Jamiila Xaaji Maxamed oo u dhaqdhaqaaqda Dhallinyarada: “Shaki kuma jiro in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay helaan nabad halkii ay hub ka qaadan lahaayeen”

previous next
28 Dec 2021

Jamiila Xaaji Maxamed oo u dhaqdhaqaaqda Dhallinyarada: “Shaki kuma jiro in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay helaan nabad halkii ay hub ka qaadan lahaayeen”

Baidoa - Gudaha Soomaaliya, way kala duwanaan karaan waddooyinka loo maro noqoshada shaqsi u dhaqdhaqaaqa dhallinyarada. Jamiila Xaaji Maxamed, waxay bilaawday shaqadaan iyadoo cilmiga ka baraneysa Jaamacadda Muqdisho bartamihii 2010-neeyadii.

 “Intii aan dhiganayay jaamacadda, waxaan marar badan arkay dhallinyaro abaabulan oo ka shiraya si ay u xalliyaan caqabadaha qaar ee ay kala kulmaan deegaannadooda. Tusaale ahaan, qaarkood waxaa ay taageero u fidiyaan dhallinyarada yar yar ee awoodi waayey in ay sii wataan waxbarashadooda. Halka kuwo kalena ay lacago iska uruuriyaan si ay taageero ugu fidiyaan dadka nugul, gaar ahaan haweenka ku nool magaalooyinka. Isdhhex-galka aan la sameeyay kooxhaan ayaa I dhaxal siisey in aan ogaado in dalkaygu uu igu leeyahay xuquuq badan, waxaana dareemay inay mas’uuliyad iga saaran tahay,” Jamiila Xaaji ayaa tiri.

Kadib markii ay qalin jebisay 2016-kii, waxay dib ugu laabatay hakii ay ku dhalatay oo ah magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed si ay u garab istaagto waalidkeed, iyadoo sidoo kale si mutadawacnimo ah ula shaqeyn jirtay ururada bulshada rayidka ah ee u ololeeya arrimaha la xiriira ka qeyb galka dhalinyarada iyo haweenka ee siyaasadda Soomaaliya.

Intaas kadib, 2019-kii, iyadoo gacan ka helaysa Nasra Cabdullaahi Cabdinuur oo u ololeysa arrimaha dhallinyarada ayaa gabadhaan 26-sano jirka ah aasaastay “South West Youth Vision” oo ah urur aan dawli ahayn (NGO) oo hadafkiisu yahay horumarinta nabadda iyo ka shaqeeynta horumarka waara ee dhallinyarada. Waxayna ka tahay ururkan agaasime.

Laba caqabadood oo waaweyn

Gabadhaan da'da yar ayaa aaminsan in ay jiraan laba caqabadood waaweyn oo ay la kulmaan dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed marka ay doonayaan xaqiijinta ka-qayb-galkooda siyaasadeed iyo ka muuqashada goobaha go'aan-qaadashada.

Caqabadda ugu horreyso ayaa ah faham la’aanta dhallinyarada ee arrimaha khuseeya mustaqbalkooda sida shaqooyinka kala duwan ee ay qabtaan xafiisyada dowladda ee saameynta ku leh noloshooda.

 “Sidaad la socotidba qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradeena waxay sahalsadaan saamaynta ay ku leedahay mustaqbalkooda dejinta siyaasadaha dalka. Qayb yar oo ka mid ah dhallinyarada ayaa u istaaga isbeddelka oo diidmana kala hortaga fikradaha aan habooneyn ee bulshada. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay waxaan kula talin lahaa in ay isku bahaystaan ama isku aruursadaan hadba kuwa is waafaqsan xirfadahooda oo ayna la yimaadaan fikrado dhaxal-gal ah oo qayb ka noqon kara xalka guud ee qarankeena,” Jamiila  ayaa sidaas tiri.

Waxay ku sii dartay in taasi ay u sii dheer tahay heerka isdhexgalka bulsho ee dhallinyarda dhexdooda oo ah mid hooseeya taas oo fursad u siinaysa kooxaha argagixisada ah ee abaabulan in ay sii khaldaan ugana faa’ideystaan amaba ka dhaadhiciyaan fikrado khaldan.

Jamiila oo hadalkeeda sii wadata ayaa arrinka labaad ee caqabada ku ah in ay ka qayb-galaan goobaha golayaasha go’aanada ku gaaraan, waxay tiri “fikradaha aan wanaagsanayn ee ay hormuudka ka yihiin inta badan oday dhaqameedyada oo  dhallinyarada iyo haweenka  muhiim u arkin isla markaana  aaminsan inaysan wax qiimo  ku kordhin karin golayaasha looga arrinsado nabadaynta iyo siyaasadda. Waxay aaminsan yihiin in jiilasha cusub had iyo jeer dhibaatada ay sameeyaan ay ka badan tahay wanaagga ay keenaan.”

