Maalin Mas’uuliyiinta Xuquuqul Insaanka Lagula Qaatay Magaalada Garoowe

27 May 2023

Maalin Mas’uuliyiinta Xuquuqul Insaanka Lagula Qaatay Magaalada Garoowe

Garoowe  - Magaalada Garoowe oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, waxa ay hoy u tahay ku-dhawaad nus milyan qof oo dad deggan ah.

Ku dhawaad ​​75,000 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa ah barakacayaal sababsadey isbeddelka cimilada iyo colaadda.

Badanaa, dadkan – oo loo yaqaan dadka gudaha ku barakacay, ama barakacayaasha - waxay lumiyeen wax kasta, ka soo billow xubnaha qoyska ilaa guryaha, nolol maalmeed ilaa rajo.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay Isuduwidda Arrimaha Bini'aadannimada (OCHA), tirada barakacayaasha Garoowe ayaa kor u dhaaftay 20,000 tan iyo bishii Disembar 2022 taasoo ka dhalatay dagaalka xooggan ee ka socda Laascaanood, oo 127 kiiloomitir u jirta bariga gobolka Sool.

Colaadda ayaa sababtay barakac xooggan oo dad lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000, sida laga soo xigtay ilo kala duwan. Qoysaska barakacay ayaa daalaa dhacaya iyagoo waaayay guryahoodii, adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, ilihii dhaqaalaha, iyo dadka qaarkood oo ay xaaladda uga sii murugo badan tahay, iyagoo waayey xubno qoyskooda ka mid ah; kuwaas oo ku dhintey dagaalka ama lumay intii lasoo qaxayay.

Qayb ka mid ah shaqada ay hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qabtaan ayaa ku lug leh la socodka sida mabaadi'da xuquuqul insaanka iyo waajibaadka sharciga caalamiga ah loo ixtiraamo xaaladaha colaadaha iyo amni-darrada. Ujeedadaas awgeed, dadka ka soo cararaya goobaha colaadaha ayaa inta badan la wareystaa iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah.

Waraysiyadu waxay sidoo kale u golleeyihiin inay fahmaan baahida gaarka ah ee dadka khatarta u nugul, oo ay ka mid yihiin haweenka, dadka la takooro iyo dadka naafada ah.

Tani waa xaaladda ay la kulmeen koox ka socotay hay’adaha xuquuqul insaanka oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka woqooyi ee Puntland, halkaasi oo ay u qaxeen dad barakacayaal ah oo kasoo baxsaday dagaalka culus ee joogtada ah ee halakeeyay magaalada Laascaanood.

Faalo sawireedka soo socota waxay bixinaysaa sawir muuqaal kooban ah oo ku saabsan hawlihii ugu dambeeyay ee kooxda si looga jawaabo qulqulka barakacayaasha Garoowe.

*****

8:00 subaxnimo – Kooxda oo ay hogaaminaysay Muna Bakri Mohamed Abuagla oo ah mas’uul xuquuqul insaanka ah, waxay isugu yimaadeen kulan subax hore ah si ay u qaadaa-dhigaan hawlaha todobaadka. Diiradda ayaa waxaa lagu hayaa tiradii mugga lahayd ee dadkii ku barakacay colaadda magaalada ku dhow Garoowe ee Laascaanood.

Waxaa halkan ka muuqda, Marwo Muna oo billowday inay kooxda, oo ay ku jiraan saaxiibo laga soo kaxeeyay Muqdisho si ay u xoojiyaan dadaallada maxalliga ah, u sharaxdo qorshaha maalintan.

"Ujeeddada hawlgalkan waa in la fahmo saameynta isku dhacyada Laascaanood ku yeelanayaan dadka rayidka ah iyo u qareemidda difaaca xuquuqda aadanaha," ayay Marwo Muna u sheegtay kooxda.

8:30 subaxnimo – Dadka gudaha ku barakacay ee Garoowe badankood waxay ku guulaysteen inay hoy ka helaan qaraabadooda ama waxay kiraysanayaan qolalka guryaha ay bixiyaan bulshooyinka martida loo yahay. Si loo hagaajiyo hannaanka baarista, kooxda xuquuqul insaanku waxa ay qabanqaabiyeen in iyaga (barakacayaasha) oo dufcad ah ay goobo la doortay oo magaalada ah kula kulmaan.

