Howlaha wax-qabad ee hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2020

31 Aug 2020

Howlaha wax-qabad ee hay-adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2020

 

Daadadka | FAO oo bulshada siineysa digniinta xilliga hore ee halista si loo yareeyo waxyeelada la xariirta daadadka

Soomaalida weli waxa ay la dhibaatooneysa abaaro iyo daadad soo kordhaya, soona noqnoqonaya  oo aan la saadaalin Karin.

Bishii Ogosto, roobab xoogan oo ka soo rogmaday buuraleyda Itoobiya, iyo webiga Shabeelle, ayaa sababay daadad lama filaan ah oo xilliga xagaaga ku soo aaday, iyadoo webiga Shabeelle uu fatahay. Daadadkan xoogan ayaa mar kale dhibaato ku sii kordhiyey dad markii horaba nuglaa oo ku noolaa dhulka ku teedsan webiga Shabeelle.

Hay'adda 'FAO SWALIM' (Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka) waxa ay awood u yeelatay inay ka caawiso dadka Soomaaliyeed in ay uga digto daadadka - afar jeer bishii Ogosto – iyadoo taas looga mahadcelinayo shabakaddeeda wax cabirta. Walxahan waxa ay la soconayaan isbeddeladda heerarka webiga iyo fatahaadaha, waxayna bixinayaan farriimo digniin oo ay siinayaan la-hawlgalayaasha iyo hay'adaha dowladda si xilli hore tillaabo loo qaaado.

Sidoo kale, FAO SWALIM waxay dirtay 200 oo farriin intii lagu gudajiray bishii Ogosto, kuwaas oo loo diray wakiilada bulshooyinka nugul si ay uga digaan daadadka soosocda iyadoo loo marayo Nidaamka Maareynta Macluumaadka Khatarta Daadka, taas oo gacan ka gaysatay yareynta saameynta aagagga ay dhibaatadu saameysay, taas oo badbaadisay nolosha dadka.

Waxaa sii dheer nidaamyadan digniinta hore bixiya, si wax looga qabto dhibaatadan soo noqnoqota ee muddada dhow iyo muddada dheer, FAO, oo taageero ka heleysa Dowladda Talyaaniga, ayaa siineysa mas'uuliyiinta dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka gargaar farsamo si wax looga qabto khatarta fatahaada.

https://faoswalim.org/

 

Daadadka | UN-Habitat oo bilaawday qorshe fog oo magaalada Baladweyne looga dhigayo mid u adkeysata khataraha dabiiciga ah

Beledweyne, magaalada ugu weyn ee dowlad goboleedka Hirshabelle ee Soomaaliya, waxa ay si joogto ah u marti-galineysay fatahaado ba'an.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, daadadku waa ay kordheen baaxad ahaan, waana ay  soo noqnoqdeen, iyagoo gaarey heerar cabsi leh sanadka 2019, markaa oo boqolkiiba 68 magaalada ay daadadku qaadeen.

Waxaa maalgeliyey Sanduuqa Nabad-dhisidda ee Qaramada Midoobay, UN-Habitat-na waxa ay si wada jir ah ula shaqeyneysa ardayda Machadka Institute for Cooperation in Basic Habitability (ICHaB-ETSAM) ee Madrid si loo sameeyo qorshe, ujeedkuna waxa ay tahay in la hagaajiyo hannaan u gaarka ah falanqaynta halista daadadka  iyo adkeysiga magaalada.

Daraasaddan ayaa loo gartay inay tahay tillaabada koowaad ee sahaminta xalalka muddada fog ah ee laga hirgalinayo Baladweyne, oo ay ku nool yihiin bulshooyinka ugu nugul, si ay ugu adkeystaan daadadka iyo khataraha kale ee dabiiciga ah.

https://reliefweb.int/report/somalia/working-paper-flood-risk-and-resilience-beledweyne-somalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | IOM oo ka caawisay dad Soomaaliyeed inay dalkooda dib ugu soo laabtaan ka dib dhowr bilood oo ay ku xannibnaayeen Iiraan

11 muwaadiniin Soomaaliyeed ah, oo uu ku jiro sarkaal dowladeed, ayaa si nabad ah dib loogu soo celiyey Soomaaliya kaddib ku dhowaad lix bilood oo ay ku xayirnaayeen Iiraan sababo la xiriira  cudurka COVID-19.

Soo noqoshadooda waxaa gacan ka gaysatay IOM, iyadoo lala kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Xafiiskeeda Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta.

