Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Juun 2023
![]() |
Caafimaadka Hooyadda | UNFPA iyo Hay'adda gargaarka ee KS-Relief oo ka wadashaqaynaya horumarinta caafimaadka Hooyadda iyo Taranka Iskaashi cusub ayaa u billowday hay’adda UNFPA Soomaaliya iyo Xarunta Gargaarka iyo Kaalmada Bani’aadminnimo ee King Salman, taasoo lagu maamuusay daah-furka dhagax-dhigga mashruuca lagu horumarinayo helidda caafimaad tayo leh ee hooyadda iyo taranka oo loogu talagalay dadweynaha kuwoda ugu nugul iyo kuwa uu barakacu saameyay. Mashruuca ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto baaahiyaha daryeelka caafimaad ee dadka u nugul, in lagu horumariyo daryeelka dhalmo, in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad taranka iyo in lagu horumariyo maamulka xiriirka sahayda. Mashruuca waxa uu ka dhigan yahay guul muhiim u ah dadaaladda wadashaqeyn ee ka dhaxeeya UNFPA iyo hay’adda Gargaarka KS-relief, si loo hagaajiyo caafimaadka hooyadda iyo tan taranka ee Soomaaliya. Iyadoo ay wadaagaan sida ay uga go’an tahay fayoobida iyo awoodsiinta dadka u nugul ayaa barnaamijku waxa uu sutada u dhigayaa aas-aas xooggan oo ku aaddan isbedel togan. Isaga oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka ayuu safiirka Boqortooyadda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, waxa uu carabka ku adkeeyay Taagerada aan liicin ee uu wadankiisa u fidinayo dadka Soomaaliyeed. |
|
![]() |
Bii’ada | Hay’adda UNDP iyo Bahwadaag ayaa qabtay munaasabado tababar iyo u qareemid ku aaddan mustaqbal xor ka ah balaastiigga Iyadoo ku beegnayd Maalinta Bii’ada Adduunka, ayey hay’adda UNDP waxa ay Dhalinyaro Soomaaliyeed, Bahwadaag, Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah kula biirtay in la qabanqaabiyo nadiifinta xeebta muqdisho. Munaasabadda waxaa ujeedkeedu ahaa in lagu muujiyo ka go’naashaha muwaadinnimada xil-kaska ah iyo u ololeynta hirgelinta dhaqaalaha wareegaha ah ee ka maran qashinka, kaasoo kobciya mustaqbal ka nadiifsan, ka caafimaadsan, kana waari og kan maanta. Hay’adda UNDP ayaa sidoo kale waxa ay dhawaan barnaamij tababar saddex maalin ah u qabatay mas’uuliyiin ka kala socday sagaal degmo iyo hal degaan ee Soomaaliya. Tababarka ayaa ujeedkiisu ahaa in la baro aqoon iyo hab-dhaqanka ugu haboon ee lagula dagaallamayo wasakhowga hawada ee qashinka balaastiigga, laguna horumariyo maareynta qashinka ee deegaannada magaalooyinka ah. |
|
![]() |
Adkeysi | Hay’adda FAO oo bixisay tababar farsamo si loo xoojiyo awoodda bahwadaagta maxalliga Iyadoo ka faa’idesaneyso maagelinta dowladda Sweden ayey hay’adda FAO waxa ay dhawaan tababar farsamo siisay 15 ururo maxalli ah oo ka hawlgala deegaannada ay adagtahay in la gaaro ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya. Hindisaha ayaa ujeedkiisu ahaa gacansiinta ururrada safka hore si ay u qaabeeyaan, una fuliyaan mashruucyo sugnaan cunto iyo waarid loo dhanyahay ah, iyadoo diiradda la saarayo maareynta wareegtada ah ee mashruuca iyo xiisadaha colaadeed. Saaxibada maxalliga ah ee fulinaya ayaa muhim u ah in bulshooyinka nugul ee reer miyiga taagero lala gaaro. Tan iyo 2020, FAO waxa ay guud ahaan Soomaaliya kala soo shaqeysay 277 bahwadaag fulineed oo isugu jira kuwa maxalliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, si wax looga qabto sugnaan la’aanta cunto oo daba dheeraatay iyo in laga caawiyo bulshooyinka miyiga in ay la qabsadaan hab-nololeedkooda, iyadoo la wajahayo hubanti la’aanta mustaqbal ay saameeyeen isbedelka cimiladda, taag-darrida dhaqaalaha iyo khatarro kale. |
|
![]() |
Kaabe dhaqaale | Dayactirka Qayb ka mid ah Wadada Jalam-Xarfo ee xiriirisa Gaalkacyo iyo Garoowe Hay’adda UNOPS ayaa dayactiraysa 54 km oo ka mid ah wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Garoowe ee Soomaaliya, taasoo isku xirta laba magaalo oo waaweyn oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland. Mashruuca waxaa looga golleeyahay in lagu hagaajiyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha, isdhexgalka bulshada, iyo amniga iyadoo sare la horumarinayo isu socodka magaalooyinka. Waxa kale oo ay gacan ka geysan doontaa in si wanaagsan loo gaaro deegaannada fogfog, sare u qaadida horumarinta dhaqaalaha iyo hagaajinta tayada nolosha dadka deggan. Ka sokow caqabadaha ay keenayaan dhulka dhagaxa ah iyo la’aanta kaabayaasha dhaqaaale, hay’adda UNOPS waxaa ka go'an in si guul leh loo dhammeeyo mashruuca. Awoodsiinta loogu talagalay Hay’adda Wadooyinka Halbowlaha ah ee Puntland waxay xaqiijinaysaa dayactirka iyo maaraynta muddada fog ee waddada. Dadaalkan dayactirka ayaa door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee heer gobol iyo himilada dhaqaalaha, iyadoo u faa'iideynaysa dadka Soomaaliyeed. |
