Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2021

31 May 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2021

 

Horumarinta xeebta | UN-Habitat, Midowga Yurub iyo Dawladda Hoose ee Berbera ee Somaliland oo sameeyey goob xeeb ah oo qof walba ku damaashaadi karo

UN-Habitat waxa ay qabatay munaasabad weyn oo lagu daahfuray Horumarinta Xeebta Berbera, taas oo u noqon doonta dadka oo dhan goob ay u damaashaad tagaan, sidoo kalana kobcin doonta dhaqaalaha gudaha. Mashruuca Xeebta Berbera waxa uu keenaya diyaarinta goobo qoysaska ku nastaan, aag haween u gaar ah oo gabdhaha iyo haweenku si xor ah ugu tamashleyn karaan xeebta iyo badda, cayaaraha iyo tas-hiilaadka dhallinyarada ee gabdhaha iyo wiilasha, aag suuq ah, xarun dib-u-warshadayn iyo meelo dadweynaha loo qoondeeyey in ay ku nastaan, ciyaar, waratada waddooyinka ama bandhigyada dhaqameed. Tallaabadan ayaa qayb ka ah mashruuca horumarinta magaalooyinka ee uu maalgeliyey Midowga Yurub, kaas oo ay fulinayaan dawladda hoose ee Berbera iyo UN-Habitat.

https://bit.ly/3wrXG8P

 

Kobcinta awoodda | UNDP oo bixisay gawaari cusub oo ay maalgelinteeda leeyihiin Midowga Yurub iyo Sweden kuwaas oo caawin doona booliska, saraakiisha cadaaladda iyo haweenka 

Midowga Yurub, Sweden iyo kooxda qeybta sharciga ee Qaramada Midoobay ayaa siiyey 13 gawaari cusub ah xarumaha dowladda ee Somaliland, oo ay ka mid yihiin Booliska, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddida Cadaaladda iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Baabuurtan waxaa isticmaali doona saraakiisha saldhigyada cusub ee bilayska ee la dhisayo sanadkan iyada oo taageero laga helayo UNDP iyo saraakiisha caddaaladda ee kormeeraya maxkamadaha gobolka iyo haweenka iyo carruurta qeybta gaarka u ah, halkaas oo haween xeer-ilaaliyeyaal ah ku caawiyaan kuwa soo sheega xadgudubyada. Gawaarida waxaa sidoo kale isticmaali doona kooxaha qiimeynta halista amniga doorashada si ay ula kulmaan saraakiisha booliska iyo bulshada deegaanka ee lixda gobol isla markaana ay ula socdaan diyaargarowga doorashada maxaliga ah iyo codbixinta.

https://bit.ly/3uxoOS7

 

Kaalmada maciishadda | Barnaamijka FAO ee sii koraya ee Cash + waxa ka caawiyaa beeraleyda, xoolaleyda iyo kalluumeysatada in ay dhisaan ilohooda si ay ugu adkeystaan

Muddo tobannaan sano ah dadka Soomaaliyeed waxa ay u nuglaadeen dhibaatooyin badan sida daadad, abaaro, ayax iyo dagaalada saamaynaya helista cunnadooda iyo noloshooda. Barnaamijka FAO ee Cash + ayaa lagu jaangooyay sanadihii la soo dhaafay lana balaariyay, iyadoo la isku darayo bixinta lacagaha iyo barista nafaqada iyo in dadka lagu qalabeeyo beeraha, xoolaha iyo aaladaha kalluumeysiga si kor loogu qaado sugnaanta cuntada iyo xoojinta noloshooda.

http://www.fao.org/news/countries-good-practices/article/en/c/1399020/

 

Horumarinta Ganacsiga | UNIDO ayaa ka bilaabeysa tabarrada xirfadeed ee TVET-ka magaalada Kismaayo si kor loogu qaado xirfadaha suuqa looga baahanyahay

