Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2021

29 Jul 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Luuliyo 2021

 

Baarista dambiyada | UNODC iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay iska kaashadaan kahortaga dambiyada abaabulan ee ka tallaaba xuduudaha, oo ay ku jiraan ka ganacsiga dadka

Waxaan u hambalyeynayaa 16 ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Hirshabeelle & Galmadug, oo ka qalin jabiyay Koorsada 1-aad ee Horumarinta Baarayaasha Dambiyada. Tababarka ayaa qayb ka ah Barnaamijka Baarista Dambiyada ee UNODC (CIP) ee Soomaaliya, oo ay maalgeliso Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan Xafiiska Caalamiga ee Mukhaadaraadka iyo Arrimaha Sharciga ee (INL).

https://www.unodc.org/easternafrica/en/Stories/unodc-and-somali-police-force-commence-investigator-development-course.html

 

Daadadka | FAO oo horumarineysa wax ka qabashada daadadka Soomaaliya iyadoo adeegsaneysa warbixinno sawirro wata oo dhanka dayax-gacmeedka ah

Soomaaliya, sida waddamo badan oo kale, waxaa saameeyey khataraha soo noqnoqda ee la xiriira cimilada sida daadadka, abaaraha iyo dabeylaha. Inta badan daadadka ayaa ku sii kordhayey Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay, taas oo sababtay in ay carqaladeyso habnololeedka dadka iyo guud ahaan dhaqaalaha. Isbedelka cimilada - oo ay wehliyaan arrimo kale sida awood yarida la qabsiga, dadka oo si xawli ah u koraya, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita, qararka webiyada oo liita iyo qaab dhismeedka ciidda - ayaa ka sii daraya heerka waxyeelada daadadka  ee soo gaaray bulshada maxaliga ah.

http://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/c/1416034

 

Maareynta Khilaafaadka | UN-Habitat iyo gobolka Banaadir oo qabtay tababar ku saabsan maaraynta khilaafaadka

UN-Habitat oo kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) ayaa tababar 8 maalmood ah oo ku saabsan maaraynta khilaafaadka siisay 54 qof oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaalaha dawlada hoose iyo sidoo kale xubno ka tirsan guddiyada nabadda oo laga soo kala xulay 17-ka degmo ee Muqdisho. Nuxurka tababarka ayaa waxaa laga soo qaatay buuga tababar oo uu soo diyaariyey gobolka Banaadir oo gacan ka heleysa UN-Habitat. Buuggan waxaa loogu talagalay in u fududeeyo degmooyinka iyo dawladaha hoose sidii ay si firfircoon xal ugu heli la haayeen maaraynta isku dhaca ee heer bulsho, si loo helo bulshooyin nabad ah oo adkeysi leh iyadoo la waafajinayo hadafyada horumarka waara ee magaalooyin iyo bulshooyin. Xirfadahaan cusub waxa ay kaabi doonaan nidaamka cadaaladda bulshada ee ku saleysan Xeerka oo inta badan loo isticmaalo heer deegaan.

https://unhabitat.org/un-habitat-and-bra-conduct-a-conflict-management-training

 

Maalinta Deegaanka Adduunka | UNSOS oo hormuud ka noqday howl lagu nadiifinayey xeebta oo lagu xusay Maalinta Deegaanka Adduunka

Sanad kasta, 5-ta Juun waxaa la xusaa Maalinta Deegaanka Adduunka. Waa maalin muhiim u ah Qaramada Midoobay (UN) si kor loogu qaado wacyiga adduunka iyo waxqabadka deegaanka. Waxaa xusay maalintan balaayiin dad ah adduunka oo dhan ku nool. Mawduuca 2021 waa "Soo Celinta Nidaamka Deegaanka," iyadoo xoogga la saarayo dib u dejinta xiriirkeenna dabiiciga ah. Dabaaldegyada sanadkan ayaa sidoo kale xusay bilowga rasmiga ah ee tobanka sano  ee Qaramada Midoobay ee Soo Celinta Nidaamka Deegaanka, laga bilaabo 2021 ilaa 2030.

https://unsos.unmissions.org/un-somalia-leads-beach-clean-exercise-mark-world-environment-day

 

