Howlaha wax-qabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2022

1 Mar 2022

Howlaha wax-qabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2022

 

Horumarinta ganacsiga | UNIDO waxay taageertaa barnaamijyo la-talinta ganacsiga ee qof-ka-qofka ah

Dhammaadkii bisha, hay’adda UNIDO waxay gacan ka geysatay tababaridda in ka badan 30 lataliye ganacsi oo Soomaali ah si ay u bixiyaan adeegyo la-talin qof-ka-qof ah oo loogu talagalay ganacsatada dalka oo dhan.

Tababarku wuxuu ugu dambeyntii awood u siinayaa ganacsatada inay joogteeyaan yoolalkooda iyo faa'iido helidda, helitaanka teknoolojiyadda cusub, horumarinta qorshayaasha suuq-geynta iyo xirfadaha maaraynta, xal u helidda dhibaatooyinka ganacsiga, abuuritaanka fikrado ganacsi iyo inay helaan macluumaadka ku saabsan maalgelinta Soomaaliya.

Adeegga la-talinta ayaa qeyb ka ah hindisaha hay’adda UNIDO ee lagu kobcinayo wax soo saarka Soomaaliya, iyada oo loo marayo mashruuca “Horumarinta Teknoolajiyada Beeraha ee kobac dhaqaale ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya” oo ay maalgelisay Wakaaladda Horumarinta ee Talyaaniga. Waxaa lagu bixiyaa iyadoo loo marayo isku xirka Qayabaha Horumarinta Ganacsiga ee la aasaasay iyadoo la kaashanayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalka oo dhan. Tan iyo markii la aasaasay, adeeggu waxa uu taageeray in ka badan 100 hal-abuurro ganacsi iyo milkiilayaal ganacsi si ay u billaabaan, dayactiraan, oo ay u cusboonaysiiyaan hawlaha beero-warshadeedka ee Soomaaliya.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Isbeddelka Cimilada | IOM iyo Midowga Yurub oo taageeraya bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha iyo cimillada

Hay’adda IOM waxa ay heshiis cusub la saxiixatay Midowga Yurub si ay uga caawiso dadka ku nool Galmudug inay la qabsadaan isbeddelka cimilada iyadoo wax laga qabanayo iska horimaadka ka dhashay tartanka kheyraad yarida sii kordhaya.

Mashruuca IOM-EU, oo la saxiixay bishii Jannaayo waxay ujeedadiisu tahay in la helo xal waara si loo dhiso adkeysiga bulshooyinka Soomaaliyeed, dhiirrigelinta nabadda, loona diyaargareeyo iyaga (Bulshooyinka) ka hortagga dhibaatooyinka cimillada. Waxa kale oo ay keeni doontaa xasilooni ka dhalata aag ay bulshooyinku taariikh ahaan isaga hor imaan jireen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen kheyraadka dabiiciga ah ee yaraanaya.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Gargaarka Bani’aadannimada | Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomalaiya (SHF) ayaa billaabay qoondayn xilli hore ah oo dhan $25 milyan

Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF) ayaa bilaabay qoondayn xilli hore ah oo dhan 25 milyan si taageero degdeg ah loogu fidiyo bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool goobaha omoska daran ah, gaar ahaan meelaha aan waxba helin oo ay adagtahay in la gaaro. 

Qoondayntan ayaa kabeysa qoondada deeqdii dhawaantan ee $17 milyan ee ka timid Sanduuqa Dhexe ee  Jawaabcelinta Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF).

Deeqdan cusub ee (SHF) ayaa ku soo beegantay xilli dhibaatooyinka soo noqnoqday ay sii gun dheereeyeen saboolnimada, isla markaana ay sii adkeeyeen baylahdii hore u jirtay, isla markaana bulshooyinka laga  xayuubiyay nolol maalmeedkooda. Ilaha ugu horreeya ee maalgelinta sanadkan, qoondayntani waxay u badan tahay inay sababto kheyraad dheeri ah iyo waxqabad hore oo loogu talagalay kuwa ay sida aadka ah u saameeyeen abaaruhu.

SHF waa deeq-bixiyeyaal badan, hannaan urursan oo waddan ku salaysan oo la unkay sanadkii 2010 si loogu qoondeeyo maalgelinta waxqabadyada badbaadinta nafaha ee ugu degdegga badan ee dalka. Isku duwaha arrimaha bini'aadannimada ee Soomaaliya ayaa go'aan ka gaaraya qoondada SHF isagoo ku saleynaya mudnaanta istaraatiijiga ah. Si Maalinba maalinta ka dambeysa ah, SHF waxaa maamula Xafiiska QM ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA).