Shaqada NGO-ga ayaa qayb muhiim ah ka qaadan karta Isku dayga in la beddelo fikradaha noocan oo kale ah. Hawlaha uu qabto waxaa ka mid ah in dhallinyarada iyo haweenka wacyi gelin loogu sameeyo baraha bulshada, qabashada aqoon-isweydaarsiyo iyo sidoo kale in iyaga qareemid ugu sameeyaan barnaamijyada  kabaxa telefishinada iyo idaacadaha. Labadii sano ee la soo dhaafay, “South West Youth Vission” waxa uu noqday urur maxali ah oo si weyn loo yaqaanno kaasoo inta badan lagu casuumo ka qaybgalka dibuheshiisinada laga fuliyo dawladdaha xubinta ka ah dawladda Faderaalka. Taas oo u oggolaanaysa dhallinyaro iyo haween badan in ay qayb ka noqdaan dadaalada lagu dhimayo colaadaha qabiilka iyo yareynta khilaafaadka siyaasadeed.

La-talinta QM

Firfircoonida iyo juhdiga Jamiila ayaa horseeday in lagu abaal mariyo inay ka mid noqoto Golaha La-talinta Dhallinyarada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la aasaasay sannadkii 2019-kii.

Xubnaha guddiga oo ka kooban tobaneeyo xubnood oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35 sano jir ayaa ka kala socda ururada dhallinyarada iyo kuwa xirfadlayaasha ah ee maxaliga, waxaya si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya si ay ula taliyaan madaxda sare ee Qaramada Midoobay ugana qayb qaataan xoojinta qorshaynta ka qaybqaadashada dhalinyarada, fulinta iyo la socodka siyaasadaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay.

 “Waxaan ahayn kooxdii ugu horreysay ee dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku biirta. Kahor inta aan la dhisin gudigaan la-talinta, dhallinyarada Soomaaliyeed ma haysan waddo sax ah oo aan codkeenna ku gaarsiinno xafiisyada madaxda Qaramada Midoobay. Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ilaa hadda aan gaarnay waxaa ka mid ah in taladeenna aan si toos ah ugu gudbin karno xafiisyada ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya halkaas oo talo iyo tusaale aan ku leenahay,” ayay tiri Jamiila.

Gabdhaan da'da yar waxaa ka go'an inay sare u qaado kaqayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada iyo haweenka ku nool dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Waxaan shaki ku jirin in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay helaan nabad ay ku noolaadaan halkii ay hub qaadan lahaayeen. Haddii Beesha Caalamka iyo DFS ay nagu kaabaan aqoon iyo taageero habboon, waxaan aaminsanahay in aan kaalin wanaagsan ka ciyaari karno geedi-socodka nabad-dhisidda halkii aan colaadaha hurin lahayn” Jamiila ayaa sidaasi tiri.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka  leh dadka ugu da’da yar adduunka waxaana ku nool in ka badan 4.6 milyan oo qof oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35 jir, hase yeeshee, dariiqooyinka ay dhallinyaradu ku heli karaan fursado waxbarasho iyo shaqo  ayaa xaddidan. Waxaa sidoo kale aad u yar ama aan jirinba fursadaha ay ugu lug yeelan karaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, horumarinta nolosha dhallinyarada iyo awood siintooda si ay kaalin firfircoon uga qaataan bulshada waxay muhiim u tahay hirgelinta Himilooyinka Horumarka Waara  iyo xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Baaqa la dagaallanka faqriga waa hadafyo calami ah. Ilaalinta meeraha, hagaajinta nolosha iyo rajada qof kasta  iyo goob kasta waxaa ansixiyay dhammaan wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay 2015-kii oo qayb ka ah Ajendaha 2030, kaas oo dhigaya qorshe 15 sano ah si loo gaaro hirgelinta Himilooyinka Horumarka Waara.

Qaramada Midoobay ayaa u dabaaldagaysa bishan sannad-guuradii 6-aad ee ajandaha dhallinyarada, nabadda, iyo amniga oo la ansasixiyey 2015-kii. Ajendahaas oo lagu dhisay Qaraarka Golha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2250, kaasoo ujeeddadiisu tahay dammaanad qaadka hagaajinta hoggaanka dhallinyarada iyo ka-qaybgalka siyaasadda iyo sidoo kale difaacidda badqabka dhallinyarada nabad-dhisayaasha ah ee ku nool goobaha colaadaha.

Laga soo bilaabo 2015-kii laba qaraar oo dheeraad ah ayaa lagu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay - qaraarada 2419 iyo 2535 - oo faraya QM iyo dawladaha hubinta ka qaybgalka dhallinyarada ee geeddi-socodka nabadaynta, ilaalinta goobaha madaniga ee dhalinyarada, iyo in iskaashi lala yeesho dhalinyarada si loo helo nabad iyo amni. Iyadoo la tixgelinaayo qaraaradaan, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku dadaalaysaa in ay horumariso xuquuqda dhallinyarada iyo hay'addaha ku hawlan nabadda iyo amniga iyada oo lala kaashanayo  da’yarta haweenka iyo ragga Soomaaliyeed.