Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2023

31 Dec 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Diseembar 2023

 

Adkeysiga | Mashruuc cusub oo ku kacaya £35 milyan oo geniga Ingiriiska ah ee uu Ururka Cuntada iyo Beeraha (FAO) leeyahay ayaa xoojin doona in si waarta loo maareeyo biyaha Soomaaliya

Iskaashi taariikhi ah, ayaa FAO iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho waxaa ay iska kaashadeen daahrogidda mashruuca Dib-u-soo-nooleynta Nidaamyada Deegaanka Webiyada ee La-qabsahada Cimilada /  the Restoring the Riverine Eco-Systems for Climate Adaptations (RESTORE), oo ah mashruuc ay ku baxayso £35 milyan oo lacagta geniga Ingiriiska ah oo wax ka qabanaya u-nuglaanshaha dhibaatooyinka cimilada ee Soomaaliya. Mashruucan, oo la dhexgeliyey Barnaamijka Keydinta Keliga Jowhar / Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP) ee isaga ka sii ballaaran, ayaa hadafkiisu yahay in bulshooyinka ku nool labada gobol ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle lagu biiriyo qalab iyo aqoon ay si taabogal ah ugu maareeyaan kheyraadka biyaha ee qaaliga ah.

Mashruuca RESTORE waxaa uu diiradda saarayaa kobcinta hababka u-adkeysiga dhibaatooyinka cimilada iyada oo loo marayo Xalal Dabiici ah / Nature-Based Solutions (NBS) iyo dhiirrigelinta in si isla-xisaabtan ku dheehan yahay oo waarta loo maamulo maareynta kheyraadka. Dib-u-soo-nooleynta kaabayaashii dhaqaalaha ee muhiimka ahaa iyo hirgelinta xalalka dabiiciga ah ee NBS, ayaa mashruucu waxaa uu uga danleeyahay in la yareeyo halista fatahaad dhacda, khafiifinta raadadka abaaraha, iyo ugu dambeyntii sii-wanaajinta haqab-beelka cuntada ee malaayiin dad ah oo u nugul dhibaatooyinka la xiriira cimilada. 

Maalgelintan oo timid waqtigii loo baahnaa, waxaa wada amaaney Wakiilka FAO Etienne Peterschmitt iyo Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Ingiriiska Damon Bristow, ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaadey dhiirrigelinta nabadda, xasiloonida, iyo isku-filnaansho waarta oo ay gaaraan degaannada ay colaaduhu saameeyeen.

Click here for more

 

Karti-dhisid | UN-Habitat ayaa hoggaamiyeyaasha dowladaha ee guud ahaan Soomaaliya u  qabatey aqoon-is-weydaarsi ku saabsan maamulka dhulka

Markii ugu horreysey ee taariikhda casriga ah ee Soomaaliyeed  waxaa 26 saraakiil dowladeed oo ka kala socdey guud ahaan Soomaaliya – Puntland, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Federaalka – ay ka soo qaybgaleen aqoon-is-weydaarsi ku saabsan maamulka dhulka ee loo dhan yahay, oo ay qabatey UN-Habitat.

Mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay tababarka ayaa ahaa in laga heshiiyey in la is-waafajiyo sida ay dowlad-goboleedyadu u maamulaan dhulka iyada oo loo marayo isuduwid iyo wadatashi ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Xubnaha Ka ah Federaalka ka yeeshaan jaangooyooyinka tayada iyo dhul loo qoondeeyo (xaq u yeeshaan) barakacayaasha ay gacan ka geysanayaan yoolka ballaaran ee xasiloonida iyo dib-u-soo-kabashada.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa bixiyey akadeemiyada the Hague Academy of Local Governance oo ay la shaqeynayaan tababarayaal ka socdey UN-Habitat Somalia, Global Land Tool Network (GLTN) iyo Kataster International.

Click here for more

 

Talinta Sharciga | UNOPS oo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ku taageertey qalab mileteri oo aan hub ahayn oo ay Maaliyaddiisu bixisey Midowga Yurub