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Taageerada beeralayda yar yar | WFP oo 31 mashiinnada dalagga lagu hagaajiyo u qaybiysay iskaashatooyinka beeralayda

Hay’adda WFP ayaa 24 ka mid ah iskaashatooyinka beeralayda ee Beledweyne iyo Jowhar u qaybisay 31 mashiinno oo ah kuwa dalagga lagu shaandheeyo, oo awood u siinaya inay dhowrtaan wakhtiga, si ay u kordhiyaan wax soo saarka, iyo in ay yareeyaan waxyeellada badarka iyo daadinta, taas oo hoos u dhigi doonta kharashka shaqada ee wax lagu tumo - shaqada kala soocida badarka la cuni karo iyo cawska iyo buunshaha.

Beeralayda ayaa islamarkiiba u suura gashay in ay adeegsadaan qalabkan cusub si ay u tuntaan galleyda iyo masagada cosbka ah ee dhawaan soo go’ay. Dhammaan mashiinnada wax lagu tumo ayaa hadda si buuxda u shaqaynaya.

Qaybinta mashiinnada wax lagu tumo ayaa qayb ka ah mashruuca ballaaran ee  wadajirka ah ee WFP iyo FAO si loo xoojiyo adkeysiga beeralayda yar yar, oo ay taageerto Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden.

Qaybintani waxa ay kaabeysaa ujeedada mashruuca ee ah hagaajinta hababka goosashada ka dib iyadoo la dhimayo khasaaraha cuntada lana hubinayo in beeralayda yar yar ay helaan cunto tayo sare leh oo la heli karo oo la isticmaalo ama la iibiyo, taasoo ka caawinaysa inay xoojiso adkaysigooda ka hortagga dhibaatooyinka cuntada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Booliiseynta | UNODC waxay sii waddaa sare u qaadidda awoodda dambi baarista Qaran

UNODC waxa ay sii waddaa in ay booliiska federaalka Soomaaliya ku taageerto kor u qaadista awoodooda baarista dambiyada si loola dagaalamo dambiyada.

Iyada oo mareysa Habkeeda Horumarinta Baaraha (IDP) UNODC waxa ay taageertaa tababarrada la siiyo baarayaasha iyo xeer-ilaalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay si hufan uga jawaabaan arrimaha dambiyada, oo ay ku jiraan, gaar ahaan, Dambiyada Abaabulan ee ka gudba xuduudaha – tusaale ahaan, iyadoo la adeegsanayo  Koorsada Onlaaynka ah ee Horumarinta Baaraha ee koobaad.

(IDC1) waa koorso 10 maalmood ah oo la bixiyo taasoo qayb ka ah tababbarka Habka Horumarinta Baaraha  (IDP) ee hoos yimaada barnaamijka baarista dembiyada ee UNODC ee Soomaaliya. Intii lagu jiray bishii Febraayo, kooxda UNODC ee tababbarka dhexe waxa ay Koorsada Onlaaynka ah ee Horumarinta Baaraha ee koobaad (IDC1) ka bixiyeen Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamarreeb iyo Jowhar. Wadar 41 ka qaybgalayaal, oo isugu jiray 28 baarayaal iyo 4 xeer-ilaaliye, ayaa dhammaystay Habka Horumarinta Baaraha  IDC1.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Golaha Ammaanka | Ergayga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya ayaa warbixin siiyay Golaha Ammaanka

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyay xaaladda siyaasadda, bini'aadannimada iyo ammaanka ee Soomaaliya.

Md. Swan ayaa soo dhoweeyay horumarka laga gaaray hannaanka doorashada, wuxuuna ugu baaqay madaxda Soomaalida inay laba jibbaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee doorashada Golaha Baarlamaanka.

Md. Swan waxa uu ka hadlay dadaalka Qaramada Midoobay ee ah in dhammaan dhinacyada ku lug leh si ay wax uga qabtaan khilaafaadkooda siyaasadeed iyada oo loo marayo wadahadal, isu-tanaasul, iyo xalal is-afgarad ku salaysan oo dhab ah. Waxaa uuna ku boorriyay madaxda Soomaaliya in ay meel iska dhigaan kala aragti duwanaanta u dhaxeysa, qabtaanna waxa u wanaagsan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna soo gabagabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay dib diiradda u saaraan dadaallada ku saabsan waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka oo dhan, sida: amniga, dhismaha dowladnimada iyo horumarka. 

Mas’uulka QM ayaa u sheegay xubnaha golaha in xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid aad u liidata, isagoo mar kale ugu baaqay deeq bixiyayaasha inay kordhiyaan taageeradooda ku aaddan gargaarka degdegga ah ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ugu nugul. 

