Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Abriil 2023

30 Apr 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Abriil 2023

 

Cunno | Hay’adda FAO oo dayactir ku sameysay kanaalo si beeralayda uga baxaan biyo yarida

Beeralayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa awood u yeeshay inay isku filnaasho dhanka cuntada ah ku gaaraan deegaanadooda iyagoo ka faa’iideystay Mashruuca Xasilinta Shabeelaha Dhexe ee ay taageerto Hay’adda FOA ayna maalgeliso Wakaaladda Sweden ee Horumarinta Caalamiga.

Mashruuca Ujeedkiisa ahayd kordhinta xaalad xasilin ee deegaanada ee qataraha iyo dhibaatooyinka, ayaa ku filnaaday inuu biyaha wabiga Shabelle gaarsiiyo kanaalada yar yar halkaas oo beeralayda yar yar ay beerahooda ku beertaan.

Hay’adda FOA oo kaashanaysa howl-fuliyayaal deegaanka ah ayaa waxaa u suuragashay inay caawiyaan dad isugu jira beeraley iyo xoolaley, iyagoo abaabulaya dadka deegaanka, bixiyaan adeegga waraabka, qaababka ugu wanaagsan ee tacbashada beeraha iyo qaababka ugu wanaagsan ee ay badarkooda suuqa ku keeni lahaayeen iyadoo loo dayartiraayo buundooyinka iyo marinada, iyadoo ay biyo badan yaalaa wadooyinka.

Click here for more

 

Cunno | Hay’adda WFP oo taageertay tababaro loo sameynayo iskaashatooyinka beeraleyda ee maamulada Hirshabelle and Koofurgalbeed Soomaaliya

Hay’adda WFP ayaa taageertay tababar ku saabsan kaydinta geedaha iyo qaababka loo ogaado tayada badarka oo loo qabtay 30 iskaashato beeralay ah oo  matalayay 7,500 beeralay oo ka kala tirsan maamulada Hirshabelle iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Tababarka wuxuu qayb ka ahaa howsha socota ee ay WFP kor ugu qaadayso iibsashada iyo isticmaalka badarka ay soo saaraan beeralayda Soomaaliyeed ayna xoojiyaan qiimaha suuqayada dalka.  WFP waxay hadda la shaqeynaysaa iskaashatooyinka iyada oo ku daraysa liiskeeda  qandaraaslayaasha tafaariiqda ah, taas oo u sahlaysa in ay ka iibiyaan cuntada gudaha laga soo saaro dadka helaya gargaarka bini'aadannimo ee kaashka ay WFP bixiso.

Click here for more

 

Dhallinyarada | Hay’adda UN-Habitat oo Garoon kubadda cagta ah ka dhisaysa magaalada Kismaayo

Hay’adda UN-Habitat oo kaashanaysa Hay’adda NRC ayaa qabtay xaflad lagu dhagax dhigayay garoon kubadda cagta ah oo laga dhisayo xaafadda Midnimo  ee magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.

Xaafadda ayaa hoy u ah dad qaxooti ahaa oo dib ugu soo laabtay dalkooda, dad gudaha ku barakacay iyo dadka deegaanka. Xaruntani ayaa waxay dhallinta u tahay goob madadaalo, taageerta horumarinta dhalinyarada, waxayna kor u qaadaa wadajirka bulshada, nabad ku wada noolaanshaha, midnimada iyo isdhexgalka.

Garoonka kubbadda cagta waa qayb ka mid ah mashruuc  ballaaran kaas oo dhallinyarada loogu talagaley oo ay maalgeliso dowladda Sweden kaas oo diiradda lagu saarayo dhalinyarada iyo dib u soo kabashada magaalooyinka.

Click here for more

 

Xurriyadda Hadalka | Warbaahinta Bilan oo u dabaadegaysa sanad guuradeedii 1aad

Warbaahinta Bilan oo ah warbihintii ugu horeysay ee Soomaaliya ee dhammaan howl-wadeenadeeda ay yihiin gabdho ayaa u dabaaldegtay sanadguuradeedii 1aad, sanadkan ayaa u ahaa sanad ay iska hor dhaqaajinayeen caqabaha gabdhaha horyaala, iyagoona wado cusub u furay gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka howlgala wadan ka mid ah wadamada ugu qatarta badan ee war laga soo tabiyo.

Warbaahinta Bilan oo ay taageerto hay’adda UNDP ayaa fursadii ugu horeysay u ahayd haweenka Soomaaliyeed ee saxafiyiinta ah, taas oo u suuragelisay inay qabtaan shaqo saxaafadeed oo dhameystiran oo haweenka u madaxbannaan, kuwaas oo iyaga go’aaminaaya warka ay tabinayaan iyo qaab ay u tabinayaan.

Waxay mar horeba madaxbannaanidan u isticmaaleen inay jebiyaan qaar ka mid ah sheekooyinkii ugu waaweynaa ee Soomaaliya ee ku saabsanaa caqabado badan, kicin dadweyne iyo falcelin rasmi ah. Waxaa ka mid ah warbixinno ku saabsan Soomaalida qaba AIDS-ka ee  cabsida ku nool, tacadiyada loo geysto gabdhaha agoonta ah, iskuullada carruurta maskax ahaan aan dhamaystirnayn iyo macallimiinta, iyo kororka isticmaalka daroogada ee haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Click here for more

 

Caafimaadka | Hay’adda UNFPA oo daahfurtay qaybo daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ah oo guurguura isla markaana baabuur ku raran

Waxa ay hay’adda UNFPA maamullada Soomaaliya ku wareejisay baraha adeegyada caafimaad ee gawaarida lagu rakibo, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo helitaanka adeegyada caafimaadka nafbadbaadinta ah ee hooyada iyo dhallaanka bartanka looga jiro dhibaatooyinka bini'aadannimo ee Soomaaliya.

