Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo u war-bixiyay Golaha Amaanka

previous next
20 Aug 2020

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo u war-bixiyay Golaha Amaanka

Mudane Madaxweyne, Xubnaha Golaha,

Waad ku mahadsantihiin fursaddan aan kaga warbixiyo xaaladda Soomaaliya. Waxaad warbixin qoraal ah oo faahfaahsan ka heshay warbixintii ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud. Markaa, waxaan diiradda saari doonaa dhowr qodob oo muhiim ah oo ku saabsan (1) doorashooyinka, (2) xiriirka dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, (3) Xaaladda Amniga, iyo (4) Dhacdooyinka xaaladaha bina-aadamnimada.

Mudane Madaxweyne,

Toddobaadkan aan ku jirno ayaa madaxda ugu sareysa ee Soomaaliya kulan isugu yimid magaalada Dhuusamareeb iyagoo dadaal ugu jira sidii loo gaari lahaa heshiis ku aaddan horey loogu sii ambaqaado doorashooyinka 2020/2021. Waxaan bogaadinaynaa hoggaamiyeyaashii ka soo qeybgalay kulankan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” iyo Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed. In kasta oo ay hawlo badan weli harsan yihiin, Waxaan ku dhiirigelineynaa in wadahadalladoodu ay u dhacaan qaab is afgarad ah, waxay ka baarandegayaan xulashooyin doorasho oo kala duwan.

Sidaa darteed, waxaan ka xunahay maqnaanshaha Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe kulankan muhiimka ah. Waa niyadjab inay diideen inay ka qaybqaataan in kasta oo codsiyo isdabajoog ah ay ka heleen madaxda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka. Waxaan ognahay inay jiraan aragtiyo kaladuwan oo si adag loo dheganyahay ee u dhexeeya madaxda, xiisadaha siyaasadeed way kacsanyihiin xilligan doorashada ka hor. Si kastaba ha noqotee, waxaa sax ah in xilliyadaas oo kale in ay aad muhiim ugu tahay madaxda qaranku inay isugu yimaadaan wadahadal oo ay soo bandhigaan fikradooda ugu wanaagsan si ay u helaan xalalka ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne,

Bishii Juun 27, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa uga warbixisay Golaha Shacabka in – iyadoo la joogo marxaladan dambe -- doorasho hal-qof iyo hal-cod ah aysan dhici karin ka hor Maarso 2021, taasna waa keliya haddii la isticmaalayo diiwaangelinta gacanta ah ee codbixiyeyaasha doorashada, ama Agoosto 2021 haddii Guddigu u adeegsanayo diiwaangelinta Biometriga ah.

Warbixinta Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqday jahwareerka soo foodsaaray madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya. Sida ku cad Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah, Baarlamaanka waa in lagu soo doortaa iyada oo loo marayo doorasho guud oo toos ah. Laakiin dastuurku wuxuu kaloo dhigayaa in doorashada baarlamaanku ay tahay in la qabto sida ku xusan waqtiga loo asteeyey, afartii sanaba mar. Tani waxay ka dhigan tahay in doorashada baarlamaanka ay dhaceyso dhammaadka bisha Noofembar 2020. Waxaa hadda cad in aysan suuragal ahayn in laga soo baxo labadaban shurdi ee dastuuriga ah.

Maadaama Maxkamadda Dastuuriga ah aan waligeed la samayn, ma jirto hay'ad garsoor oo lagu kalsoon yahay oo xallisa jahwareerka dastuuriga ah. Xalku wuxuu markaa u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo sal ballaaran. Talaabo aan loo dhameyn oo qof kasta oo ka mid saamilleyda Soomaaliyeed ma heli doonto taageerada iyo sharcinimada lagama maarmaanka u ah hirgelinta.

Mudane Madaxweyne,

Xubnaha Golahan ayaa in ka badan hal sanno ka hor ku baaqay wadahadal iyo wadashaqeyn dhexmarta madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in tan iyo warbixintaydii hore ee aan siiyay Golaha in madaxdani ay ku kulmeen aalada muuqaalka fogaan aragga 22kii bishii Juun, ka dibna shaqsi ahaan ugu kulmeen magaalada Dhuusamareeb laga billaabo 18 ilaa 22 bishii Luulyo. Kulamadaas ayaa suurtoobay ka dib dadaallo dibuheshiineed isafgarad ah oo Madaxweyne Farmaajo kula xiriiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waxaan ku ammaanayaa labada hoggaamiye aqbalida wada hadalkan in kasta oo ay weli jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo muhim ah.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa bishii Luuliyo ku heshiiyay magaalada Dhuusamareeb iskuna afgartay yoolka ah in la qabto doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo waqtigooda ku dhacda ayna wada aqbali karaan dhammaan dhinacyada, waxayna u xil saareen Guddi Farsamo inuu soo diyaaryo soona bandhigo xulashooyin faahfaahsan si looga baaraandego shirmadaxeedkooda xiga ee bilaabmay 15kii bishan Agoosto. Nasiib darrose jawigii iskaashi ee bishii Luulyo ayaa markaa ka dib waxaa wiiqay dhacdooyin siyaasadeed ee xigay, iyadoo qaar ka mid ah DXDF iyo xisbiyada siyaasaddu ay si taban uga falceliyeen markii si kedis ah xilka looga xayuubiyey Ra'iisul Wasaaraha, iyo waxyaabo kale oo dhacay.

