Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo hannaan cusub oo Boolis isku raacay

Participants at a conference on Somalia Police Reform held on 23 March 2016 in Nairobi, Kenya.

24 Mar 2016

Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo hannaan cusub oo Boolis isku raacay

Shir looga hadlayey dib-u-habeynta Booliska Soomaaliya oo muddo afar maalmood ah ka socdey magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo baxay heshiis ku saabsan hannaan cusub oo Booliska Soomaaliya yeelanayo, waxaana boorka looga jafay Qorshaha Heegan ee horumarinta Booliska Dowladaha Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Faderaalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka qaygalay shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirrada booliska ka mas’uulka ah ee maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo gobollada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ka-qaybgalayaasha shirka ayaa isla ogolaaday Hannaanka Cusub ee Booliska oo ka kooban hoggaamo heer federal iyo mid dowlad goboleed ah oo ay hoos tagaan.  Qayb kasta waxay mas’uul ka ahaan doontaa qshaqaaleynta iyo tababarrada Booliskeeda.

Taliyaha Booliska Hawgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Christoph Buik, ayaa soo dhaweeyey wada-xaajoodka wuxuuna kalsooni ka muujiyey in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay isku raaci doonaan habka booliska ku habboon. “Waxaan rajeynayaa in hunaanudka uu ka soo bixi doono heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan haylkalka booliska Soomaaliya oo fedreraal ah uu yeelanayo,” ayuu yiri Mr. Buik.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa sidoo kale isku raacay in Hannaanka Cusub lugu lifaaqo Qorsha Heegan ee dib loo habeeyey, waxaana lugu ballamay in wasiirrada amniga ee heer faderaal, dowlad goboleed iyo goboleed ay mar kale ku kulmaan magaalada Kismaayo, si ay halkaas uga sii ambaqaadaan wadahallada Booliska Soomaaliya.

Qorsha Heegan ee dib loo habeeyey ayaa noqonaya agab loo dhan yahay oo laga tixraaco istaraatijiyadda qorsheynta muddada dheer ee u dhaxaysa 2017-2025. “waxaan ku adkeystay in nala siiyo firaaqo aan uga doodno arrimahan. Waadna aragtaan waa Soomaali qura cidda ka wada-hadlaysa hannaanka boolis ee ay doonayaan in ay yeeshaan, ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Faderaalka.

Xiriiriyaha Booliska ee Hawlgallada Nabad Kaalka Midowga Afrika, Crowd Chirenje, ayaa sheegay in dhismaha ciidan boolis waxtar leh uu aad muhiim u yahay, maadaama saraakiisha boolisku ay indhaha dadweynaha uga dhigan yihiin wajiga dowladda.

Tayeynta Boolis Soomaaliya waa mid ka mid ah yoolasha ugu muhiimsan ee lugu hagaajinayo adeegga dadweynaha loogu fidinayo ammaan iyo bedbaado. Wareegyo kale oo wadahadallo farsamo oo horudhac ah loogana arrinsanayo Hannaanka Cusub ee Booliska ayaa horay loo qabtay bishii September ee 2015-kii, shirkan ugu dambeeyeyna wuxuu sii sikiyey wada-xaajoodka, maadaama ay ku soo biireen wasiirrada sida tooska ah mas’uulka uga ah dib-u-dhiska booliska.

Iyadoo laga duulayo Barnaamijka Sharciga iyo Kala-dambeynta Isku-dhafka ah ee Soomaaliya, UNSOM iyo QM waxay isku mideeyeen taageeradooda, si waafaqsan mudnaanta booliska dalka.

Shirkan wadatashiga ah waxaa fududeeyey UNDP, UNSOM iyo AMISOM oo gacan ka helaya Midowga Yurub (EU).