|
![]() |
Wacyigelinta miinada | Hay’adda UNMAS iyo Hay’adda Maareynta Walxaha Qarxa (SEMA) ayaa ka qaybgalay Shir-weynaha NDM-UN26 Bishii Juun, Hay'adda Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya (SEMA) ayaa waxa ay qaybgashay Shirkii 26-aad ee Caalamiga ah ee Agaasimayaasha Qaran ee Miino Baarista iyo La-taliyeyaasha Qaramada Midoobay (NDM-UN26). Kooxda Isku-xirka Hay’adda Caalamiga ah Qaramada Midoobay ee Miino Baarista (IACG-MA) iyo Xarunta Caalamiga ah ee Miino-saarka Bani'aadamnimada ee Geneva (GICHD) ayaa si wadajir ah u marti-geliyay munaasabadda. Intii uu shirka socday ayaa hay’adda SEMA ( Hay'adda Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya) waxa ay guudmartay baahida loo qabo caawimaad la siiyo dhibanayaasha iyadoo ay sii kordhayaan tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyada ka dhaca Soomaaliya. Intii lagu jiray Kulamo-doceedyada, hay’adda SEMA waxa ay fursad u heshay in ay bixiso horumarka ugu dambeeyay ee ku saabsan hirgelinta qodobka 5 ee Axdiga Mamnuucidda Miinada Liddiga ku ah Shaqsiyaadka. Iyadoo la tixraacayo qodobka 5-aad ee Axdiga, Dowladaha Xubinta ka ah waxaa looga baahan yahay inay burburiyaan oo ay nadiifiyaan ‘dhammaan miinooyinka liddiga ku ah shaqsiyaadka ee ku aasan meelaha ay gacanta ku hayaan ama ay maamulaan’. Shirka ka hor, Agaasimaha Hay’adda ITF (Sanduuqa Caalamiga ah ee Aaminaadda) , Danjire Lovrenčič iyo Mudane Daahir Cabdiraxmaan Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Qaranka ee hay’adda SEMA, waxay saxiixeen Heshiis Is-afgarad ah oo lagu horumarinayo wadashaqeynta iyo Isku-duwidda ka dhaxeysa Sanduuqa Caalamiga ah ee Aaminaadda ee loogu talagalay Miino-saarka iyo Caawimaadda Dhibanayaasha Miinada. (ICF) iyo Dowladda Soomaaliya. Horumarinta Ammaanka Aadanenimo ee ITF waa Arrin Bani’aadminnimo, hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo wax ka qabata saameynta miinooyinka ama haraadiga walxaha qarxa ee dagaallada (ERW) iyo khataraha kale, waxayna taageertaa mashaariicda iyo barnaamijyada iyada oo loo marayo lacag ururinta qaybaha sida nadiifinta miinooyinka dhulka iyo ERW (Haraadiga Walxaha Qarxa ee Dagaallada) waxbarashada halista ah iyo Caawimaadda dhibbanaha. |
|
![]() |
Hooy | Hay’adda UNHCR waxay wareejisay gabbaadyo isku dhafan, musqulo, iyo soobaraloogyo |
|
![]() |
Siyaasad | Masuulka cusub ee ugu sarreeya Qaramada Midoobay Soomaaliya oo booqatay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Ergeyga Gaarka ah ee dhawaantan la soo magacaabay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeysay booqashooyin xiriir ah oo ay ku tagtay Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DG) ee Hirshabelle, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, halkaas oo ay kula kulantay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, waxayna dib u xaqiijisay taageerada iyo ballanqaadka hay’adda caalamiga ah ee ku wajahan dalka. Kahor booqashooyinkeeda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka (DG) Marwo Laing waxay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Intii ay ku guda jirtay booqashooyinkeeda, waxay la kulantay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin sare, waxayna kala hadashay arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dowlad-dhiska iyo nabadeynta iyo baahiyaha bani’aadannimo. Iyada oo qayb ka ah booqashooyinkeeda ay ku tagaysay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, Marwo Laing waxay sidoo kale la kulantay taliyeyaasha nabad-ilaaliyeyaasha ka socda Hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyo sidoo kale shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaannadan. Ergayga Gaarka ah ayaa xilka loo magacaabay bishii Maajo ee sanadkan, waxayna Soomaaliya timid 5-tii bishii Juun. Ka sokow in ay xilal kala duwan oo ay ka soo qabatay dowladda Boqortooyada Ingiriiska, Marwo Laing waxa ay sidoo kale ka soo shaqeysay waaxda horumarinta ee Qaramada Midoobay intii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994. |
|
|
||
|
||
|