Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2023

28 Feb 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2023

 

Waxbarashada | UNICEF oo waxbarasho u hirgelisey carruurta barakacayaasha

Abaarta dabadheeraatay ee ka jirta Soomaaliya ayaa sababtey dhibaato weyn oo dhanka helitaanka waxbarashada ah. Isu-tagga Ururada waxbarashada ayaa ku qiyaasay in 3.85 milyan oo caruur iyo shaqaale dugsi ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadannimo oo dhanka waxbarashada ah, iyadoo 1.7 milyan oo dadkaasi ka mid ah ay soo barakaceen.

Iyada oo qayb ka ah Barnaamijka Gurmadka Abaaraha, Hay’adda UNICEF iyo Hay’adaha bahwadaaga la ah ayaa 16,732 carruur barakacayaal ah u suuragelinaya in ay wax ku bartaan dugsiyo iyo goobo waxbarasho oo kumeelgaar ah oo ku yaalla 12 degmo oo ay abaaruhu saameeyeen.

Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa baridda manhajka heerka koowaad ee Waxbarashada Deg-dega ah iyo ka hirgelinta waxbarashada xerooyinka barakacayaasha ee ay carruurta ku sugan waxaana ka mid ah taageero degdeg ah, goobo waxbarasho kumeelgaar ah oo leh biyo, nadaafad iyo musqulo loo tala galey lab iyo dhedig, biyaha la cabbo, agabka waxbarashada, iyo sidoo kale tababaridda iyo taageerada macalimiinta.

Click here for more

 

Isbedelka Cimilada | Hay’adda UNDP oo daahfurtey barnaamij tamarta qoraxda si loo kordhiyo helitaanka korontada

Hay’adda UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furey Barnaamijka Keydinta Tamarta Afrika (AMP) qaybtiisa Soomaaliya"Hay’adda UNDP iyo Dowladda si loo kordhiyo helitaanka korontada, bulshada reer miyiga ah loo abuuro fursado horumarineed oo hor leh iyo ka qayb qaadashada sidii dalka loo hagi lahaa dhabaha horumar waara.

Barnaamijka Keydinta Tamarta Afrika (AMP) ee ay maal-geliso Hay’adda Deegaanka Adduunka (GEF), waa mashruuc looga dan leeyahay horumarinta tamarta gobolka oo ay hormuud ka tahay hay’adda UNDP oo bahwadaag la ah Machadka Rocky Mountain (RMI) iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Barnaamijkan ayaa ka hirgaley 21 wadan oo ka tirsan wadamada Saxaraha Afrika ka hooseeya si kor loogu qaado maalgashiga hanaqaadey ee la xiriira keydinta tamarta cadceedda si kor loogu qaado helitaanka koronto joogto ah oo la awoodo iyadoo sidoo kale gacan laga geysanaayo Kahortagga Isbedelka Cimilada.

Mashruucan Qaybtiisa Soomaaliya waxaa fulindoona Hay’adda UNDP oo bahwadaag la ah Wasaaradda Bay’ada iyo Isbedelka Cimilada, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dalka.

Click here for more

 

Kaabayaasha | Hay’adda UNOPS ayaa xaflad xarigga looga jarayey u qabatay xarunta Dembi Baarista Soomaaliya

UNOPS ayaa qabatay munaasabad lagu dhagax dhigayey Xarunta cusub ee Qaybta Dembi Baarista Booliiska DF Soomaaliya taasoo ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga rasmiga ah ayaa magaalada Muqdisho ka dhacday 5-tii Febraayo 2023-ka, taasoo muujinaysa bilowga dhismaha xarunta cusub oo Waaxda Dembi Baarista (CID) ee Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Booliska Jen. Sulub Axmed Firin, Wakiilka Midowga Yurub, Veronique Geoffroy iyo Madaxa UNOPS ee Soomaaliya Sayid Maxammad.
CID-da, oo ah qayb muhiim ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, ayaa ka howlgasha guud ahaan dalka, waxayna u xilsaaran tahay maaraynta baarista, faraha, diiwaanka dembiyada, arrimaha socdaalka, iyo adeegyada baasaboorka.

Click here for more

 

Bini'aadminnimo | OCHA waxay fududaynaysaa daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Bani'aadminnimada ee Soomaaliya ee 2023

OCHA waxa ay fududaysay bilaabista Qorshaha Waxqabadka Bani’aadminnimo ee Soomaaliya 2023 (HRP) 8-dii Febraayo 2023-ka si ay u caawiso malaayiin Soomaali ah oo si deg deg ah ugu baahan kaalmo bini’aadminnimo.

Munaasabadda waxaa si wadajir ah u daah-furay Isku-Duwaha Arrimaha Bani’aadminnimada ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Deeq-bixiyeyaasha iyo Saaxiibada.