Xafiiska UNIDO ee kismaayo oo kaashanaysa KTI, waxa ay EDU u dallacsiisay bilaabidda ganacsiga TVET ee tubbeystinimada si kor loogu qaado xirfadaha 20 arday oo dhallinyaro ah  oo firfircoon. Kaqeybgalayaashu waxay sidoo kale heli doonaan tababar gacmeed iyo in laga howlgaliyo shirkado kaladuwan oo ay xirfadoodu khuseyso. Intaas waxaa sii dheer, qaab dhismeedka Agro-teknolojiyadda, EDU's ee Baydhabo, Muqdisho iyo Kismaayo oo ku jira diyaarinta bilaabista, xirfadaha TVET ee alxanka, / keydinta miraha iyo khudaarta iyo kalluunka, iyadoo la tababaray in ka badan 160 arday intii lagu jiray dufcaddii 1-aad. Ujeeddadu waa in la kordhiyo helitaanka shaqaale xirfad leh oo suuqa jooga iyo in kor loo qaado xirfadaha ardayda.

https://www.unido.org

 

Bani'aadamnimada | OCHA oo isku-duwday qiimaynta degdegga ah ee goobaha daadadka iyo colaadduhu saameeyeen ee gobolka Banaadir, Soomaaliya

Qiimeyn Degdeg ah oo Hay'addu sameysay waxaa fuliyay 9-kii May 2021-kii UNOCHA, ACF, EFASOM, SIF, NRC, SCI, WARDI, MEDAIR, AET, PAH. OCHA iyo ACF oo hogaaminayey qiimeynta waxa ay diyaariyeen warbixinta. Iyadoo loo marayo nidaamka sahanka xog laga soo ururiyey kooxaha tira-koobka ee wadajir ah oo ay tababareen OCHA iyo ACF. Kooxuhu waxa ay qiimeeyeen goobaha barakacayaasha iyo meelaha ay markoodii hore ka yimaadeen. Waxaa la xusay warbixinta in ku dhowaad 95% dadka ay dhibaatadu saameysey ay u qaxeen qeybaha nabdoon ee magaalada, oo ay ka mid yihiin Xamar-Jajab, Xamarweyne, Kaxda, Heliwaa, Deyniile, iyo Wadajir. Inta badan Barakacayaasha ku jira xeryaha la booqday waxa ay ku sugan yihiin xaalad nolol xumo, iyagoo la daalaa dhacaya in ay helaan adeegyada muhiimka ah iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in ay daboolaan baahidooda. Talooyin muhiim ah - dadka ay saameeyeen ee ku nool gobolka Banaadir waxa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Mudnaanta koowaad waxaa ka mid ah; cuntada, hoyga iyo Agabka Aan Cuntada Ahayn, waxqabadyada kor u qaadista nadaafadda iyo dhisidda musqulo ayaa lagula talinayaa si looga fogaado cudurro halkaas ka dillaaca.

https://www.unocha.org/somalia

 

Isku furanka xilliga dhalmada | UNFPA oo taageertay xarumo caafimaad oo ay ku bogsadeen haween Isku furamay xilliga dhalmada ka dib 50 sano oo ay dhibtoonayeen

UNFPA waxa ay taageertaa waaxda caafimaadka ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan hay'adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo NGO-yada, si ay u maamulaan seddex xarumood oo waaweyn oo isku furanka la tacaala oo ku kala yaal Muqdisho, Puntland iyo Somaliland si loo joojiyo Isku furanka dhalmada ee Soomaaliya marka la gaaro 2030. Ashikiro Guure Cali oo ka bogsatay Isku furanka dhalmada, ka dib 50 sano oo ay la tacaaleysay silac aan dhammaan. Waxa ay la noolayd mid ka mid ah riyooyinkii foosha xumaa ee caafimaad ee haweenay kasta ay ku dhici karto. Marwo Cali, oo 70 jir ah, waxa ay ka timid degmada Ceelbuur, oo qiyaastii 377 kiiloomitir u jirta Muqdisho, Soomaaliya. Marwo Cali, waa hooyo keligeed ah, waxa ay umushay iyadoo 20 jir ah, waxaana ku dhacay dhaawaca Isku furanka ka dib foosha oo ku xannibantay oo qaadatay saddex maalmood. Mar dambe ma ay xakamayn karin qulqulka kaadida dhaawacaa ka dib.

