Khudbaddii Ku-xigeenka wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya Guud QM uqaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ay warbaahinta ugu jeedisay Garowe

26 Jul 2021

Khudbaddii Ku-xigeenka wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya Guud QM uqaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ay warbaahinta ugu jeedisay Garowe

Mudane Madaxeyne, Wakiillada Warbaahinta,

Waxa aan ugu mahad celinaya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo kooxdiisa soo-dhaweynta diirran ee aan ka helnay maanta. Booqashooyinka Garowe waa mid mar walbo na farxad geliya.

Wadatashiga aan maanta la yeelannay Madaxweyne Deni wuxuu yimid waqti taariikhi ah oo Soomaaliya muhiim u ah, maadaamaa Soomaaliya ay u dhaqaaqday dhanka doorashooyin qaran kadib muddo ay taagnaayeen xiisado siyaasadeed oo sarreeya. Waqti xaadirkan baahi tii hore ka badan ayaa loo qabaa hogggaan awood iyo mabd’a leh ee ka miro-dhaliya doorashooyinka, iyada oo laga billaabayo tan Aqalka Sare, oo dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugayeen.

Booqashadan waxa ay daba socotaa shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee la qabtay May iyo Juun, kuwaas oo gacan ka geystay xallinta walaacyo iyo kala-duwanaansho ku saabsan sida loo qaban lahaa doorashooyinka. Qaramada Midoobay waxa ay ammaaneysaa, soona dhaweyneysaa habka wax dhisaya ee ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya,  oo uu ka mid yahay Madaxweyne Deni, ay u hawl-galeen si loo raadiyo xal ku saleysan is af-garad

Shirkii Juun ee Golaha Wadatashiga Qaran waxa ay soo saareen jadwal doorasho, kaas oo suurta gal ka dhigi kara in doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo madaxweyne la qabto 2021. Waxa aan dhinacyada oo dhan ku boorrineynaa in ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo in aysan jiri doonin dib-u-dhac kale oo ku yimaada jadwalka lagu heshiiyey.

Arrimaha qaar waxa ay weli u baahan yihiin in la caddeeyo. Si gaar ah, Madaxweyne Deni iyo aniga waxa aan ka wada hadalnay waajibaadka in laga mira-dhaliyo ballanqaadkii la sameeyey si loo xaqiijiyo in la helo waxa aan ka yareyn boqolkiiba soddon wakiillada haweenka ee geeddi-socodka dorashooyinka iyo natiijada. In la xaqiijiyo qorshe cad oo lagu gaarayo hadafkaas wuxuu muhiim u yahay sidii loo muujin lahaa sharciyadda hannaanka doorashada iyo in la dhiso kalsoonida saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya. Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeeyay matalaad caddaalad ku dhisan oo ay helaan dadka laga badan yahay, bulshooyinka la hayb-sooco, ragga iyo dumarka dhallinyarada ah, kuwaas oo muhiim u ah sidii lagu heli lahaa doorasho loo dhan yahay.

Inta ay doorashooyinka socdaan, sii wadista iskaashiga ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya waa mid lagama-maarmaan ah. Habka Golaha Wadatashiga Qaran, si gaar ah, wuxu kalsooni siinaya dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadu diyaar u yihiin, awoodna u leeyihiin in ay ka wadashaqeeyaan  danta qaranka iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal. Puntland oo ah Maamul Goboleedka ugu da’ weyn Soomaaliya wax badan ayey ka geysan kartaa si loo sameeyo iskaashigan.

Mudane Madaxweyne, gebagebada booqashadan waxa aan mar kale kaaga mahad celinaya soo-dhaweynta iyo martigelinta diirran. Qaramada Midoobay waxa ay rajeyneysaa in ay sii waddo iskaashiga heerka sare ee aan la leenahay adiga iyo kooxdaada.

Mahadsanid, Mudane Madaxweyne