Hinda Daahir Jaamac: “Waddo cusub ayaan doonayaa in aan u jeexo gabdhaha”

8 Mar 2021

Hinda Daahir Jaamac: “Waddo cusub ayaan doonayaa in aan u jeexo gabdhaha”

Muqdisho - Jaceylka ay Hinda Daahir Jaamac ay u qabto saxaafadda waxa uu billowday xilli hore, taas oo ay u soo martay xaalado dhib iyo kadeed leh.

“Saxaafadda waxaan u soo galay jaceyl aan u qabay anigoo da’yar, waxaana I riixayey dareen adag oo ah in aan tusaale u noqdo gabdha Soomaaliyeed ee ku jira warbaahintan raggu ku badanyahay,” ayey tiri Hinda.

Hinda oo ah Hooyo 33 jir ah lehna saddex carruur ah ayaa waxbarashadeeda aasaasiga iyo dugsiga sare ku dhamaysatay dugsiga Dayib Guray ee magaalada Hargeysa iyadoo markii dambena u gudubtay diyaarinta shahaadada maamulka guud ee Jaamacadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Waxbarashadeeda heerka koowaad waxa ay ahayd mid ka fogeyn hamigeeda. Sanadkii 2009, kaddib markii ay la shaqeysay hay'ad maxalli ah oo aan dowli ahayn oo lagu magacaabo (HARDO), Marwo Hinda waxa ay isbadal ka sameysay shaqada saxaafadda.

“Waxaa maskaxdeyda ku sawirneyd dhibaatooyin badan oo ay la kulmi jireen gabdha saxaafadda ku jira ee ka shaqeynayey warbaainta dalka, – sawirradii aan madaxa ku hayey waxa ay ii sahleyn in aan durba ku dhiirato gacansiinta iyo taageerada gabdha warbaainta ku jira.” Ayey tiri Hinda, oo hadalkeeda ku sii dartay, “xilligaa waxaan ku noolaa magaalada Muqdisho, oo ay hala-keeyeen dagaallo Sokeeyey.”

Caqabadaha

Ma aheyn waddo fudud.

Waxa ay shaqo ka billowday 2009 idaacaddii Capital Voice oo hoos imaaneysay warbaahintii Horn-Afrik, ee fadhigeedu ahaa Muqdisho, xilligaas oo ay al-shabaab heysteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Sannadkii 2011-kii, iyadoo shaqadeeda wadata, ayay Al-Shabaab ku xireen Ceelasha-biyaha - oo ah deegaan ku yaalla duleedka Muqdisho - halkaas oo ay u qaxeen dadkii dagaalada ka socday caasimadda ka cararay, kuwaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

“Aniga oo guriga jooga ayey rag ka tirsan Al-Shabaab I xireen. Waxay igu eedeeyeen inaan u shaqeynayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo si adag u dhaleeceyn jirtay gabood fallada kooxda ee xilligaas,” ayey tiri Marwo Hinda.

Waxaa lagu hayey xabsi ay maamusho Al-Shabaab muddo saddex maalmood ah, iyadoo qoyskeedu ay isku dayeen inay la xaajoodaan kooxda. Saxafigadan da’da yar ugu dambeyn waa ay sii daayeen kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay baareen qalabkeeda duubista oo ay xilligaas kala wareegeen.

"Markii ay baareen, waxay ii sheegeen inaanan u shaqeyn idaacaddii ay igu eedeeyeen inaan u shaqeeyo," ayay tiri.

Waxa ay la kulantay xaalado badan oo argagax leh, balse ma niyad jabin.

Himilooyinka

Intii ay ka shaqeyneysay Capital Voice iyadoo wax ka soo saareysay barnaamij gaar u ahaa horumarinta dhallinyarada waxa ay wax badan ka bedeshay wadiiqadeeda mihnadeed ee dhanka warbaahinta – iyadoo tan iyo markaa saameyn badan ku yeelatay hablaha ku jira warbaahinta Soomaaliya.

“Waxaan xaqiiqsaday inaysan jirin haween kaamirooyinka ku shaqeeya. Waana ogaa in uu jiro mustaqbal howlaha kamaradaha ah oo ay gabdhaha saxafiyiinta ahi leeyihiin. Marka, waxaan bilaabay barashada sida loogu shaqeeyo kaamirooyinka,” ayay tiri Marwo Jaamac.

Waxa ay qaadatay tababarro dhinacyo badan, iyadoo ka faa'iideysanaysa tababbar ay bixisay Hay’adda Shiffa ry oo saldhigeedu yahay Finland iyo sidoo kale Akadeemiyada Warbaahinta Soomaaliyeed iyo Ururro  kale oo warbaahineed oo Muqdisho ka howlgala. Tani waxa ay u horseedday inay noqoto tababare ka shaqeeya kaamirooyinka marka lagu daro shaqadeeda joogtada ah ee soo saarista wararka.

