Sana Ashraf Shariif Muxsin: Farshaxanka oo loo adeegsado dhalinta is-beddel

30 Dec 2023

Sana Ashraf Shariif Muxsin: Farshaxanka oo loo adeegsado dhalinta is-beddel

Muqdisho – Sanadihii yaraa ee la soo dhaafey, ka dib tobanaan sano oo ay jireen colaado iyo dagaallo sokeeye oo dareenka dadka ku jeediyey meelo kale, ayaa qaybta farshaxanka ee Soomaaliya ay iyada oo aan dadka u muuqan ay horumar hoostaa ka sameyneysey.

Dib-u-furistii Matxafka Qaranka iyo Tiyaatarka Qaranka ee sanadkii 2020kii ayaa ahaa tallaabooyin muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodkan. Waxaa ay gacan ka geysteen in ay Muqdisho u xuub-siibato xarun dhexe oo ay  ku soo hirtaan farshaxanka iyo fanaaninta Soomaaliyeed si ay u soo bandhigaan mowhibadooda.

Farshaxaniintii la aqoonsadey muddadan uu farshaxanku dib u soo noolaadey waxaa ka mid ah Sana Ashraf Shariif Muxsin, oo ah gabar da’ yar oo farshaxaniste ah.

Yareenteedii

Sana Ashraf oo Muqdisho ku dhalatey sanadkii 2000, ayaa goor hore oo nolosheeda ka mid ah muujisey in ay xiise gaar ah u hayso farshaxanka. 

Waxaa ay sanadkii 2007dii waxbarashadeeda ka bilowdey Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Muqdisho oo ku yaalla Degmada Shibis. Waxaana intaa ka dib ay waxbarasho jaamacadeed ka bilowdey Jaamacadda Hormuud ee ku taalla Muqdisho.

Sanadkii 2022kii, ayaa ay Sana qalinjebisey – inkasta oo ay baratey doorasheedii labaad marka loo eego waxa ay dooneysey in ay barato, taas oo ahayd in ay sameysey shahaaddada koowaad ee cilmiga injineerniyadda madaniga ah (dhismaha).

Waxa ay aad u jeclaan lahayd in ay shahaaddo jaamacadeed ku qaadato farshaxanka/fanka qurxoon (fine arts).

“Muqdisho ma lahayn dugsiyo lagu barto farshaxanka/fanka ama hal-abuurka,” ayaa ay tiri Sana. “Aad baan u jeclaa farshaxanka, waxaana aan rabey in aan si ballaaran u dhex galo. Injineeriyadda madaniga ah (dhismayaasha) ayaa ahayd xulashadeyda labaad, ugu dambeyntiina iyada ayaan iska qaatey in aan barto.”

Markii ay aragtey in aaney heli karin waxa ay jeclaan lahayd in ay barato, waxaa ay xoogga saartey waxbarashada injineeriyadda waxaana ay ka dhigatey mid ay aad u jeceshay.

“Waxa aan shaqo-ku-tabarashadeyda ku sameeyey sharikadda Buruuj Construction and Real Estate Company, oo ay leedahay sharikadda Isgaarsiinta Hormuud,” ayaa ay tiri Sana. “Waxaan ku shaqeeyey oo noqdey Injineerka goobta shaqada, anniga oo wax ka bartey aasaasiyaadka dhismaha oo aan kor u qaadey xirfadahayga dhinaca kormeerka.”

Markii ay qalin jebisey, waxaa ay rajo weyn ka lahayd in ay shaqo mushaar leh ay ka hesho waaxda injineeriyadda – inkasta ay sidoo kale ogsooneyd culeysyada la halmaala arrintaas. 

Qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si kale u arki kara in haweenku ay galaan shaqooyin loo arko in ay ragga u gaar yihiin, sida injineeriyadda, sharciga iyo caafimaadka. 

Sana ayaa tusaale u soo qaadatey waxyaabo ay la kulmi jirtey intii ay ardayadda ahayd.

“Markasta oo aan bajaaj raaco, bajaajlayaasha waxaa ay i weydiin jireen waxa aan jaamacadda ku barto,” ayaa ay tiri Sana. “Marka aan ku iraahdo injineeriyadda, qaarkood ayaa i weydiin jirey su’aalahan oo kale, ‘Wax aad u culus ma qaadi kartaa? Ma kori kartaa dhismayaal aad u dhaadheer?’”

Nasiib-darro, dadaalkeedii waxaa uu noqdey hal bacaad lagu lisey. Gabadhii ku hamineysey in ay injineer noqoto ma helin shaqo ay mushaar ku qaadato oo la xiriirta wixii ay soo baratey.

Laakiin, inkasta oo markii hore ay niyad-jabtey, haddana Sana waxaa ay u aragtey in ay tani la mid tahay sidii haddii hal albaab kaa xirmo in uu mid kale kuu furmayo.

