Soomaaliya: Mas’uulka Qaramada Midoobey oo hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in la horumariyo ka qaybgalka haweenka ee adeegyada dowladda

23 Feb 2023

Soomaaliya: Mas’uulka Qaramada Midoobey oo hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in la horumariyo ka qaybgalka haweenka ee adeegyada dowladda

New York – Inkasta oo ay jiraan caqabado badan, haddana Soomaaliya waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka horumarinta arrimaha muhimka ah ee qaranka, laakiin kor u qaadista ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka ayaa weli ah mid muhim ah, sida ay Arbacadii ka sheegtay Golaha Ammaanka Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Marwo Gbeho ayaa sheegtay inay soo dhowaysey sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka inay meelmariso ajendaha haweenka, nabadda, iyo amniga, sida lagu muujiyey daah-furka qorshe-hawleedka cusub ee heer qaran ah kaasoo ku saabsan qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 1325.

Dokumenti taariikhi ah, oo la hirgeliyey in ka badan 20 sano kahor, ayaa wuxuu dib u xaqiijinayaa doorka haweenka ee nabad-dhisidda iyo kahortagga colaadaha iyo xallinta.

Tillaabo ku saabsan sinnaanta

Iyadoo ku sifaynaysa qorshe howleedka mid “waqti kusoo beegay” ayay sheegtay inuu bixinayo qaab wax looga qabanayo caqabadaha haysta haweenka Soomaaliyeed balse waxa ay carrabka ku dhufatay in loo baahan yahay waxqabad dheeraad ah si loo helo matalaad ay u siman yihiin dhammaan dhinacyada nolosha dadwaynuhu.

"Si taas loo gaaro, horumarinta ka qaybgalka siyaasadda haweenka ayaa sidoo kale weli ah mid muhim ah," ayay tiri.

Tan waxaa ka mid ah in la hubiyo in ballanqaadka hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka aysan ahayn oo keliya mid lagu sheegay qaab-dhismeedka sharciga iyo doorashooyinka la gudboon, balse sidoo kale ay ilaaliyaan dhammaan qaybaha kala geddisan.

Marwo Gbeho ayaa hoosta ka xarriiqday taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobey ay siiso wakiillada haweenka cusub ee la doortay. "Mustaqbalka, waa inaan diiradda saarno horumarinta ka qaybgalka haweenka iyo sinnaanta," ayay tiri, iyadoo ugu baaqday saamilayda dhammaan inay laba-laabaan dadaalkooda.

Khatarta al-Shabaab ee weli jirta

Dhanka kale, kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa weli khatar wayn ku ah nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa  60 boqolkiiba kordhay khasaaraha rayidka marka loo eego 2021, taasoo ka dhigaysa sanadkii ugu dhimashada badnaa dhanka dadka rayidka ah tan iyo 2017, ayay sheegtay.

Marwo Gbeho ayaa sheegtay in Dowladda Federaalku ay bilihii la soo dhaafay horumar samaysay iyadoo bartilmaansanaysa millateriga iyo dhaqaalaha kooxda, iyo sidoo kale "dhismohooda fikradeed".

Ciidamada Ammaank Soomaaliya oo ay xoojinayeen malleeshiyaad degaanka ah, ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen laba gobol, waxaana la filayaa inay si tartiib tartiib ah ugu dhaqaaqaan degaanno kale.

"Xoojinta guulaha laga gaarey goobaha cusub ee dib loo qabtay waxay u baahan doontaa xiriir adag oo ka dhexeeya howlgallada millateri iyo hindisayaasha xasilinta, oo ka kooban qaybaha dib-u-heshiisiinta iyo caddaaladda oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo maamul-wanaagga iyo bixinta adeegga," ayay tiri.

Cabsida macluusha

Iyadoo ka hadlaysa abaarta taariikhiga ah ee Geeska Afrika, sarkaalka Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 8.3 milyan oo Soomaali ah - ku dhowaad kala bar dadka - ay u baahan yihiin gargaar iyo ilaalin.

"Iyadoo macluusha laga hortagey hadda, misna macluusha ayaa weli khatar ah haddii roobabka bilaha Abriil iyo Juun ay hoos u dhacaan sida saadaashu ay sheegayso islamarkaana aan gargaarka bini'aadminnimo aan la joogtayn," ayay ka digtey.

Qolyaha Bini'aadminnimada ayaa raadinaya $2.6 bilyan oo Doollar si ay u daboolaan baahiyaha mudnaanta leh ee 7.6 milyan oo qof, ayay tiri, iyadoo ku boorrisey deeq-bixiyeyaasha inay xoojiyaan taageeradooda.

Haweenka, nabad iyo ammaan

Agaasimaha Fulinta Haweenka Qaramada Midoobey, Sima Bahous, oo iyaduna warbixin siisay golaha ayaa sheegtay in abaarta jirta ay sii kordhinayso tacadiyada ka dhanka ah jinsiga.

Waxay xusuusisay in danjirayaashu ay sare u qaadeen muhiimada qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka iyo sharci cusub oo ku saabsan xadgudubka galmada.

Marwo Bahous waxay sheegtay in ka qaybgalka haweenka ee siyaasaddu ay shuruud u tahay bulsho loo dhan yahay, helista xal waara, iyo gaarista horumar jiri kara.

"Haddana, qoondada Soomaaliya lama buuxin, matalaadda haweenka ayaa hoos u dhacday, xadgudubyada galmada ayaa kordhay, iyo sharciga dembiyada Galmada ee ay Golaha Wasiirradu ay si wadajir ah u ansixiyeen shan sano kahor weli baarlamaanku ma ansixin," ayay tiri.

Intaa waxaa dheer, waxaa jirey "sare u kac naxdin leh" dhanka heerarka xadgudubka galmada ilaa 2020-kii, kaas oo laban-laabmay sannadkii hore.

"Waxaana sii socota inay kor u kacaan, maadaama abaartii ugu xumayd muddo tobannaan sano ihi ay saamayn xun ku yeelanayso dhammaan dadka Soomaaliyeed, haweenka iyo gabdhahana si aan loo qiyaasi karin ayay u saamaysay," ayay raacisay.

Marwo Bahous ayaa carrabka ku adkaysay in ka qaybgal micne leh oo ay haweenku helaan ay dhaafsiisan tahay doorashooyinka, ''waa marka haweenku galaan meel kasta oo ka mid ah nolosha dadwaynaha, marka la heli karo fursad nabadeed si taa loo hubiyana waxaan taageeraynaa dhismaha bulsho berri u gigsan karta musiibooyinka.''

Xigasho: UN News

Halkan ka akhri hadaljeedinta Marwo Gbeho oo dhameystiran.