IOM iyo mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ayaa iska kaashanaya soo celinta muhaajiriinta Soomaalida ee ku xayiran adduunka oo dhan, kaddib markii dib loo bilaabay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya iyo gobolka.

https://www.iom.int/news/somali-migrants-return-home-after-several-months-stranded-iran

 

Bani'aadamnimada | Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka, OCHA iyo Dowladda Federaalka oo ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka

Maalinta Bani'aadamnimada Dunida, oo la xusay 19 Ogosto, OCHA waxa ay soo saartay war-saxaafadeed ay si wadajir ah uga socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ku baaqaya in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka ee siiya gargaarka naf-badbaadinta dadka nugul ee ku sugan dalka oo dhan.

Bayaanka ayaa tusaaleeyey in jawiga ay ku shaqeeyaan shaqaalaha gargaarka gudaha Soomaaliya uu yahay mid adag sababo la xiriira nabadgelyo xumo baahsan iyo kaabayaasha oo liita, kuwaas oo cuuryaamin kara gaarsiinta gargaarka dadka u baahan.

Bayaanka, Wasiirka Arimaha Bini'aadanimada iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Isku duwaha howlaha bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku amaaney dadaalka ay wadaan shaqaalaha samafalka Soomaaliya ee ku aaddan "khatarta sedex geesoodka"  ah ee COVID-19, daadadka iyo ayaxa.

https://reliefweb.int/report/somalia/federal-government-somalia-and-un-call-protection-aid-workers-commemoration-world

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNDP iyo fannaaniin caanka ah oo Soomaaliyeed oo soo saaray hees cusub oo muujineysa baahida loo qabo feejignaanta

UNDP iyo lix ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Soomaaliya - Suldaan Seeraar, Hodan Cabdiraxmaan, Cabdi Hani, Yurub Geenyo, Abdirisaq Anshax iyo Nadiira Nayruus - ayaa soo saaray hees cusub oo kor loogu qaadayo wacyigalinta cudurka COVID-19.

Iyadoo heestu gaartay hal milyan oo daawadayaal ah toddobaadkii ugu horreeyay, heesta ayaa sidoo kale si baaxad leh loogala socday raadiyaha iyo telefishanka, waxayna ku dhiirrigelisay dhagaystayaasha iyo daawadayaasha in ay ka feejignaadaan suurtagalnimada mowjadda labaad ee COVID-19.

https://bit.ly/3js1Syx

 

Waxbarashada umulisada | UNFPA oo bilaawday dadaal cusub oo ku saabsan xoojinta caafimaadka galmada iyo taranka iyo xuquuqda

UNFPA iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka bilaabay Soomaaliya hannaan cusub oo lagu xoojinayo caafimaadka galmada iyo taranka iyo xuquuqaha iyadoo loo marayo kor u qaadista aqoonta umulisooyinka, waxaa ku mahadsan maalgalintan oo ku kaceysa ku dhawaad $ 8.4 milyan doolar Dowladda Kanada. qorshahan waxaa ka mid ah qayb lacag gaar ah loogu qoondeeynayo wax ka qabashada COVID-19 iyada oo ujeedadu tahay in la caawiyo daryeel-bixiyeyaasha caafimaadka iyo bukaannada lagu daweynayo xarumaha caafimaadka.

https://somalia.unfpa.org/en

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNHCR oo siiysay gargaarka cunno qaar ka mid ah qaxootiga iyo dad magangelyo-doon ah xilli lagu jiro COVID-19

UNHCR iyo WFP ayaa ku biiray xoogagga siinaya gargaar cunto naf-badbaadin ah ilaa 30,000 oo qaxooti iyo dad magangalyo-doon ah oo ku sugan Soomaaliya. Waxa ay qeybiyeen wax ka badan 1,500 metrik tan oo cunno ah oo laga bilaabay bishii Ogosto guud ahaan magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacayo, Boosaaso, Berbera iyo Hargeysa.

Gargaarka cunnada ayaa gacan weyn ka geysan doona quudinta qaxootiga iyo magangalyo-doonka ay saameynta ba'an ku reebay cudurka COVID-19. Dib u eegid ay sameysay UNHCR waxa ay muujineysa in inta badan qaxootiga iyo magangalyo doonka wacaya khadka tooska ah ee hay’adda ay waayeen ilihii ay ka heli jireen noloshooda tan iyo markii cudurka faafa laga soo sheegay Soomaaliya horraantii bishii Maarso. Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga iyo magangalyo-doonka waxa ay ku tiirsan yihiin shaqooyin caadi ah ama ganacsiyo yaryar si ay u daboolaan baahidooda.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Nafaqada | UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka oo daah furay sahankii ugu horreeyey oo dhanka nafaqada ah tan iyo 2009

Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya iyo UNICEF ayaa daah-furay 'Sahanka nafaqada yaryar,' kaas oo tooshka si gaar ah ugu ifiyey xaaladda nafaqada ee haweenka iyo carruurta ee dalka. Sida lagu sheegay sahanka, xaaladda nafaqada ee haweenka iyo carruurta ayaa soo hagaagtay tobankii sano ee la soo dhaafay, laakiin weli waxaa jira arrimo walwal leh.