U-wareegiddii ay u wareegtey farshaxanka

Iyada oo ilmo yar ah ayaa Sana waxaa ay xiiso u haysay wax sawiridda. Markii ay siddeed sano jirsatey ayaa abtigeed oo ahaa farshaxaniste Soomaaliyeed oo caan ah, oo magaciisu ahaa Cabdikariim Cusmaan Caddow, uu kobciyey mowhibadeeda.

“Waxaa uu i tusey sida loo sameeyo marxaladaha kala duwan ee sawir-gacmeedka. Isaga oo i hagaya ayaan waxaan bartey xirfadaha loogu baahan yahay wax kasta oo la xiriira sawiridda min sawirridda wejiyada dadka ilaa sawirridda libaaxa,” ayaa ay tiri.

Abtigeed ay aadka u jecleyd oo macallinkeedana ahaa, oo door muhiim ah ka qaatey horumarkeeda dhinaca farshaxanka, waxaa uu dhintey sanadkii 2013kii. Laakiin aqoontii ay ka baratey iyo dhiirrigelintiisii ayaa la sii joogtey.

Mowhibada farshaxannimada ee Sana ayaa sii kobcaysay oo soo-jiidateyna dareenka dadka. Macallimiinteedii dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ayaa aqoonsadey mowhibadeeda oo sidoo kalena dhiirrigeliyey in farshaxannimadeeda ay korto.

“Waxaan ku feegaari jirey buugaagteyda qoraalka ee dugsiga. Macallin wax ii dhigi jirey fasallada koowaad iyo labaad ayaa arkey mowhibadeyda waxaana uu igu dhiirrigeliyey in aan ardayda kale aan wax ugu sawiro sabuuradda. Waxaan u sawiri jirey dhammaan noocyada kala duwan ee xawayaanaadka iyo alaabada la isticmaalo sida koobabka saxamada,” ayaa ay tiri.

Farshaxanka oo loo adeegsado agab wax looga beddelo bulshada

Iyada oo hadda diiradda saartey farshaxankeeda ayaa Sana waxaa sidoo kale u muuqdey awoodda uu farshaxanku u leeyahay in bulshada wax looga beddelo. 

“Waxaan farshaxanka u adeegsadaa in aan ku muujiyo arrimaha bulshada sida sinnaanta jinsiga ama in aan dadka ku dhaliyo in ay tallaabo qaadaan ama ay dhinac kale ay wax ka arkaan, sida sawirka aan ka sameeyey haweeney bajaajle ah,” ayaa ay tiri.

Farshaxanka Sana ayaa soo jiitey warbaahinta caadiga ah iyo sidoo kale warbaahinta bulshada.

Laakiin ma fududa in aad farshaxaniste ku noqoto Soomaaliya iyada oo kheyraadka ay haysato qaybta farshaxanka iyo dhaqanka uu yar yahay, gaar ahaanna uma fududa farshaxaniinta dheddigga ah.

“Culeysyada waxaa ay isugu jiraan min kuwo maaliyadeed maaddaama agabka loo adeegsado sawirrada gacanta ay qaali yihiin ilaa caqabado kaaga imaanaya bulshada, iyada oo agabka nagu hareereysan ee maalin kasta la isticmaalo ay culimada qaar u arkaan in ay yihiin mowduucyo aaney habbooneyn sawirriddooda,” ayaa ay tiri Sana.

Jiritaan la’aanta ururo iyo kooxo daneeya farshaxanka ayaa sidoo kale farshaxanistayaasha Soomaalida ka hor istaaga in ay cod mideysan ku hadlaan.

“Farshaxanistayaasha xirfaddoodu ay farshaxanka tahay ayaa qaba culeyso aaney qabin kuwa kale, sida in aaney jirin ururro taageera oo u qareemeeya xuquuqdooda. Jiritaan la’aanta ururrada noocaas ah ayaa farshanistayaasha ka dhigta kuwo nugul, oo aan haysan hay’ad ka wada dhexeysa oo ilaalisa danahooda,” ayaa ay tiri Sana.

Waxaa ay taageero ka codsatey dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah.

“Xirfadda farshaxannimadu ma hesho aqoonsiga ay dhab ahaan mudan tahay,” ayaa ay tiri Sana.

“Farshaxanistayaashu waxaa ay Soomaaliya ku dhex leeyihiin fursad ay ku kobcaan,” ayaa ay sii raacisey. “Dowladaha iyo bah-wadaagtu waa in ay shakhsiyaadka mowhibada leh siiyaan fursado sida deeqo waxbarasho iyo fursado ay ku soo bandhigaan farshaxankooda.”

Warbaahinta dijitaalka ah iyo farshaxanka

Sana ayaa awooddey in ay kaalin aaney cid kale ku soo haweysan ku dhex lahaato qaybta farshaxanka.  

