Howlaha waxqabad ee Hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2022

1 Feb 2022

Howlaha waxqabad ee Hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Janaayo 2022

 

Horumarinta Ganacsiga | UNIDO waxay ku taageertaa ganacsiyada Soomaaliyeed ku wada shaqaynta madasha ganacsiga

Hay’adda UNIDO Somalia ayaa ganacsiyada Soomaaliyeed u qabatay madal suuq-geyn qadka intarneetka ah, kaasoo  in ka badan 20 shirkadood oo Soomaaliyeed oo ka kala shaqeeya qaybaha kala duwan sida Beeraha, Wax soo saarka Beeraha, Kaluumeysiga, Digaagga, Xoolaha nool, iyo Caanaha si ay ula macaamilaan shirkadaha shisheeye, kuwaas oo xiisaynaya sahminta fursadaha cusub ee ganacsiga, iyo maalgashiga suuqyada Soomaaliya.

Madashan fogaan araga ahayd waxaa suura-geliyey kooxda UNIDO ee Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Tignoolajiyadda ee UNIDO ee Roma.

20-kan ganacsi yaryar iyo dhexdhexaad isugu jira waxaa soo xuley taageerana u fidiyey shabakadda Ururrada Horumarinta Ganacsiga oo ay martigeliyeen dhowr ka mid ah Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee ku kala yaala gobolada dalka.

Dhanka suuqayada ganacsiga, shirkadaha Soomaalidu waxay fursad u heleen inay abaabulaan iskaashi ganacsi oo macquul ah, ayna abuuraan fursado si loo soo bandhigo loona sahamiyo tiknoolajiyada cusub ee Soomaaliya.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Baaritaanka dembiyada | UNODC oo sii wadda kobcinta awoodda baarista dembiyada

Hay’adda UNODC ayaa bixisey barnaamijkii lixaad ee tababarka ciidamada booliska Soomaaliyeed, iyadoo tababarkii ugu dambeeyey uu ka dhacay Jubbaland, ayna ka qeyb galey 10 ka-qeyb-galeyaal ah.

Tababarka ayaa qeyb ka ahaa qorshaha Tubta Horumarinta Baaraha ee UNODC, kaasoo ujeedadiisu tahay in kor loogu qaado awoodda dambi baarista ee baarayaasha iyo saraakiisha ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maalgelinta waxaa bixiyay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Uqaabilsan Maandooriyaha Caalamiga ah iyo Arrimaha Dhaqangelinta Sharciga, waxaana qorshaha tababarka soo dejisay Hay’ada UNODC iyada oo hirgelintiisuna aheyd qayb ka mid ah barnaamijkeeda baarista dembiyada, oo sidoo kale loo yaqaan CIP.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Kaalmada Gurmad Deg Deg ah | FAO waxay bulshooyinka ka caawisaa Waxbeerasho la jaan qaadi karta cimilado kala duwan

Qoysas ku dhaqan Degmada Boorama ee Somaliland ayaa waxaa si xun u saameeyay Ayax iyo abaaro soo noqnoqday.

Qaar badan ayaa bilaabay in ay u hayaamaan meelaha ay dadweynuhu ku badan yihiin si ay gargaar u raadsadaan kaddib markii dalagyadii iyo hab-nololeedkoodii ay engegeen ama ay cuneen cayayaan.

Iyada oo ay maalgelinayso Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), FAO waxa ay beeralayda reer miyiga ku taageertay lacago caddaan ah, hab-dhaqannada beeraha ee  cimilada ku wanaagsan iyo abuur u adkeysan og abaaraha.

Kaalmada kaliya kama caawin wax ka qabbashada cunto yarida ba'an ee waxay sidoo kale yaraysay barakac hor leh oo ka jira dadka deegaanka waxayna si fiican hoos uga dhigtey caqabadaha ku aadan mustaqbalka hubanti la’aanta ah ee ay wajahayaan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Doorashooyinka | Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamku waxay boorrinayaan dhamaystirka doorashooyin lagu kalsoonaan karo

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku biirtay saaxiibbada kale ee dalka ee caalamiga ah iyagoo ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay wax walba ka hormariyaan danta qaranka, muhiimaddana la siiyo gebagebada geeddi-socodka doorasho oo ay shacabka Soomaaliyeed si wayn u aqbalsan yihiin, lagana fogaado daandaansi ka leexin kara hannaankaas, ama kordhin kara khatar iska horimaad ama xitaa rabshad.

War-murtiyeedka wadajirka ah ee ka soo baxay bahwadaagta ayaa daba socdey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo, kaasoo xubnaha goluhu ay ku gaareen is-afgarad ku aaddan cusboonaysiinta hab-raaca iyo dardar gelinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

"Waxaan ku faraxsan nahay in Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah ay gaareen go'aamo ku saleysan wadatashiyo ay la sameeyeen bulshada rayidka ah, wakiillada haweenka iyo mucaaradka," ayay yiraahdeen saaxiibbada caalamiga ihi. "Waxaa la joogaa waqtigii dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo hirgeliyo go'aannada lagu heshiiyey si hab doorasho oo lagu kalsoonaan karo loo soo gabagabeeyo 25-ka Febraayo."

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Gurmadka Abaaraha | IOM waxay biyo siisaa bulshooyinka abaarta darani soo food saartay

IOM waxay si dhow ula shaqeysay dowladda, hay'adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada maxalliga ah si ay wax uga qabtaan baahiyaha ba'an ee biyaha ee barakacayaasha gudaha (IDPs), qaxootiga, iyo kooxaha nugul ee wajahaya xaalado abaaro oo u daran.