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Sarreynta Sharciga | UNDP waxay tababarro la xiriira sugidda amniga doorashada siissay saraakiisha booliiska

Hay’adda UNDP ayaa in ka badan 70 saraakiil booliis ah iyo Taliyeyaasha Saldhigyada Galmudug waxa ay siisay tababar ku saabsan maareynta kala dambeynta dadweynaha iyo amniga doorashada. Tani waa qayb ka mid ah barnaamij ballaaran oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 480 booliis ah oo loo tababaray dhammaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo gobolka Banaadir tan iyo 2021-kii.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Adkaysiga Beereed | FAO waxa ay dayactiraysaa kanaalada iyo marinnada beeralayda

FAO ayaa dib u dayactir ku samaysay kanaalada iyo marinnada si ay uga caawiso beeralayda koonfurta Soomaaliya inay ka gudbaan biyo la'aanta iyo caqabadaha ka jira helitaanka suuqyada.

Iyada oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub, fulintana la marsiinayo bah-wadaag maxalli ah ee, mashruuca FAO ee – Waxqabadka Adkeysiga (ProAct) – waxa uu beeralay iyo xoolo dhaqato ku sugan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, siiyay adeegyada waraabka, tababarro ku saabsan hab-dhaqanka wanaagsan ee beeraha, iyo helitaanka wanaagsan ee Suuqyada iyada oo loo marayo dayactirka buundooyinka iyo jidadka mara marin-biyoodka badan ee gobolka.

Habka ay hay'adda Qaramada Midoobay u wajahdo dayactirka ayaa udub dhexaad u ah aragtida ah in nidaamyada cunto-beereedka xooggan ay u baahan yihiin isku xirka wax-soo-saarka iyo suuq-geynta, sidaas darteed iyadoo la hagaajinayo helitaanka biyaha lana yareeynayo  caqabadaha u dhexeeya bulshada iyo suuqyada beeralayda, dhaqaalaha maxalliga ah ayaa si wanaagsan ugu adkeysan kara dhibaatooyinka mustaqbalka, sida: abaaraha iyo fatahaadaha, iyo caqabadaha kale sida kaabayaasha waraabka oo aan shaqeyn, amni darro baahsan iyo arrimaha la xiriira helitaanka.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Caafimaadka Hooyada | UNFPA, deeqbixiyeyaasha iyo bah-wadaagta oo u kuurgalay Caafimaadka hooyada ee Hargeysa 

Hay’adda UNFPA iyo Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Somaliland ayaa ku martigaliyey wakiillo sare oo ka socday dalka Finland Isbitaalka Guud ee Hargeysa.

Hawlaha booqdayaasha waxa ka mid ahaa dib u eegis lagu sameeyo adeeg bixinta iyo dadaallo kale oo la sameeyey tan iyo markii Waaxda Hooyada ee Isbitaalka lagu sameeyay dib-u-habayn sannadkii hore iyada oo taageero laga helayo UNFPA, deeq-bixiyeyaasha iyo xukuumadda Somaliland.

Isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sidoo kale ah Isbitaal waxbarasho, halkaas oo ardayda umulisooyinka ah ee ay taageerto UNFPA ay ku qaataan tababarro shaqo. Hay’adda UNFPA ayaa booqatay Dugsiga Culuumta Caafimaadka ee Hargeysa waxaana ay kula kulantay ardaydan tababarka ku jira oo laga soo kala xulay 50 gobol iyo deegaannada ay adagtahay in la gaaro ee Somaliland. Iyadoo la kaashanaysa dawladaha, khubarrada caafimaadka iyo bulshada rayidka ah, UNFPA waxa ay ka shaqeysaa sidii ay u hagaajin lahayd helitaanka dawooyinka muhiimka ah iyo adeegyada caafimaadka taranka, xoojinta nidaamyada caafimaadka, iyo horumarinta halbeegga caalamiga ah ee caafimaadka hooyada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Hooy | UNHCR UNHCR oo dhammaystirtay guryo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah iyo bulshada martida loo yahay ee nugul

Iyada oo kaashanaysa bah-wadaagteeda, Golaha Qaxootiga Norway, ayey UNHCR dhamaystirtay dhismaha 40 guri iyo musqulo ku meel gaar ah oo loogu talagalay 40 qoys oo ku nool Gaalkacyo.

Dhismaha guryahan ayaa ahaa mid loo maray hab ku dhisan milkiilaha, iyada oo ka faa’iidaystayaasha mashruucan ay hormuud ka ahaayeen hawsha dhismaha guryahooda, hadafka ugu dambeeyana ay tahay in bulshada nugul loo oggolaado in ay helaan degaamo ammaan ah oo ay ugu noolaan karaan si sharaf leh, lana hagaajiyo tayadooda nolosha.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)