Warfidiyeenka Hiiraan iyo Shabelleha Dhexe oo qaatay tababar la xiriira nabadda iyo dib-u-heshiisiinta

30 Mar 2016

Warfidiyeenka Hiiraan iyo Shabelleha Dhexe oo qaatay tababar la xiriira nabadda iyo dib-u-heshiisiinta

37 wariye oo ka kala yimid  gobollda Hiiraan iyo Shabeelleha Dhexe ayaa dhammeystay tababar labo maalmood socdey oo lugu baranayey nabadda iyo dib-u-heshiisiinta

Tababarkaan oo uu soo abaabulay Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), ayaa sidoo kale lugu baranayey bedqabka wariyaha, xiriirka xasaradaha iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda.

Tababarka oo lugu qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayey ka qaybgalayaashu ka kororsadeen aqoon iyo xirfado la xiriira sida la isugu dheelli-tiri karo doorkooda wariyenimo iyo ka qaybqaadashada hawlaha dib-u-heshiisiinta beelaha.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar, ayaa UNSOM uga mahadceliyey tababaridda suxufiyiinta, wuxuuna ka qaybgalayaasha ugu baaqay in ay wararkooda ku saleeyaan tabinta xaqa iyo xaqiiqada ka jirta Soomaaliya. “Waxaan idinka codsanayaa in waxyaabaha aad tababarkan ka barateen si fiican uga faa’ideysataan, islamarkaana ku dalka ugu adeegtaan”, ayuu yiri. 

Faisa Xassan Cali, oo ka mid ah wariyeyaasha la tababaray, ayaa tiri “Wax badan ayaan tababarkan ka kororsaday, abaal ayaana uga hayaa aqoontan. Waa markii ugu horreysey ee aan ka qaybgalo tababar caynkaan ah, waxaana ka codsanayaa UNSOM in ay noo sii wadaan, si fursad loo siiyo suxufiyiin kale”.

Maxamed Cabdi Saney, oo ka mid ah wariyeyaasha gobolka Hiiraan, ayaa isna ku raacay, wuxuuna sheegay in uu tababarkan ka korsaday xirfado ay ka mid yihiin qaabka wararka loo xusho. “Qofku waa inuu warka ku xusho muhiimadda uu leeyahay, ka dibna uu isku dheellitiro, hubiyana in uusan xiisad abuurin, marka aad warineyso arrimaha qabiilooyinka,” ayuu yiri.

Tababarkan ayaa la xiriiray barnaamijyo door ah oo UNSOM qabanqaabisay, si wariyeyaasha Soomaaliyeed loo siiyo xirfado muhiim ah oo ay wax ku baraan, kuna wargeliyaan dadweynaha.