https://arabstates.unfpa.org/en/node/59212

 

Caafimaadka iyo Ilaalinta | UNICEF oo heshay 75 milyan oo lacagta Sweden ah si kor loogu qaado adeegyada ilaalinta iyo caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed

Dowladda Sweden, iyadoo kaashanaysa wadashaqeynta ay la leedahay UNICEF, waxa ay ugu deeqday 75 milyan oo lacagta Sweden ah oo u dhiganta (USD9 milyan) si loogu xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo ilaalinta haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. Maalgelinta ayaa sidoo kale lagu taageeri doonaa ololaha tallaalka COVID-19 oo hadda socda waana mid ka mid ah tallaabooyinka ugu ballaaran ee tallaal ee dalku ku howlanyahay.

https://www.unicef.org/somalia/press-releases/sweden-contributes-sek75-million-unicef-scale-protection-and-health-services-somali

 

Kahortaga tahriibinta dadka | UNODC oo ku taageertay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qalab hagaajinaya Maareynta Tahriibka

Iyadoo ay maalgeliyeen Midowga Yurub (EU) Sanduuqa Amaanada Degdega ah (EUTF) ee Afrika iyo Wasaaradda Federaalka Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (BMZ), xafiiska gobolka ee UNODC ee Bariga Afrika (ROEA) waxa uu qalab ku wareejiyey laba qeyb oo ah kuwa Ka-hortagga Tahriibinta dadka  ee Waaxda Baarista Dambiyada (CID) ee Muqdisho Sabtida 21/5, iyo CID-da Garowe, Puntland, Arbacada 26/5. Qalabka waxaa ka mid ahaa kombuyuutarro, gaari, taleefoonno casri ah, qalabka wax lagu daabaco, iyo qalabka iskaan-ka, oo dhammaantood lagu soo iibiyay barnaamijka (BMM). Ujeeddada guud waa in la hagaajiyo maaraynta socdaalka iyo, gaar ahaan, in wax laga qabto tahriibinta muhaajiriinta ee gudaha iyo kuwa ka soo gala Geeska Afrika.

https://ec.europa.eu/trustfundforafrica/region/horn-africa/regional/better-migration-management-programme-phase-ii_en

 

Daadadka | WFP oo gargaar cunno gaarsiisay dadka ay saameeyeen daadadka

WFP waxa ay gaarsiisay raashin naf- badbaadin ah dadka ay saameeyeen daadadkii halista ahaa ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Hirshabeelle, tan iyo markii roobab mahiigaan ah iyo daadad ka soo fataheen wabiga Shabeelle ay saameeyeen inta badan magaalada Jowhar iyo tuulooyinka ku hareereysan, WFP waxa ay u qaybineysay cunto 21,000 qof oo halkaasi ku nool. WFP waxa ay sii waddaa in ay la shaqeyso maamullada maxalliga ah iyo bahda kale ee Qaramada Midoobay si wax looga qabto baahiyaha badan ee deg-degga ah ee harsan - oo ay ka mid tahay bixinta taageero xagga saadka ah si gacan looga geysto in hawl-wadeennada bani'aadamnimada ay gaaraan meelaha ay daadadku saameeyeen.

https://twitter.com/WFPSomalia

 

Ilaalinta | UNHCR oo ku taageysa qoysaska nugul siinta xoolo

Bishii May, UNHCR iyo la-hawlgalaheeda dhanka fulinta ee Cooperazione Internazionale (COOPI) ayaa 300 xoolo ah u qaybiyey qoysaska ku nool Dhoobley. Qeybinta xoolo tayo sare leh ayaa inta badan diiradda saaraya qoysaska nugul ee haweenka ah ee  soo laabtay iyo bulshooyinka martida loo yahay. Qaar badan oo ka mid ah ka-faa'iideystayaasha ayaa ka soo jeeda qoys xoolo dhaqato ah oo leh xirfadaha loo baahanyahay ee dhaqashada xoolaha taasna waxa ay ka caawin doontaa in ay sare u qaadaan wax soo saarkooda cunno ayna helaan dakhli dheeri ah. Qeybinta ayaa sidoo kale ku soo beegantay iyadoo daaqii iyo biyihii ay hagaageen roobabka socda awgeed. Dib u soo celinta xoolaha waa qeyb ka mid ah mashaariicda hab-nololeedka ee UNHCR ay ku taageereyso bulshada barakacayaasha sidii ay u noqon la haayeen kuwa isku kalsoon.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Dhaqanka | UNESCO: Hagista dhallinyarada Soomaaliyeed ee horumarinta Istaraatiijiyadda Dhaqanka ee Qaranka  Soomaaliya