Natiijooyinka waxa ay muujinayaan in nafaqo wanaagsan aysan wali gaarin malaayiin carruur Soomaaliyeed ah oo ka yar shanta sano. Ku dhowaad shantii carruur ahba mid ayaa muujinaya astaamaha nafaqo-xumida dabada-dheer oo tobankii carruur ahba mid ayaa nafaqo-xumo ba'an haysaa.

Xaaladahan dilaaga ah waxay yareeyaan koboca jirka iyo maskaxda ee carruurta. Fitamiin A yari ayaa ku dhacda saddex meelood meel carruurta, taas oo u keenta caabuq iyo daciif-naan hannaanka difaaca jirka ah. Iyo yaraan dhanka dhiigga iyo birta ah, oo saameysay in ka badan rubuc carruurta oo dhan, ayaa caqabad ku ah awooddooda waxbarasho. Xogta sahanku waxay ka caawin doontaa Dowladda Federaalka iyo xirfadleyda in ay jaangooyaan oo ay la yimaadaan istaatiijiyad fog oo wax ku ool ah si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan awood buuxda.

https://www.unicef.org/somalia/press-releases/somalia-launches-first-national-nutrition-survey-2009

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO oo u fududeeyneysa shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah xarun amaah 

Si daaha loogu furo fursadaha horumarinta dhaqaalaha ee shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee Soomaaliyeed (SMEs) qeybna uga qaataan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, UNIDO waxa ay iskaashi la sameysay Bangiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) iyagoo siinaya amaahda wax soo saarka  shirkadaha muhiimka ah ee  gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya ee doonaya  inay kala-duwaaan howlahooda, oo ay bilaabaan wax-soo-saar cusub ama ay sare u qaadaan wax soo saarkoodii hore.

Waqtigan xaadirka ah, helitaanka deynta ee Soomaaliya waa mid loogu talagalay shirkadaha yar-yar, kuwaas oo badankood ku jira ganacsiga iyo adeegga, ama ganacsiyada waaweyn ee qaadanaya amaahda badan.

Sida laga soo xigtay UNIDO, waxaa si cad u maqan qeyb dhexe oo ay ahayd in loo qaabeeyo oo lagu horumariyo bartilmaameed gaar ah, oo ka sarreysa amaahda yar-yar laakiin ka yar amaahda caadiga ah ee ganacsiyada jira. Tani waxay yeelan laheyd awood kor u qaada kobaca wax soo saarka dalka. Xarunta cusub ee amaahda ee 'UNIDO-IBS' waxay bixisaa laba wax soo saar oo amaah ah: deyn shirkadeed ($ 500 ilaa $ 5,000) iyo amaah maalgashi warshadeed ($ 5,000 ilaa $ 100,000).

Hindisahani wuxuu qayb ka yahay mashruuca 'Horumarinta Agro-Teknolojiyada ee Kobaca Dhaqaalaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,' oo ay maalgelinayso Hay'adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta oo ay fulinayso UNIDO, iyadoo iskaashi dhow la leh Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Federaalka, Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Taageeradani waxa ay lamid tahay taakuleynta hormarinta ganacsiyada ee la siiyay shabakadaha Soomaalida ee Qeybaha Horumarinta Ganacsiga ee Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo. 

https://medium.com/@unidosomalia

 

Khataraha Qaraxyada | UNMAS oo kala shaqeyneysa SEMA sidii looga dhigi lahaa Soomaaliya dal ka caagan halista walxaha qarxa

Iyada oo lagu gudajiro ka jawaab celinta COVID-19, UNMAS waxa ay sii waddaa  wada shaqeynta ay la leedahay Hay'adda Maareynta Waxyaabaha Qarxa ee Soomaaliya (SEMA) si looga dhigo Soomaaliya mid ka caagan khataraha qaraxyada iyada oo loo marayo wacyigelinta iyo barista, iyo in la fuliyo ka-hortagga khataraha walxaha qarxa.

UNMAS waxay sii wadday kulamada khadka Internet-ka ah ee ay la yeelato Agaasimaha Guud ee SEMA iyo Agaasimaha Qeybta Taageerada Caalamiga ah si looga wada hadlo codsiga Soomaaliya ee ah in la kordhiyo waajibaadka loo baahan yahay sida uu dhigayo Qodobka 5-aad ee heshiiska caalamiga ah ee loo yaqaan Heshiiska mamnuuca Miinada Shaqsiga, kaas oo uga baahan saxiixayaasha heshiiska si loo dhammeystiro sahaminta iyo nadiifinta miinooyinka liddiga ku ah shaqsiga  iyo in sida ugu dhaqsaha badan toban sano gudahood uu noqdo mid jaan qaada.