Waxaa halkan ka muuqda, iyadoo xubnaha kooxdu ay baabuur ku marayeen waddooyinka Garoowe iyagoo ku sii jeeda goobaha ay ku shirayaan, waxay arkaan xusuusiye ku soo beegmay saamaynta colaadda: waxay ag mareen koox haween ah oo isugu yimid bannaanka isbitaal halkaas oo xubnaha qoysaska lagaga daweynayo dhaawacyo soo gaaray, taasi oo ah natiijada colaadda ka jirta Laascaanood.

8:45 subaxnimo – Soo gaaridda mid ka mid ah goobaha lagu kulmayo, kooxda xuquuqul insaanku waxay isu kala qaybiyeen kooxo, wayna shaqo galeen: iyagoo waraysanaya dadka gudaha ku barakacay.

Ujeedka waraysiyadan ayaa ah in la helo marag-furka dadka dhibanayaasha ah, kuwaas oo laga wareysanayo saamaynta rabashadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood u gaysteen dadka rayidka ah, si loo raadiyo loona ololeeyo difaaca xuquuqda dadka shacabka ah.

Waxaa halkan ka muuqda, xubin ka mid ah howl-wadeenada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey oo waraysanaya gabar ka mid ah haweenka kasoo barakacay magaalada Laascaanood.

Shaqadeedu waa qayb ka mid ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu xaqiijinaayo in aan cidina la dayacin, taas oo tixraacaysa ballanka udub-dhexaadka wax-ka-beddelka Ajandaha 2030-ka ee Horumarinta Waarta iyo Yoolasha Horumarka Waara (SDGs). Ajandaha 2030 wuxuu tilmaamayaa sida dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay uga go’an tahay in la cirib tiro faqriga noocyadiisa kala duwan, lana joojiyo takoorka iyo haybsooca, lana yareeyo sinnaan la’aanta iyo u nuglaanshaha dhibaatooyinka kuwaas oo la dega horumarka dadka wiiqdana awoodda shakhsiga iyo midda aadanaha guud ahaan.

SDGs (Yoolasha Horumarka Waara) waa baaq caalami ah oo ku aaddan sidii si’ waxqabad leh loogu soo afjari lahaa faqriga, loo ilaalin lahaa adduunka, loona hagaajin lahaa nolosha iyo rajada qof kasta meel kasta, waxaana sannadkii 2015 ansixiyay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, iyadoo qayb ka ah Ajendaha 2030, kaas oo dejinaya qorshe 15 sano ah. si loo gaaro Yoolalka Horumarineed ee Joogtada.

11:00 barqanimo – Waraysiyadu inta badan uma fududa la waraystaha iyo waraystaha labadaba – waxaa inta badan ku jira ka sheekaynta tiiraanyo la soo maray.

"Wiilkayga ugu weyn waxa uu ku dhaawacmay dagaalkii cuslaa ee isbuucii ugu horreeyay ee bishii Febraayo, waxaan ku qasbanaaday in aan raadiyo waddo aan ku soo saaro xaaskeyga iyo lix carruur ah oo kale ka hor inta aysan arrimuhu ka sii darin, waxaan ku dhacnay waddada ugu dheereyd ee aan ku gaarnayno Garoowe - inta badan waan lugeynay. Argagaxa iigu weyn waa in aanan hadda haysan hoy. Weli waxaan la ildaran yahay tiiraanyadii iga soo gaartay dhammaan waxyaabihii ka dhacay magaaladayda,” ayuu Muuse Axmed oo 45 jir ah, oo ah macallin reer Laascanood ah, ku sheegay wareysigiisa.

Waxaa halkan ka muuqda, wareysiga kadib, Mudane Muuse oo samaysanaya sariirtiisa cooshadda ah ee uu habeenka ku jiifto waddo ku taalla Garoowe.

11:45 barqanimo – Nasiib darro, xaaladaha la midka ah middaas Mudane Muuse, ayaa ah kuwa aad uga fog wax gaar ahaaneed.

Wareysi kale, Aamina Cabdiraxmaan oo 36 jir ah ayaa xustay barakaca dagaalka in uu sabab u noqday kala qeybinta qoyskeeda.

"Waxaa qasab igu noqotay naan caruurteyda waaweyn uga tago hooyaday si ay waxbarashadooda u sii wataan. Welwelka iigu weyn ee xilligan ayaa ah in aynaan haysan cunto nagu filan oo na kaafisa dhammaanteen maadaama aan la wadaagayno wax yar oo aan haysanno saddex qoys oo kale oo isla degganahay,” ayay tiri.