Dhaqan ahaan, sawir qaadista iyo muuqaal duubista waxaa loo arki jiray aag ragga kaliya ay ka shaqeyn karaan, sida laga soo xigtay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) haweenku waxa ay dhibaato kala kulmaan mihnaddan sababo la xiriira dhaqanka awgood, iyo sidoo kale dareen ah in shaqadani ay u baahan tahay saacado badan iyo shaqo adag, taas oo macnaheedu yahay in waajibaadka guriga laga maqnaanayo waqti dheer.

“Gabdho badan oo u heystay in xirfadda caamiradu ay tahay mid wiilasha kaliye u xiran ayaan ka dhaadhiciyey in ay baran karaan kana shaqeyn karaan waxaana ii suurta gashay gabdho aan ka yareen 200 in aan tababaro, kuwaas oo ka faa’iideystay tababarro aan siin jiray idaacad gaar u aheyd gabdhaha iyo tababarro aan macallin ka ahaa oo ay fulisay Hay’adda Horumarinta warbaahinta  ee Finland (VIKES). Waxaana weli igu jira dareen ah in aan anigu soo saari karo gabdho macallimiin ah oo Soomaaliya oo dhan xirfaddan ku sii faafiya,” ayey tiri Hinda.

Sannadkii 2014, iyadoo rabitaan badan u qabta tababarka kaamirada  iyo sidii ay u tababari la heyd hablaha oo aad ugu yar dhinacan, Marwo Jaamac waxay ku dhiirratay inay bilowdo shirkad u gaar ah, oo lagu magaacaabo Hinda Media Productions, si ay u tababarto haweenka iyo gabdhaha xiisaynaya shaqooyinka muuqaalka iyo sawirada.

Waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in dhowr haween ah oo ay tababartay ay hadda ka shaqeeyaan xarumaha warbaahinta ee dalka oo dhan - taasna waxay caddeyn u tahay in wax laga qaban karo arrimaha bulshada qaar ay ka soo horjeeddo, sida aaminaadda ay qabaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ah in mihnad saxaafadeed aysan ku habboonayn haweenka.

"Waxaan had iyo jeer la kulmaa dad shaqadayda u arka sidii wax aan jirin ama ii arka inaan ahay qof qabanaya shaqo aan shaqadeeda aheyn, balse taasi waa ay igu sii dhiirrigelisay inaan sii wado shaqadeyda," ayay tiri Marwo Jaamac. "Badanaa, dadka isku dayay inay igu ceebeeyaan shaqadeyda waxay ku dambeeyeen inay noqdaan kuwo awoodeyda rumeysta marka dambe." Ayey hadalkeeda sii raacisay.

Marka loo eego qiyaas uu sameeyey ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, haweenka ku jira saxaafadda Soomaaliya waxa ay u dhexeeyaan 250-300, taas oo ka dhigan in ay yihiin 30 boqolkiiba.

Tillaabada Xigta

Hinda 2016 waxa ay biirtay warbaahinta Dowladda Soomaaliya, iyadoo 2018 loo dalacsiiyey in ay noqoto sawir-qaadaha iyo muuqaal duubaha gaarka ah ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

“Waxaan noqotay dhowaan gabadhii ugu horreeysay ee loo xilsaaro shaqo noocan ah oo kale waxaana iga go’an in aan sii wado sidii ay riyadeydu u rumoobi laheyd.

In kasta oo tababbarka dadka kale aysan shaqadeeda hadda aheyn, haddana waxaa ka go’an oo ay rabitaan badan u heysaa in ay caawiso haweenka kale warbaahinta ku jira. Sanadihii la soo dhaafay, waxay noqotay xubin firfircoon oo u doodda xuquuqda haweenka, waxayna hadda tahay xoghayaha Horumarinta Haweenka Saxafiyiinta ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Waxay sidoo kale heshay waqti ay ku sii wadato shahaadada mastarka ee saxaafadda iyada u mareysa barashada masaafada ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Kesmonds ee Cameroon.

“Waxaa markasta igu soo dhaca dareen waalidkey ee ah in shaqada aan hayo ay tahay mid khatarteeda lah, oo aan iska daayo, ayey tiri, balse waxaan leeyahay damac sii xoogeysanaya ee ah in aan ka gungaaro ama ugu yaraan ka dhabeeyo hadafkeyga ah shaqada kaamirada, si aan ugu yaraan aan dhaxal uga tago, oo hadhow la igu xasuusto. tusaalle ahaan markii aan ku soo biirayey xaasaddan ma jirin gabar kaamirada ku shaqeysa oo banaanka u soo baxda, waxaa jirtay hal gabar xasuusteyda oo iyadu idaacadda gudaheeda ka shaqeysa, maanta waxaa jira dhowr gabdhood oo kaamirada ku shaqeeya, kuwaaas oo sida wiilasha oo kale loogu xisaabtamo.” Ayey tiri Jaamac.