Madaxweyne Farmaajo iyo saddex ka mid ah madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa ku soo noqday magaalada Dhuusamareeb waqtigii lagu ballamay 15ka bisha Agoosto, sidii uu heshiisku ahaa, si loo sii wado wadahadalada. Mar kale, waxaan ka xunnahay maqnaanshaha kuwa kale.

Dabcan waxay u taallaa saamilleyda Soomaaliyeed inay go'aamiyaan hannaan hagi doona geeddi-socodka doorashada. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku boorinaynaa in habkan doorashada lagu gaaro wadahadal loo dhan yahay iyo isu tanaasul. Waa in sidoo kale lagu saleeyo mabaadi'da ay ka mid yihiin in la ilaaliyo dhaqanka ah in xilka si nabad ah lagu wareejiyo afartii sannaba, noqdana mid dhab ahaan loo hirgelin karo, lagu xaqiijiyo matalaad aad uga ballaaran habkii 2016-kii, uu noqdo mid ay haweenku ka midyihiin, horena u sii wada horumarka loogu jiro in la gaaro yoolka doorashooyinka hal-qof iyo hal-cod.

Soomaalida iyo saaxiibadooda beesha caalamka ayaa si dhow isha ugu haya wadahadalada hadda ka socda magaalada Dhuusamareeb. Waa waajib saaran madaxda Soomaaliya inay isu xilqaamaan oo ay ka soo baxaan mas’uuliyadda waqtigan ee taariikhda ayna raadiyaan heshiis ay ku jirto danta qaranka. Annagoo ka jawaabayna codsiga dad badan oo ka mid ah saamilleyda Soomaaliyeed, waxaan ku biirinay fikrado iyo xulashooyin lagu gaaro hab doorasho oo meel dhexdhexaad ah, saaxiibada beesha caalamkuna waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan taageero haddii ay ka-qaybgalayaashu codsadaan.

Haddaan u soo jeesto wadahadallo kale oo muhiim ah, waxaan soo dhaweynaynaa shirweynihii madaxda Soomaaliya iyo Somaliland oo uu qabtay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle 14kii bishii Juun, iyadoo ay fududeeyeen Midowga Yurub iyo Mareykanka. Waxaan ku baqaynaa in la sii wado wadahadalada dabagalka ah ee qorsheysan ee Guddiga Farsamada iyo guddi hoosaadyada.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan imminka arkeynaa weerarrada Al Shabaab ee sii kordhaya oo walaac laga qabo, gaar ahaan magaalada Muqdisho, laakiin sidoo kale dhowr gobol. Weerarkii waxashnimada ahaa ee ay al-Shabaab ku qaaddeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ka dhacay Hoteelka Elite 16-kii Agoosto wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay ee ku soo kordhaya Soomaaliya oo dhan waana xusuus naxdin leh oo ku aaddan sida ay weli waajib u tahay sare u qaadidda amniga Soomaaliya. Amniga muddada fog, dabcan, waxaa ka mid ah dhinacyo badan, sida hagaajinta nidaamyada dowladda iyo caddaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha ee loo dhan yahay. Haddana, waxaa sidoo kale shaki la'aan weli jira baahi loo qabo awoodaha iyo hawlgallada "amniga adag" si looga hortago al-Shabaab. Warbixinteydii aan Golaha siiyay bishii May, waxaan ku amaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM qabashadoodii magaalada Janaale, ee Gobolka Shabeellaha Hoose, bishii Maarso. Tan iyo markaas, dadaallada waxaa diiradda lagu saaray xasilinta degaannadii la soo xoreeyay iyo xoojinta joogitaanka ee degaanka. Waxaan mar kale salaan u saarayaa geesinimada iyo dadaalka ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika.