Qurbajoogta | IOM oo soo dhaweynaysaa Horumarinta Soomaaliya ee Siyaasadeeda Qurbajoogta Qaranka

Bishii Juun, IOM waxa ay Muqdisho uga qaybgashay daahfurka mashruuc horseedi doona horumarinta Siyaasadda Qurba-Joogta Qaranka ee Soomaaliya, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarka waara ee dalka. Siyaasaddu waxa ay noqoneysaa hannaankii ugu horreeyay ee kaqeybgalka qurbajoogta ee arrimaha dalka oo keenaya in qurbajoogta Soomaaliyeed ay qayb ka qaadan karaan horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka. Bilaha soo socda, Waaxda Arimaha Qurbajoogta oo si dhow ula shaqeysa guddiga dhinacyada kala duwan ayaa la tashiyo la sameyn doonta dowladda iyo daneeyeyaasha aan dowliga aheyn si loo xaqiijiyo in laga wada qeyb qaato, loona dhammaado siyaasad wada jir ah la sameeyo. IOM waxa ay bixin doontaa taageero farsamo inta lagu gudajiro howlaha horumarka iyada oo ay ugu mahadcelinayaan maalgelinta Sanduuqa Horumarinta ee IOM (IDF).

https://midasom.iom.int/news/iom-welcomes-somalias-development-its-national-diaspora-policy
 

 

Doorashooyinka | Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah waxa ay soo dhoweynayaan in si guul ah lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya

Saaxiibbada caalamiga* ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweeyeen shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29-kii Juunyo, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad-goboleedyada doodihii wax dhisayey ee ay yeesheen. Saaxiibbadu waxa ay la socdeen in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiimka ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda taageerada farsamada doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu soo biiriyo wakiillada dowlad-gobolleedyada. Iyagoo saaxiibbadu ay soo dhaweyeen go’aanka kala-bar looga dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxa ayna rajeeyeen in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30-ka ah ee haweenka ee lagu hashiiyey, sidoo kalena waxa ay carrabka ku adkeeyeen sida ay diyaarka ula yihiin taageeradooda.

https://unsom.unmissions.org/international-partners-welcome-national-consultative-council-meeting

 

Hannaanka cadaaladda | UNDP oo xarumo cusub ka hirgalineysa magaalada Baydhabo

UNDP iyo UNSOM waxa ay ka taageerayaan Dowladda Federaalka in ay ka dhisto xarumo cusub oo ku yaalla magaalada Baydhabo iyagoo adeegsanaya nidaamyada wax soo iibsiga ee qaranku leeyahay, oo ay maalgelisay Dowladda Sweden Dhammaadka mashruuca, wuxuu beddeli doonaa xabsigii hore isagoo sidoo kale bixin doonaa tas-hiilaad dhaqan-celin, waxbarasho iyo howlaha tababar oo la xiriira sharciga.

www.so.undp.org

 

Bani'aadamnimada | OCHA oo isku dubariday toddobo hawlgal 

Ka dib olole ay sameysay OCHA, Kooxda Caalamiga ee Bani'aadamnimada ayaa ka shaqeeysay in bulshada bani'aadamnimada ay galangal u yeeshaan duulimaadyada Qaramada Midoobay ee (UNHAS 'caravan’) si ay u sameeyaan qiimeyn wadajir ah iyo kormeer. Laga soo bilaabo 12-kii Juunyo, OCHA waxa ay isku dubariday toddobo hawlgal oo ay qeyb ka ahaayeen gargaarka bani'aadamnimada, horumarinta, la-hawlgalayaasha Dowladda iyo hay'adaha INGO, kuwaas oo lagu kala bixiyey  Gaalkacyo, Dhuusamarreeb, Xudur, Cabudwaaq, Berdaale, Hobyo iyo Afmadow. Hawlgallo badan ayaa la qorsheeyey illaa dhammaadka bisha Agoosto.

https://www.unocha.org/somalia

 

Waxqabadka Bani'aadamnimada | UNICEF oo la gaartay in ka badan 100,000 haween iyo carruur ah adeegyo caafimaad oo deg deg ah