2023 HRP waxay doonaysaa US$2.6 bilyan oo Doollar si loo caawiyo 7.6 milyan oo qof; oo ah in ka badan 90 boqolkiiba ka mid ah 8.25 milyan oo u baahan gargaar naf badbaadin ah. Tirada dadka baahan waa saadaasha dhextaalka ah ee qaybaha kala duwan ee ku salaysan 2022 qiimaynta guga kaddib waxaana laga yaabaa inay isbedelaan qiimaynaha mustaqbalku.

Click here for more

 

Horumarin | UNIDO oo taageerta Madasha labaad ee ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya

UNIDO ayaa qorshaynaysa inay taageerto qabashada shirka labaad ee ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya, kaasoo uu ku dhawaaqay Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Shirkaan ayaa ka dhici doona magaalada Rome bisha Maajo ee sanadkan, waxaana looga gol leeyahay in sare loogu qaado dalka Soomaaliya loo diyaariyo inay noqoto goob soo jiidan karta ganacsi shirkadaha caalamiga ah.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxwaynaha Soomaaliya uu booqasho ku tegey dalka Talyaaniga, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi. Kulanka ayaa sidoo kale lagusoo qaaday heerka uu marayo xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya iyo sidoo kale horumarka ay samaysay UNIDO marka ay timaado taageerada gudaha dalka, taasoo ay ka mid yihiin dhiirigelinta maalgashiga iyo bandhigyada ama carwooyinka ganacsiga, waxaana maalgelinaya Talyaaniga.

Click here for more

 

Joojinta Gudniinka Gabdhaha | UNFPA Waxay kala shaqaysaa saamilayda joojinta Gudniinka Gabdhaha

6-dii Febraayo, Maalinta Caalamiga ah ee dulqaad la'aanta gudniinka gabdhaha, UNFPA waxay ka qaybgashay shirka koox howleedka wadda ololaha ''Gabadha Qaaliga ah'' kuwaasoo oo ujeeddadeedu tahay in ay gacan ka gaysato joojinta gudniinka Gabdhaha.

Kulanka koox howleedka oo ay soo agaasimeen Ifrah Foundation, iyo Safaaradda Ireland, ayaa waxay isu keentaa saaxiibbo khibrad leh oo ay ka go'an tahay inay taageeraan kor u qaadidda Ololaha mashruuca ''Gabadha Qaaliga ah'' ee lagu joojinayo Gudniinka Gabdhaha ah ee Soomaaliya.

Xubneheedu waxay ka wada shaqeeyaan si ay u qorsheeyaan ficillada ku habboon islamarkaana ay u aqoonsadaan agabka lagama maarmaanka u ah si loo gaaro himilada ah in la joojiyo Gudniinka Gabdhaha ee Soomaaliya, iyadoo ay sii dheer tahay bixinta madal ay ku wadaagaan khibradda, aqoonta iyo iskaashiga arrimaha gaarka ah ee ku xiran hab-dhaqanka, sida sharciga ka hortagga Gudniinkan iyo dhisidda wacyiga bulshada iyo wacyigelintaba.

Click here for more

 

Tahriibka | Hay’adda IOM ayaa bilowday codsi lagu taageerayo 1 milyan oo muhaajiriin nugul ah

IOM iyo saaxiibbadeeda ayaa codsadana $84 milyan oo Doollarka Maraykanka ah si loo bixiyo gargaar bini'aadminnimo oo naf badbaadin ah, waxqabadyo dhowraarin ah iyo taageero horumarineed, oo la siinayo 1 milyan oo muhaajiriin ah iyo bulshooyinka martigeliya ee ku nool dhabbaha Geeska Afrika ka yimaadda ee taga Yemen ilaa Khaliijka, ee loo yaqaan 'Jidka Bari'.

Sannad kasta, in ka badan 250,000 oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan rag dhallinyaro ah, dumar, iyo carruur ayaa ka dalaaba dalalkooda Geeska Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, iyagoo u socda waddamada Khaliijka si ay u helaan fursado nololeed oo ka wanaagsan.

Isbeddelladii dhowaa waxay muujinayaan kororka dhaqdhaqaaqa haweenka da'da yar iyo carruurta kuwaas oo halis sare ugu jira inay la kulmaan xadgudubyo ku salaysan jinsiga, tahriibinta insaanka iyo cunfi inta ay jidka ku jiraan.

Saamaynta xun ee isbeddelka cimilada, iskahorimaadyada iyo guud ahaan, xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee liita ayaa ah sababaha ugu muhiimsan ee tahriibka.

Sida ay sheegtay IOM, isbeddelladii ugu dambeeyay ayaa muujinaya koror ku yimid dhaqdhaqaaqa haweenka da'da yar iyo carruurta halista ugu jira rabshadaha ku salaysan jinsiga, tahriibinta dadka inta ay jidka ku jiraan. Saamaynta ba’an ee isbedelka cimilada, iskahorimaadyada iyo guud ahaan, xaaladaha liita ee dhaqan-dhaqaale ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee keenaya tahriibka.