Sannadka 2021 wuxuu noqon doonaa sannad kalaguur ah oo muhiim ah oo ay Soomaaliya qaban doonto hoggaanka arrimaha amnigeeda. Toddobaadkii hore Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammeystirtay Qoraalka Fikirka ee lagu casriyeynayo Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya, oo kooxo farsamo oo ka kooban madaxda amniga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ayaa toddobaadkan billaabay shaqada cusboonaysiinta. Hawsha ciidan dhisidda ayaa la kulantay xoogaa dib u dhac ah si loo gaaro qorshaha 2020 iyadoo ay ugu wacan tahay COVID-19.  Habka Dhammeystiran ee Amniga ayaa weli wada shaqadiisa heer farsamo laakiin waxaa sare loogu sii qaadi doonaa hagitaan heer-istaraatiiji oo dheeri ah, sida uu Goluhu ku baaqay qaraarkiisa 2520. Intii lagu jiray xilliga warbixintan -- in kasta oo ay jirto saameynta COVID -19 -- Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wuxuu sii waday inuu si habsami leh oo la isku hallayn karo uga qaybqaato joogtaynta iyo hawlgallada ciidamada AMISOM iyo 10,900 oo ka tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Iyadoo loo diyaargaroobayo go'aanno muhiim ah oo la xiriira amniga ee la rabo in la qaato sannadka 2021, waxaan ku hanweynahay oo aan sugeynaa Qiimaynta Madaxabannaan ee uu Goluhu ku baaqay.

Mudane Madaxweyne,

Soomaaliya waxay weli la daaladhaceysa dhibaatooyin ba'an oo xagga bini'aadminnimada ah, iyadoo ay soo noqnoqonayaan daadadka iyo abaaraha isdabajooga ee lagu baaba’ay, oo ay sannadkan isugu darsameen ayaxa iyo COVID-19. In ka badan shan milyan oo qof -- saddex-dalool oo hal dalool tirada dadka Soomaaliyeed -- ayaa weli u baahan gargaarka bani'aadamnimo ee badbaadinta nafta. Baaqii Bani'aadamnimada ee 2020 ee in yar ka badan $1 bilyan ayaa hadda maalgelintiisu gaartay in waxyar ka badan boqolkiiba 50. Waxaan u mahadcelineynaa deeqbixiyayaasha caalamiga ah waxaanna codsaneynaa deeqsinimadooda joogtada ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed.

COVID-19 dabcan wuxuu curyaamiyay guulihii caafimaad, dhaqaale iyo horumar ee Soomaaliya. Guushii la gaaray bishii Maarso ee ahayd marxaladda go'aaminta ee tallaabada Dalalka Saboolka ah ee Sida Xooggan u Qaameysan ayaa lagama maarmaan u ahayd awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay hesho dhaqaale ay ku yareyso saameynta cudurka COVID. Waxaan rajeyneynaa in Dowlada iyo Raiisal Wasaaraha cusub - marka la magacaabo - ay sii widi doonaan ayna dardargelin doonaan ajandaha dib-u-habeynta Soomaaliya ee horumarinta qaran.

Mudane Madaxweyne,

In kasta oo warbixinta maanta uu diiradda saaray arrimaha deg degga ah ee hadda taagan, haddana waxaan ku baraarugsanahay in horumarka Soomaaliya uu u baahan yahay dadaal dheer oo xagga maamulka, caddaaladda, xormaynta xuquuqda aadanaha iyo ka qaybgelinta haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay si loo dhiso qaranka. 

Marka la eego dadaallada looga hortagayo xadgudubyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ka walaacsan tallaabadii dhowaan ay qaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ay ku soo bandhigeen sharci cusub oo cinwaankiisu yahay Sharciga La Xiriira Dembiyada Galmada. Waxaan walaaceena u soo bandhignay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, markuu naga codsadayna waxaan u la wadaagnay faahfaahinta waxyaabo badan oo murugo leh oo ku jira qabyoqoraalka la soo jeediyay. Waxaana ka mid ah, hindisesharciyeedkan wuxuu ku xadgudbayaa ilaalintii looga hortago guurka carruurta iyo guurka qasabka ah, mana waafaqsana shuruucda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ay Soomaaliya ka midka tahay. Waxaan ku baaqaynaa in Hindisesharcigii hore ee Dembiyada Jinsiga ee 2018 dib loogu soo celiyo si loo tixgeliyo.

Ugu dambeyntiina, Mudane Madaxweyne, haddaan ka hadlo dhanka togan, waxaan ku faraxsanahay inaan sheego in Xoghayaha Guud uu oggolaaday codsigii Soomaaliya ee ahaa dib-u-cusboonaysiinta u-qalmitaanka Sanduuqa Nabadaynta. Muddada soo socda ee barnaamijka waxaa diiradda lagu saari doonaa mowduuca muhiimka ah ee Haweenka, Nabadda, iyo Amniga.

Waad ku mahadsantihiin dhageysigiina

 

Halkan guji si aad u hesho Warbixinta Xoghayaha Guud ee xaaladda Soomaaliya (S/2020/798)