UNOPS Somalia ayaa fududeysey taageero Midowga Yurub uu siiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyada oo kormeertey wareejinta qalab mileteri oo aan hub ahayn oo ay bixisey tas-hiilaadka the European Peace Facility oo ka dhacdey Muqdisho. Iskaashigan ayaa looga danleeyahay in lagu xoojiyo ciidamada SNA, iyada oo kor loo qaadayo awooddooda hawlgaleed ee ka-hortagga qaraxyada macmalka ah, awoodda bixinta daryeelka caafimaadka, hawlaha u-talinta iyo gacan-ku-haynta ciidanka, iyo gaadiidka dhulka. Tani ayaa ah guusha ugu mudan xirmooyin taageero oo si xiriir ah uu saddex jeer u bixiyey Midowga Yurub tan iyo sanadkii 2020kii, taas oo ay ku baxdey lacagta 65 milyan oo EURO,  oo ay ka faa’iideysteen toban guuto oo ka tirsan ciidanka SNA. Taageerada ayaa kaabeysa Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya / the EU Training Mission in Somalia (EUTM-Somalia), oo diiradda saaraya tababarka iyo la-talinta ciidanka SNA. Wareejinga qalabka, oo la halmaashey laba guuto oo ciidamada lugta ah oo la tababarey, ayaa hubineysa in si habboon loo isticmaalo oo kor-u-qaadeysana guud ahaan taabogalnimada hawlgaleed ee ciidanka SNA.

Click here for more

 

Awood-siinta haweenka | UNDP ayaa taageertey Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamaanka ka tirsan

Shirka labada maalmood socdey oo ka dhacay Muqdisho ayaa hadafkiisu ahaa in lagu abuuro madal ay isku kaashadaan haweenka ka tirsan baarlamaanka. Waxaa uu siiyey fursad ay isku weydaarsadaan waayo-aragnimooyinkooda ayna ku xoojiyaan dadaalladooda wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ee qaybta sharci-dejinta ee dowladda. Shirka oo ay ka qaybgaleen in ka badan 150 ka qaybgale, oo ay ka mid yihiin haween baarlamaanka ka tisan, hoggaamiyeyaal Ururrada Bulshada, iyo khubarro, ayaa ku saabsanaa dib-u-eegista horumarka la xaqiijiyey, soo-ogaanshaha caqabadaha jira, iyo qorista baaq sharxaya tallaabooyinka mustaqbalka la qaadayo ee la halmaala ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda, kaas oo ay ku jirto istiraaatiijiyad lagu xaqiijinayo kootada haweenka ee ah 30 boqolkiiba.

Mowduucyadii ugu muhiimsanaa ee laga munaaqashoodey waxaa ka mid ahaa dadaallada lagu xoojinayo sinnaanta jinsiga, kor-u-qaadista wacyiga ku aaddan ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda, iyo sii wanaajinta xirfadaha hoggaaminta ee haweenka baarlamaanka ka tirsan. Shirkan ayaa tilmaamaya tallaabo weyn oo loo qaadey dhinaca dhiirrigelinta sinnaanta jinsiga iyo awood-siinta haweenka ee siyaasadda Soomaalida, isaga oo wax ku biirinaya xaqiijinta maamul dowladeed oo loo dhan yahay oo ay ku dhan yihiin qaybaha bulshada.

Click here for more

 

Xuquuqul-Insaanka | Maalinta Xuquuqul-Insaanka iyo sanadguuradii 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquul-Insaanka 

Qaramada Midoobey oo bisha Disembar xuseysa Maalinta Xuquuqul-Insaanka iyo sanadkguurada 75aad ee Baaqa Caalamga ah ee Xuquuqul-Insaanka ayaa mar kale xaqiijisey taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ay Soomaaliya ka siineyso sidii ay si buuxda ugu xaqiijin lahayd hirgelinta Baaqa.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u jooga Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa hadal ay jeedisey maalintaa, ku tiri, “Mabaa’diida iyo qiyamka Baaqa Caalamiga ah waxaa ay xaaladda maanta jirta ugu habboon sidii ay ugu habboonaayeen tii jirtey markii ugu horreysey ee dokumentiga la qorey. Maalinta Xuquuqul-Insaanku waa fursad loogu dabaaldego guulaha ay Soomaaliya ka gaartey marka ay timaaddo dhiirrigelintooda iyo ilaalintooda. Soomaaliya ayaa hadda mareysa marxalad horumar oo xasaasi ah oo diiradda ay ku saareyso xaqiijinta himiladeeda ah helidda Soomaaliya la wada leeyahay oo ay ka jiraan nabad iyo xasilooni si adag ugu dhisan xuquuqul-insaanka.”

Intii lagu jirey 2023da, waxqabadyo kala duwan ayaa lagu qabtey guud ahaan dunida kuwaas oo loogu dabaal-deagayey sanad-guurada 75aad ee baaqa UDHR oo korna loogu qaadayey wacyiga ku aaddan xuquuqul-insaanka. Soomaaliya ayaa qayb ka ahayd ololaha caalamiga ah iyada oo la sameeyey wada-tashiyo, dood-wadaagyo, tartamo farshaxan iyo filim oo si gaar ah diiradda loogu saarayey mowduuca sanad-guurada 75aad ee baaqa UDHR: sharaf, xorriyad iyo caddaalad la wada helo.

Click here for more