Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, Qaramada Midoobay waxa ay ku baaqaysaa dadaallo wadajir ah oo lagu horumarinayo ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo hoggaanka

8 Mar 2022

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, Qaramada Midoobay waxa ay ku baaqaysaa dadaallo wadajir ah oo lagu horumarinayo ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo hoggaanka

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyaynaysaa haweenka Soomaaliyeed dadaalkooda hagar la’aanta ah iyo gacansiintooda baaxadda leh ee horumarinta nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dalka.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu raaciyay.

Hal-ku-dhegga sanadkan ee maalinta caalamiga ah ee haweenka ayaa ah ‘Sinaanta Jinsiga Maanta Si Loo Helo Berrito Waarta.’ Maadaama ay Soomaaliya isu diyaarinayso dowlad cusub, waxaa jirta fursad lagu horumarin karo sinnaanta jinsiga iyo xoojinta siyaasadda haweenka iyo hoggaanka si loo helo nabad iyo horumar waara.

"Waa muhiim in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada," ayuu yiri Md Swan. "Waa muhiim in wax-qabadkooda la aqoonsado oo ay la socdaan booskooda saxda ah ee ay ku leeyihiin hoggaanka iyo go'aan ka gaarista nabadda iyo geeddi-socodyada siyaasadda."

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay qireysaa dedaalka iyo gacansiinta mugga leh ee haweenka Soomaaliyeed ay sameeyeen sannadihii lasoo dhaafay waxayna ku boorrinaysaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda dalka, inay xaqiijiyaan ka mid noqosho ka ballaaran, cod-yeelasho iyo ka-qaybgalka haweenka ee dhammaan hay'adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed si loo yaqiinsado loona joogteeyo nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga soo xusayay adduunka oo dhan tan iyo 1975, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalintan waxa ay sunteysaa baaq waxqabad oo loogu talagalay dardargelinta sinnaanta jinsiga.