleedka

Taariikhda Doorashda

Codbixintu waxa la qorsheeyey in ay ka dhacdo xarunta golaha baarlamaanka ee 149-ka kursi baarlamaan, Sabti,  17-ka Nofambar, laakiin iscasilaaddii badi xubnaha guddiga doorashada ee usbuucii hore ayaa shaki badan ka  abuurtay waqtiga codbixinta dhacayso.

Taariikhda doorashada muhiimad weyn inooma laha, ee waxa muhiimadda weyn inoo leh ayaa ah in si sax ah loo raacay habka doorashada iyo in dadka daneeya ama ku lugleh doorashada lala tashaday.” Ayuu ku adkeeyey Md. Zenenga.  “Dawrkeenu waa in aan taageerno Soomaalida oo ah dadka iska leh hawsha, hogaaminayana geeddi-socodka si loo hubiyo in doorashadu ahaato mid xor iyo xalaal, islamarkaana laga hortago rabshado ka dhasha.”

M/weynihii hore ee maamul goboleedka Shariif Xasan Sh. Aden ayaa iscasilay 7-dii Nofambar, isaga na baxay u tartamidda dooraashada soo socota, waxa na uu ka cawday faragelin baahsan ee ku aadan doorashada.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerida Soomaaliya ayaa horey ugu baaqay dhinacyada oo dhan iyo daneeyeyaasha doorashda madaxtinimo in ay wadashaqeeyaan iyaga oo ka dhawrsanaya fal walba oo keenaya khilaaf ama wiiqaya habka geeddi-socodka doorashada

UNSOM waxa ay dhawaan aqbashay codsi uga yimi dawlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ah in loo soo diro duljoogayaal kormeera haddii wax isdabamarin dhacdo.  Manta intii uu ku gudajiray kulamada ayuu Md. Zenenga ku wareejiyey deeq dhinaca tababarka ah oo  kor loogu qaadayo guddiga qabanqaabada doorashooyinka oo lagu xoojinayo waajibaadkooda iyo masuuliyaadka saaran.