Aqoon isweydaarsiga isku dhafan ay abaabuleen 55 daneeyayaasha dhaqanka ah si ay uga qayb galaan geedi socodka ka qaybgal ee loogu talagalay dib u eegista Istaraatiijiyadda Dhaqanka, oo ay ku jiraan 35 kaqeybgalayaal Soomaali ah oo ka socda SOMASA oo Muqdisho ku taalla iyo 20 kaqeybgalayaal Soomaali iyo ajaanib ah oo uga soo biiray dhanka khadka tooska ah ayaa la qabtay. Sideed iyo toban dhallinyaro ah ayaa ka mid ahaa ka qeyb galayaasha, oo kala bar ay dumar ahaayeen. Aqoon isweydaarsiga waxa uu ku baxayey afafka ingiriisiga iyo soomaaliga iyadoo tarjumaad isku mar ah la heli karay labada luuqadoodba.
 Istaraatiijiyadda Dhaqanka Qaranka iyo Qorshe Hawleedka ayaa loo sameeyay Soomaaliya kadib wadatashi qaran iyo khubaro ku shiray bishii Noofambar 2020, kaas oo lagu eegay hiddaha dabiiciga ah iyo dhaqanka, hiddaha dhaqameed ee aan la taaban karin, iyo waaxda wax soosaarka hiddaha iyo dhaqanka ee Soomaaliya, iyo sidoo kale oo ah doorkooda kobcinta nabadda iyo horumarka waara.

https://en.unesco.org/news/somali-youth-guide-development-national-culture-strategy-somalia

 

Abaaraha | IOM oo gaarsiisey 1,900 qoys oo abaartu saameysey biyo nadiif ah

IOM waxa ay kordhisay dadaalkeeda ku aaddan sare u qaadista helitaanka biyo nadiif ah oo aamin ah oo la siiyo dadka barakacayaasha ah iyo bulshada ay saameeyeen abaaraha dhowaan lagu dhawaaqay. IOM waxa ay booqatay bulshooyinka ku nool Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ayna la kulantay ku dhowaad 11,400 oo qof oo loo dhaaamiyey 3,307,500 litir oo biyo ah. IOM waxa ay sii waddaa in ay si dhow ula shaqeyso hoggaamiyaasha bulshada maxaliga ah iyo maamulada ay quseyso si wax looga qabto baahiyaha dadka nugul.

https://twitter.com/IOM_Somalia/status/1395024019578097668?s=20

 

Golaha Ammaanka ee QM | Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo warbixin siiyay Golaha Ammanka

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya, isagoo ka hadlay dhowr mowduuc, oo ay ku jiraan caqabadaha iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada ee Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee Swan Swan wuxuu ku bogaadiyey madaxda Soomaalida horumarka la gaarey wuxuuna ku booriyey "in ay muujiyaan hoggaanka dalku u baahan yahay xilli lagu jiro marxaladdan adag". Isagoo walaac ka muujiyey xaaladda ammaanka, Ergeyga Qaramada Midoobay Swan wuxuu ka hadlay horumarka laga sameeyay hirgelinta Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya ee dib loo eegay. Dhanka bini'aadamnimada, Ergeyga Gaarka ahi waxa uu xusay baahiyaha muhiimka ah ee ka dhashay cimillada, barakaca oo kordhay iyo cunno yarida. Wuxuu codsaday gargaar bini’aadanimo oo dheeri ah.

https://unsom.unmissions.org/somali-leaders-walk-%E2%80%98back-brink%E2%80%99-resume-talks-critical-elections