Wasiirka caadimaadka heer federaal, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xaflad kooban ku guddoomay shan ka mid rugaha guurguura ee caafimaadka hooyada isaga oo ka wakiil ah dawladda federaalka Soomaaliya. Rugahan caafimaadka hooyada ee guurguura waxa ay hay’adda UNFPA ku soo iibisay maalgelin deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Sweden, Switzerland, Finland iyo Ireland ay u soo mariyeen Sanduuqa Maalgelinta Iskaashiga Ballaaran ee Soomaaliya.

Qaybaha daryeelka degdega ah ee umulaha iyo dhallaanka dhowaan dhashay ee gaariga ku raran waxaa la dhigi doonaa meelaha tas-hiilaadka caafimaadku ka maqan yihiin. Hay’adda UNFPA waxay xustay in baahidu ay aad u sarreyso si loo bixiyo umulid bedqab leh iyo adeegyo caafimaad oo nafo-badbaadin hooyada iyo dhallaanka ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladda bini'aadannimo.

Click here for more

 

Booliiska | Hay’adda UNOPS oo 800 oo gacanka laga hadlo ah {Halow-halow} ku wareejisay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Hay’adda UNOPS ayaa waxa ay 800 oo gacanka laga hadlo ah {Halow-halow}  gaarsiisay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si ay u hagaajiso isgaarsiinta, iyo in ay booliiska awood usiiso in ay si wanaagsan u ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeynta iyo ilaalinta bulshooyinka maxalliga ah.

Sida ay qabto hay’adda UNOPS, karaanka isgaarsiineed ee la xoojiyey waxa uu u oggolaan doonaa booliiska inay gurmad ka bixiyaan xaaladaha degdegga ah oo ay si waxtar leh isugu dubbaridaan dadaalladooda.

Wareejinta waxa ay qayb ka ahayd Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah (JPP) oo ay maalgeliyaan Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Jarmalka, yoolkiisuna yahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dawladda iyo hay'adaha caalamiga ah iyo horumarinta ciidan booliis ah oo tayo leh.

Click here for more

 

Caafimaadka | Hay’adda UNICEF oo daahfurtay Olole Tallaal oo loogu talagalay Carruurta

Todobaadka Talaalka Adduunka awgii, oo la xuso todobaadka ugu dambeeya ee bisha Abriil, ayaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ururka caafimaadka WHO iyo hay’adda UNICEF waxa ay daahfureen olole loo bixiyay ‘The Big Catch-Up’ oo lagu gaarayo carruurta tallaalka seegtay, laguna xoojinayo tallaalka joogtada ah iyo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah.

Warbixintii guud ee dhowaan UNICEF ka soo saartay, 'Xaaladda Carruurta Adduunka 2023,' waxay muujisay in tallaalka joogtada ah ee xilliga carruurnimada uu hoos u dhacay intii lagu jiray COVID-19 iyo in fahamka muhiimadda tallaallada carruurnimada ay hoos u dhacday. Soomaaliya, arrimo ay ka mid yihiin galaangalka iyo abaarta jira waxay kordhiyaan halista jadeecada iyo dabaysha oo dillaaca.

Sannadkii hore, waxaa UNICEF iyo bahwadaagteedu si wadajir ah u fuliyeen afar wareeg oo hawlo tallaal oo la dardargeliyey, shan olole oo dabeysha ah, siddeed olole oo loogu talagalay COVID-19 iyo olole jadeecada, dabaysha, faytamiin A iyo gooryaanka ah oo laga sameeyay dalka oo dhan,

Click here for more

 

Arrimaha Bani’aadannimo | Xoghayaha guud ee QM oo ku baaqay taageero dheeraad ah oo caalami ah oo lala soo gaaro Soomaaliya

Isaga oo sii wata dhaqankiisa ah samaynta booqashooyin garab-istaag ah oo uu ku tagayo dalalka muslimiinta ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayuu xoghyahaya guud ee Qaramada Midoobay  António Guterres booqday Soomaaliya, halkaasoo uu hoosta ka xarriiqay baahida waxqabadka caalamiga ah si dalka looga samata-bixiyo xaaladda daran ee beni’aadanimo loona taageero dadaallada dowlad-dhiska.

“Waxaa la joogaa waqtigii beesha caalamku ay abaabuli lahayd taageero badan, taageeridda Soomaalida si loo dammaanad qaado ammaanka dadkooda iyo la dagaallanka argagixisada, in la taageero Soomaalida si loo xalliyo mashaqooyinka bini'aadminnimo ee aan marqaatiga uga nahay xeradan oo kale,” ayuu yiri madaxa QM kadib booqasadiisii xero dadka gudaha ku barakacay oo ku taalla magaalada Baydhaba.

Marka laga yimaado booqashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dhibaatooyinka bini’aadannimo ee dalka ka jira, waxa uu Md. Gutteres la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo la taliyeyaasha, wakiilo ka socday ururrada bulshada rayidka, madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, sanduuqyada iyo barnaamijyada ka howlgala Soomaaliya.

Click here for more