UNICEF iyo saaxiibbadeeda ayaa sii waday in ay kordhiyaan waxqabadkooda bani'aadamnimo si ay u gaaraan haweenka iyo carruurta ugu nugul ee ku barakacay dhibaatooyin xagga cimilada ah oo soo noqnoqday ama lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda sababo la xiriira colaadda. In ka badan 100,000 oo haween iyo carruur ah ayaa la gaarsiiyey adeegyo daryeel caafimaad oo muhiim ah, ku dhowaad 70,000 oo haween ahna waxaa la siiyey la-talin ku saabsan quudinta dhallaanka.

https://twitter.com/unicefsomalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNFPA oo Hargeysa ka hirgelineysa qayb cusub oo lagu karantiilayo hooyooyinka uurka leh iyo kuwa dhallaanka cusub sita ee qaba COVID-19 

UNFPA waxa ay taageertay qayb cusub oo lagu karantiilayo COVID-19 oo Hargeysa laga hirgaliyey, taas oo loogu talo galay hooyooyinka uurka leh iyo kuwa leh dhallaanka cusub. UNFPA Soomaaliya waxay ka taageertay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland in ay ka hirgeliso waaxda cusub ee dhalmada cusbitaalka Hargeisa Group Hospital oo loogu talo galay haweenka uurka leh iyo hooyooyinka cusub ee qaba calaamadaha COVID-19. Xarunta karaantiilka, oo lagu aasaasay maalgelin ka timid Dowladda Kanada, ayaa bixin doonta marin-u-helidda daryeelka hooyada iyo dhallaanka cusub. 

https://somalia.unfpa.org/en

 

Hoyga | UNHCR oo taageertay dhismaha hoy ku meel gaarka ah oo ay yeeshaan barakacayaasha

Gobolka Bari, degmada Bosaso, UNHCR iyadoo u marsiineysa hay'adda ay wada shaqeynta ka dhaxeyso ee NRC (Golaha Qaxootiga Norway) ayaa ku taageertey hoy iyadoo la dhisey 82 hoy ku-meelgaar ah iyo 82 musqulood oo qoysas loo dhisay. Tani waxa ay ahayd mashruuc ay bulshadu leedahay, halkaas oo ka-faa'iideystayaasha ay ka dhisteen hoy ay iyagu leeyihiin ka dib markii ay heleen tababar muhiim ah oo ku saabsan sida loo dhiso hoyga. Dadweynihii la bartilmaameedsaday ayaa ka guuray degsiimooyinka Dadka Gudaha Ku Barakacay ee Tawakal iyadoo ay ugu wacan tahay khatar ka saaris iyo masiibo dabiici ah oo suuragal ah, sida daadad sababo la xiriira juquraafi ahaan halka ay ku taal aagga oo ku teedsan xeebta. Qiyaastii 654 qof ayaa ka faa'iideystay hawshan.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Fursadaha ganacsiga | UNIDO oo fulinaysa mashruuca horumarinta beeraha iyo tiknoolajiyada ee kobaca dhaqaalaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Mashruuca “Horumarinta teknolojiyadda beeraha ee kobaca dhaqaalaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya”, oo ay hirgelisay UNIDO isla markaana ay maalgelisay Wakaaladda Iskaashiga Horumarinta ee Talyaaniga, ayaa si buuxda u shaqeynayay, iyadoo siineysa taageero qiimo leh ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee maxalliga ah iyadoo loo marayo howlo lagu fuliyey dhanka fogaanta iyo sidoo kale kuwa u baahan joogista, iyadoo la waafajinayo taxaddarrada looga hortago faafitaanka Covid19, oo lagu bixiyay siminaarro farsamo, mareegyo ,iyo bandhigyo dijitaal ah ayaa diiradda lagu saaray qaybaha warshadaha ee leh awoodda sare ee kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Fursadahaasi waxa ay u saamaxeen shirkadaha Soomaalida in ay la soo baxaan isbeddellada ugu dambeeyay ee qaybaha, sidoo kalena loo soo bandhigo kuwa wax soo dajin kara ama kuwa tikniyoolajiyadda bixiya iyo in ay helaan suuqyo cusub oo ay ku helaan fursado wax dhoofineed.

https://xfiles.unido.org/index.php/s/JxPoG6NekpEt27R