 Iyada iyo farshaxankeeda ayaa ay maqaallo ku soo qaateen warbaahinta caadiga ah. Wareysiyo ay la yeesheen Sana ayaa ay soo daayeen BBC-da,  VOA-da, iyo Associated Press (AP), China Global Television Network (CGTN), Al-Carabiya, iyo sidoo kale warbaahinta gudaha, sida Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Shabeelle, Astaan Media iyo Radio Himilo.

Laakiin warbaahinta bulshada ayaa ahayd tan ay Sana si gaar ah ugu soo shaac-baxdey.

Waxaa ay si firfircoon ugu jirtaa X (horey loo oran jirey Twitter), Facebook, iyo Instagram, waxaana ay leedahay dad badan oo ku taxan kannaaladeeda, kuwaas oo marka la isku daro isku noqonaya kumanaan qof oo taabacsan.

“Dad badan ayaa farshaxankeyga ka dhex iibsada warbaahinta bulshada. Marka ay Facebook toos ah ama instagram Reels iga daawadaan anniga oo wax sawiraya, farriin ayaa ay ii soo diraan, taas oo ay ku muujinaya in ay daneynayaan sawirkaas aan sameyayo ama iga codsanaya in aan kuwo cusub oo iyaga u gaar ah u sameeyo. Suuq gelin wanaagsan ayaa ay ii tahay,” ayaa ay tiri. “Warbaahinta bulshaduna waa mid caalami ah, sidaa daraaddeed waxaan ka helaa in Soomaalida kala joogta daafaha dunida ay farshaxankeyga halkaa ka iibsato,” ayaa ay tiri.

Dhiirrigelinta farshaxaniinta dheddigga ah

Soomaaliya, oo ay ku yar yihiin farshaxaniin dheddig ah oo si bulshadu u wada jeeddo hawsha ugu dhex jira, ayaa farshaxanistahan guuleysatey ay aaminsan tahay in ay muhiim tahay in la aqoonsado laguna soo dhoweeyo saaxada farashaxanka. 

Sana ayaa dhiirrigelisey farshanniinta kale ee dheddigga ah, “Haddii aad jeceshahay farshaxanka, aad ugu dadaal oo maskaxdaada wada sii oo toos u wajah culeysyada kaaga yimaada. Farshaxanku kuuma saamaxayo keliya in aad soo bandhigto fikirka kugu jira ee laakiin wxaa uu sidoo kale ku siinayaa fursad aad dakhli kaga soo saarto.” 

Waxaa ay farshaxaniinta dheddigga ah kula talineysaa in ay raadsadaan fursadaha ku dhex jira internet-ka – iyaga oo soo dhoweysanaya warbaahinta bulshada oo si wanaagsanna u baranaya agabka casriga ah ee loo adeegsado sawirrada gacanta. 

“Adeegsashada warbaahinta dijitalka ah waxaa aad muujin kartaa mowhibadaada. Waa agab awood badan,” ayaa ay sheegtey.

Kor-u-qaadista xuquuqda iyada oo loo marayo farshaxanka

Qaramada Midoobey waxaa ay aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee farshaxanka iyo dhaqanka ay ku leeyihiin dhiirrigelinta nabadda, midnimada bulshada iyo horumarka Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa sheegtey in farshaxanku uu kobciyo hal-abuurka, wax-soo-kordhinta iyo kala-duwanaanta dhaqanka ee dhammaan dadka dunida oo uuna door muhiim ah ku leeyahay aqoonta iyo dhiirrigelinta ogaal-doonka iyo wada-hadalka. Sidan si la mid ah, ayaa sii horumarinta farshaxanku waxaa ay sidoo kale gacan ka geysaneysaa siyaabaha aan ku xaqiijin karno helidda duni xor ah oo nabadi ka jirto.

Bishii Nofembar ee sanadkan, ayaa QM waxa ay gacan siisey farshaxaniinta ku nool Soomaaliya iyada oo qabanqaabisey tartan-farshaxaneedkii ugu horreeyey ee xuquuqaha aadanaha ee dalka ka dhaca, iyada oo ay iskaashanayaan Matxafka Qaranka ee Soomaaliya.

Tartanka ayaa isku dayey in uu kor u qaado wacyiga ku aaddan xuquuqaha aadanaha iyo in uu xoojiyo wada-hadalka iyo doodaha ku saabsan arrimaha muhiimka u ah Soomaalida. QM ayaa sidoo kale ka-qaybgalayaashii laga soo dhex xuley tartamayaasha ku tababartey aragtiyaha iyo mowduucyada ugu muhiimsan ee xuquuqaha aadanaha, taas oo qaybka ahayd waxqabadyo lagu xusayey sanad-guuradii 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.