Munaasabadda Ciidul Adxaha awgeed, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay hambalyo diirran u dirtay dhammaan dadka Soomaaliyeed

27 Jun 2023

Munaasabadda Ciidul Adxaha awgeed, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay hambalyo diirran u dirtay dhammaan dadka Soomaaliyeed

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabaddan gaarka ah ee Ciidul Adxaa u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rajaynaynaa in Ciidda Carafo ay damaan dadka Soomaaliyeed u noqoto waqti nabadoon, oo farxad iyo barwaaqo ku suntan. Waxaan fursadan uga faa’ideysanaynaa in aan muujino garab-istaaggeenna, oo aan mar kale xaqiijinno sida ay nooga go’an tahay taageerada horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing. "Waxaan idiin rajeynaynaa Ciid al-Adxa barakaysan oo farxad leh – ciid wanaagsan."