Waxaa halkan ka muuqda, Marwo Aamina oo kula hadlaysa qaar ka mid ah carruurteeda guriga qoyska martida qaaday ee Garoowe.

2:00 duhurnimo – Kolkii wareegga koowaad ee waraysiyadu soo idlaaday duhurnimadii, kooxda xuquuqul insaanka ayaa isu yimid, waxayna u jihaysteen qaar ka mid ah goobaha ay dadka gudaha ku barakacay ku nool yihiin iyo sidoo kale isbitaalka guud ee Garoowe, si ay u waraystaan qaar ka mid ah dhaawacyada iyo qoysaskooda.

Isbitaalka oo weli dhismihiisu socdo, ayaa awood xadidan u leh inuu qaabilo qulqulka dadka dhaawaca ah oo si joogto ah u soo gaarayey tan iyo markii ay dagaalka qaraar ka billowday Laascanood horaantii bishii Febraayo.

Waxa ay maqlaan oo ay arkaan ayaa tamar cusub gelin kara.

Halkan waxaa ka muuqda, hooyo xanaanaysa ilmaheeda oo 11 jir ah oo ku dhaawacmay firir ka dhashay weerar hoobiye ku dhacay  magaalada Laascanood.

3:30 galabnimo– Booqashada isbitaalka kadib, kooxda xuquuqul insaanka waxay dib ugu soo ruuqaansanayaan bartamaha magaalada, halkaas oo ay kulan jadwalaysan kula yeelanayaan Siciid Cabdulmumin oo ah gudoomiyaha Hay’adda Difaaca Xuquuqul Insaanka Puntland – oo ah hay’adda kaliya ee xuquuqul insaanka ee qaran – si loo helo aragtidiisa xaaladda xuquuqul insaanka, gaar ahaan kheyraadka hadda jira si loo bixiyo daryeel caafimaad iyo taageero ballaaran oo loo fidiyo barakacayaasha, oo ay ku jirto Iskuul ka qorista carruurta barakacday.

“Isbitaalladu waa buuxaan xadkii loogu talagalay, iyadoo ay ka jirto gabaabsi agab caafimaad iyo shaqaale. Kaliya 13 ambalaas ayaa shaqaynaya waxaana jira dhakhaatiir kooban oo la tacaalaya dadka dhaawaca ah ee maalin kasta ka imaanaya Laascaanood,” ayuu Md. Saciid u sheegay kooxda Qaramada Midoobay.

Waxaa halkan ka muuqda, xubno ka tirsan kooxda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo la kulmay Mudane Saciid.

4:30 galabnimo – Iyadoo la qabtay wareeggii waraysiyada iyo shirarkii maalinta, kooxda xuquuqul insaanka waxay dib ugu laabatay xarunta QM ee Garoowe.

Laakiin shaqadooda weli ma dhammaan. Dhab ahaantii, waxay la galaysaa habeenka.

Xubnaha kooxda ayaa hadda billaabay isu-geynta xogta ay ururiyeen maalintii oo dhan, iyagoo u rogaya warbixino loo isticmaali doono in lagu diiwaangeliyo cabashooyinka ku saabsan eedaha xad-gudubyada xuquuqda aadanaha. Kuwan waxaa loo isticmaali doonaa dadaallada u qareemidda xuquuqda aadanaha ee heer qaran iyo heer caalami.

Isla marka ay dhameeyeen iyagoo qabyo-qoraalaynaya warbixintooda, isla markaana xaqiijinaya qabanqaabada socdaalkooda xiga, waxay ku kifaaxen ​​cunto fudud iyo xoogaa nasasho ah - berri waa maalin cusub waxayna sii wadi doonaan wareysiyadooda ay la yeelanayaan barakacayaasha kale ee Laasacaanood ee ku sugan Garoowe kadibna, iyo , maalmaha soo socda, oo ay gaari doonaan magaalooyinka ku dhow ee Buurtinle iyo Qardho.

"Saacadaha la dhagaysanayo markhaat-furka waxay noqon karaan kuwo lagu daalayo, laakiin macluumaadka aan ka helno waraysiyadan ayaa muhiim u ah si aan awood ugu yeelanno inaan fahan wanaagsan ka helno xaaladda Laascaanood, gaar ahaan ilaalinta rayidka," ayay tiri Marwo Muna.

Waxaa halkan ka muuqda, Marwo Muna oo sii maraysa albaabka laga galo xarunta QM ee Garoowe ka dib maalin waraysi ay la yeelatay dadka gudaha ku barakacay.