Baaqa IOM ayaa ku qotoma doorkeeda guud ee ah iskuduwaha Qorshaha Jawaabta Qorshaha Hay'adaha Kala duwan ee Geeska Afrika iyo Yemen. Baaqu waa dadaal wadajir ah oo lala leeyahay dowladaha Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Yemen, iyo 48 jaal oo ka kooban hay'adaha QM iyo hay'adaha aan dowliga ahayn.

Click here for more

 

Horumarin | UNSOM oo taageertay daah-furka qorshaha qaran ee haweenka qaybta badda Soomaaliya

UNSOM waxay taageertay daah-furka Qorshe Howleedka cusub oo heerka Qaran kaasoo kor loogu qaadayo laguna xoojinayo haweenka Soomaaliyeed qaybta badda.

"Qorshe Howleedka Qaranka ee Haweenka ka shaqeeya qaybta badda (WiMS) waxa uu gacan ka gaysan doonaa sidii loo hubin lahaa in haweenka ka howlgala qaybta badda la siiyo muuqasho iyo fursado aanay kaliya noqon ka qaybqaatayaal, balse sidoo kale laga faa'iidaysan karo," Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa hadalkaa ka jeedisey munaasabaddii daah-furka ee Muqdisho.

Qaybta badda Soomaaliya waxaa si wayn loogu tixgaliyaa inay dalka siineyso fursado dhaqaale oo baaxad leh gaar ahaan dhanka ‘Dhaqaalaha Buluugga ah’.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta gabaabsi aad u daran oo ka jira dhanka xirfadaha badda, taasoo ay ugu wacan tahay la'aanta karti waxbarasho iyo mid hay'adeed, iyo sinnaan la'aan wayn oo dhanka  jinsiga ah.

Click here for more

 

Gurmadka Abaarta | Hay’adda UN-Habitat ayaa kaalmo lacag cadaan ah iyo biyo siisay dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Baydhabo

Iyadoo laga jawaabayo abaarta jirta, waxaa biyo dhaamin ku meel gaar ah la gaarsiiyay 410 qoys oo ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ku noolaa deegaanka ADC-da ee Baydhabo muddo labo bilood ah, taasoo ku ekeyd bishii Febraayo ee sanadkan.

Inta lagu jiro wakhtigan, ka-faa'iideystayaashu waxay awoodeen inay dhaansadaan 10 litir oo biyo ah maalintii/qofkii si ay u cabbaan iyo isticmaalka guriga iyagoo isticmaalaya nidaamka foojarka. Tan waxaa barbar socday, hay’adda UN-Habitat waxay sidoo kale gargaar lacag caddaan ah oo shuruud la'aan ah siisay 200 oo qoys isla muddadaas.

Tan waxaa loo qorsheeyay in lagu yareeyo saameynta kororka dhowaan soo gaaray dadka gudaha ku barokacay (IDP) ee imanaya Baydhabo, taasoo sababtay biyo la'aan hor leh oo ka jirta deegaannada  barakacayaasha. Hay’adda UN-Habitat waxa ay sidoo kale samaysay iskaashi dheeraad si loo helo laba biyo-keydiyaal kale si kor loogu qaado helitaanka biyaha loona kordhiyo tirada ka faa'iidaystayaasha la siinayo biyaha.

Click here for more

 

Waxbarashada | Hay'adda FAO iyo Midowga Yurub oo deeq waxbarasho oo cilmiga xoolaha ah u daahfuray dhallinyarada ku sugan Soomaaliya

In ka badan 100 rag iyo dumar dhallinyaro ah ayaa helay deeqo waxbarasho oo ay ku baranayaan barnaamijyada xoolaha si loo xoojiyo awoodda farsamo ee  qaybtan wax soo saarka muhiimka ah ee Soomaaliya.

Barnaamijkan oo ay taageerayaan hay’adda FAO iyo Midowga Yurub (EU), iyadoo loo marayo mashruuca 'Kalluumeysiga adkeysiga leh iyo Silsilada Qiimaha Xoolaha nool ee kobaca waara, loona dhan yahay ee Soomaaliya' (RAAISE) ayaa dhallinyarada u sahlaya inay wax ka bartaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho muddo saddex sano ah, iyadoo la dabarayo kharashaadka waxbarashada iyo barnaamijyada qalin-jabinta. Kooxda ugu dambeysa ee ardaydu waxay qalin jabin doonaan Janaayo 2025 iyagoo haysta shahaadooyinka koowaad ee Sayniska Caafimaadka Xoolaha iyo Sayaniska  Xannaanada Xoolaha.

Barnaamijka deeqda waxbarasho ee cusub waxa uu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay  waxbarashada heer jaamacadeed leedahay si  loo dhiso awoodda maaraynta joogtada ah ee xoolaha, waxa uuna aqoonsanayaa waaxdu inay tahay tub muhiim u ah horumarka Soomaaliya, oo u baahan ballanqaad wadajir ah iyo saldhig xirfadeed oo xooggan oo wax ka qaban  kara caqabadaha mustaqbalka.

Click here for more