Farriinta Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Maalinta Caalamiga ah ee ka-hortagga Gudniinka Gabdhaha 2022

6 Feb 2022

Farriinta Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Maalinta Caalamiga ah ee ka-hortagga Gudniinka Gabdhaha 2022

New York - Gudniinka Gabdhaha waa ku xad-gudub ba’an oo xuquuqda aadanaha ah kaas oo waxyeello qoto-dheer oo raagta ku sababa haweenka iyo gabdhaha dunida oo dhan.

Sanad walba, in ka badan 4 milyan oo gabdho ah ayaa waxa ey khatar ugu jiraan habkan tacaddiga daran ah. Nasiib darro, safmarka Karoona-fayras ayaa saameyn ku yeeshay adeegyada caafimaad taas oo halis badan sii galisay gabdho badan.

U bareeristan cad ee sinnaan la’aanta jinsiga waa in la joojiyaa. Maalgelin deg deg ah iyo tallaabo wakhtiyeysan ayaa inoo suurtagelin kara in aanu gaarno tiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ciribtirka gudniinka gabdhaha ugu dambeyn sanadka 2030-ka iyo dhisidda duni tix-gelisa sharafka iyo aayo-ka-tashiga haweenka.

Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagtuba waxa ay taageerayaan hindiseyaasha lagu doorrinayo caadooyinka bulsho ee joogteynaya hab-dhaqankan. Dadka da’yarta ah iyo bulshada rayidka ayaa ka dhigaya codadkooda kuwa la maqlo. Garyaqaanaduna waxa ay isbeddel togan ka horseedayaan dalal badan.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee U dulqaadasho la’aanta Gundiinka Gabdhaha, ku soo biir baaqeena ku aaddan maalgelinta soo af-jaridda gudniinkan iyo taageeridda xuquuqda aadanaha ee dhammaan haweenka iyo gabdhaha.

[Asalkeedii halkan ayaa lagu daabacay]