Kaalmadan waxaa ka mid ah hawlaha biyo-dhaaminta, qaybinta agabka isku xiran nadaafadda ama faya-dhowrka, iyo dhismaha ceelasha ee 103 goobood oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah. Howsha socota ayaa la filayaa inay gaarto 255,000 oo qof dhammaadka Maarso.

Dedaalladan ayay ujeedadoodu tahay in laga hortago masiibo bini'aadminnimo taasoo uga sii dari lahayd baahiyaha asaasiga ah ee jira ee ay horseedaan iskahorimaadyada socda iyo saamaynta isbeddelka cimilada ee dheeraadka ah.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Jawaab Bani'aadannimo | UNICEF waxa ay adeegyada biyaha iyo nadaafadda siisaa bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha

Abaarta jirta waxay saamaysay qiyaastii 3.2 milyan oo qof, waxa ayna barakicisay 245,000.

Tan iyo bishii Noofembar, qiimaha biyaha ee qaar ka mid ah gobollada ay abaartu sida xun u saameysay ayaa kor u kacay ilaa 72 boqolkiiba, cunno yarida ayaa la saadaalinayaa in ay ka sii dari doonto.

Iyadoo xaaladahaas laga jawaabayo, UNICEF waxay sare u qaadaysaa wax ka qabashada biyaha iyo nadaafadda, bishii Disembar 2021 kina waxa ay gaartay qiyaastii 173,000 oo qof oo helay adeegyo biyo degdeg ah iyo bixinta biyo joogto ah oo ay heleen 8,000 oo qof. Intaas waxa dheer, 18,000 oo qof ayaa la gaarsiiyay hawlo kor loogu qaadayo nadaafadda, waxaana la la siiyay agabyadda nadaafadda.

Guud ahaan, UNICEF waxay biyo degdeg ah siisay nus milyan qof tan iyo bishii June ee sannadkii hore iyo biyo joogto ah oo la gaarsiiyay dad lagu qiyaasay 200,000. Intaas waxaa dheer, qiyaastii 175,000 qof ayaa la siiyay agabka nadaafadda waxaana la gaaray hawlaha kor u qaadista nadaafadda.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Maamulka Dowladaha Hoose | UNDP waxay bixisaa tababbarro hoggaamineed oo ku saabsan maamulka maxalliga ah

Hay’adda UNDP oo mareysa mashruuca Barnamaijka Wadajirka ah Maamulka Maxalliga ah (JPLG) ayaa tababarro hoggaaminta ah siisay duqa magaalooyinka, ku-xigeennadooda iyo shaqaalaha ka shaqeeya maamulka dowladaha hoose ee 13 degmo oo ka tirsan Somaliland.

Mawduucyada ayaa u badnaa  sida loo hoggaamiyo hab dhaqaajinaya yoolalka hay’adeed, muhiimadda ay leedahay in laga qaybgeliyo dhammaan daneeyayaasha geeddi-socodka siyaasadda iyo diyaarinta sharciga, iyo sidii loo ogaan lahaa habab cusub oo lagu hubinayo in haweenku ay door muhiim ah ka qaataan dhammaan dhinacyada shaqada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Fal-celin Bani'aadaninimo | WFP waxa ay sare u qaadaysaa wax ka qabashada abaaraha

WFP waxa ay billowday sare-u-qaadid weyn ee hawlaheeda gargaarka cuntada ee Soomaaliya, iyada oo wax ka qabanaysa abaarta jirta iyo xaaladda cunno yarida ee ka sii dareysa.

Tirada dadka ay cunno yarida ba'an hayso ayaa la filayaa inay ka kororto 3.5 ilaa 4.6 milyan inta u dhaxaysa Febraayo iyo Maajo haddii aan la helin gargaar bini'aadannimo.

Laga bilaabo Jannaayo ilaa Luulyo ee sanadkan, WFP oo hiigsanaysa in ay 2.5 milyan oo qof gaarsiiso lacag caddaan iyo si la mid ah gargaar cunto - in ka badan nus milyan ayey ka badan tahay qorshaheedii gargaar ee hore. Sare-u-qaadistan degdegga ah waxay ku dhisan tahay casharradii laga bartay abaarihii hore, iyada oo la aqoonsanayo muhiimadda ay leedahay wax-qabad hore.

Gargaarka cunto ee WFP waxaa kaaba taageerada nafaqada iyo saadka, iyo waxqabadyada hab-nololeedyada, adkeysiga iyo hababka cuntada si loo ilaaliyo guulihii horumarineed ee dhawaan laga gaaray laguna xoojiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed ee ka dhanka ah abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee mustaqbalka fog.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)

 

Badbaado | UNHCR oo ka ololeneysa khataraha ‘Tahriib’ ka 

UNHCR waxay wadaa inay sameyso olole wacyigelin ah oo ku saabsan khatarta dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn, ee loo yaqaanno 'Tahriib' gudaha Soomaaliya.

Bishii Jannaayo, in ka badan 2000 oo qof ayaa la gaaray iyadoo loo marayo hawlo wacyigelin toos ah oo bulshooyinka iyo iskuulladda laga sameeyey guud ahaan Soomaaliya.

Intii uu socday ololaha wacyigelinta dugsiyada ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa la qaybiyay 60 buugaag sheekooyin ah, iyadoo xisado buug akhris ah lagu qabtay fasallada.

Ololuhu wuxuu ujeedkiisu yahay in lagu baraarujiyo dadka, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u qaataan go'aan xog-ogaalnimo ah ama go’aan ku saabsan safarkooda iyo mustaqbalkooda, balse aan laga joojin dhaq-dhaqaaqa.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer (waxa ay ku qorantahay Ingiriis)