Wadahadalladaas, saraakiisha UNMAS waxay kula wadaageen casharro laga bartay dalal kale, sida Afghanistan, oo ku saabsan geeddi-socodka ballaarinta iyo la imaanshaha waajibaadka looga baahan yahay heshiiska.

https://www.unmas.org/en/programmes/somalia

 

Golaha Ammaanka ee QM | Wakiilka Qaramada Midoobay oo warbixin kooban siiyey kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya looga haday

Xarunta QM ee New York, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu yeeshay kulan ku saabsan Soomaaliya, kulankaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan.

hadalkii uu ka jeediyay kulanka, Mr. Swan wuxuu kaga hadlay mowduucyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin guulaha iyo caqabadaha ka jira dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, horumarka iyo arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay muhiimaadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha dalku ay ka qeybqaataan wadahadallada, isagoo walaac ka muujiyey kororka weerarada Al-Shabaab iyo baahida loo qabo in la sii wado taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya la siinayo, si wax looga qabto daadadka iyo abaarta soo noqnoqday oo ay sii biiriyeen ayaxa iyo Cudurka COVID-19.

“Horumarka ka socda Soomaaliya wuxuu u baahan yahay ballanqaad muddo dheer ah oo ku saabsan dowladnimada, caddaaladda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha, iyo ku soo daridda howlaha socda haweenka, dhallinyarada, iyo dadka laga tirada badan yahay, si loo dhiso qaranka,” ayuu sidoo kale ku daray hadalkiisa.

https://unsom.unmissions.org/un-envoy-james-swan-briefs-security-council-situation-somalia

 

Quudinta ardayda | WFP oo dib u bilaabeysa barnaamijkii quudinta iskuulka xilli dugsiyadii dib loo furay

Iyadoo dugsiyadii dib loo furay Soomaaliya, WFP waxay fursad u heshay inay dib u bilaawdo barnaamijkeedii quudinta dugsiyada, oo cunno nafaqo leh lagu siin jiray carruurta nugul, laguna  taageerayo kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada, taas oo siineysa badbaado muhiim u ah qoysaska nugul.

Maaddaama dugsiyadu hadda ay dib u furmayaan kaddib markii loo xiray sababo la xiriira xanuunka COVID-19, WFP waxa ay kala shaqeyneysaa mas'uuliyiinta Soomaaliya sidii dib loogu bilaabi lahaa barnaamijka sida ugu dhaqsaha badan iyo inta iskuul oo ay suurtagal ah in la caaawiyo- in kasta oo ay jirto xaddidaad maaliyadeed oo sababtay isbaddello dhanka barnaamijka ah iyo hoos u dhac. 

Wixii loo gaaro bilowga bisha Sebtembar, WFP waxa ay dib  uga  bilaabi doontaa howlaheeda 103 iskuul oo ku kala yaal Muqdisho, Jubaland iyo Puntland, halkaas oo markii hore lagu quudin jiray arday iyadoo loo marayo xawilaad lacageed (CBT).

CBT waa qaab wax ku ool ah oo u oggolaanaya dugsiyada inay ka helaan cunno nafaqo leh suuqyada maxalliga ah,  taas oo gacan ka geysaneysa dhiirrigelinta kala duwanaanta cuntada iyo xoojinta dhaqaalaha maxalliga ah; quudinta ardayda waxa ay ku salaysnaan doontaa qaabka CBT, iyadoo WFP ay awood u yeelan doonto dib u bilaabidda barnaamijka.

https://www.wfp.org/countries/somalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | WHO oo ka caawisay ka ilaalinta kuwa nugul cudurka COVID-19

Cudurka COVID-19 wuxuu saameeyn ku yeeshay dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo la xaqiijiyey in ka badan 3,000 oo kiis. Iyadoo laga jawaabayo halista cudurka, WHO, oo taageero ka heleysa saaxiibbadeeda, ayaa ilaa iyo hadda u tababartay ku dhowaad 400 shaqaale caafimaad ah si ay maareeyaan faafaha COVID-19, waxa ay  siisay qalab looga ilaalinayo 2,667 oo shaqaalaha caafimaadka ah in ay cudurka qaadaan, waxay taageertay baaritaanka 3,695, oo ay ku jiraan meelaha aan galaan-gal looyeelan karin, iyadoo la gaaray dad ka badan 2,400,000 oo ruux (oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay).

Intaa waxaa sii dheer, 3,327 shaqaalaha caafimaadka  iyo 73 ka tirsan kooxaha gurmadka degdega ah ayaa la daad-gureeyey bilihii la soo dhaafay si kor loogu qaado la dagaalanka COVID-19, taasoo keentay in la daba-galo 107 digniin oo laga soo wariyay bulshada iyo xarumaha caafimaadka.

https://www.who.int/countries/som/en