Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhaweeyay heshiiska Soomaaliya ee qabashada doorashooyin nabdoon

31 May 2021

Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhaweeyay heshiiska Soomaaliya ee qabashada doorashooyin nabdoon

New York –War saxaafadeed la soo saaray  habeenimadii Jimcaha ayey 15ka xubnood ee golaha  ku amaaneen hogaamiyaasha dalka sida ay mudnaanta kowaad u siiyeen "xasiloonida, amniga iyo horumarka iyo danaha dadka Soomaaliyeed".

Heshiiska oo ogolaanaya in doorasho lagu qabto 60 maalmood gudahood, ayaa ka dhashay natiijada shir madaxeedkii uu isugu yeeray Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib bilooyin ay sii xoogaysanayeen xiisadda u dhaxaysa dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxa ay soo dhaweeyeen ballanqaadka ah "in la qabto doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo, taas oo xushmeeneysa heshiiskii laga gaaray qoondada haweenka ee ugu yaraan 30% ka helayaan baarlamaanka".

Golaha nabadda iyo ammaanka waxa ay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ilaaliyaan hawshan wanaagsan si ay doorashooyinku ugu dhacaan sidii loogu heshiiyay. Waxa ay sidoo kale ku booriyeen dhammaan dhinacyada in ay si furan isula falgalaan iyo oo uu ujeedkoodu yahay wax dhis si wixii dhibaato ah inta lagu gudajiro  hirgalinta si dhaqso ah loogu xaliyo , sidoo kale waxa ay soo dhoweeyeen in heshiisku  sameeyo habab nabadeed oo lagu xaliyo khilaafaadka si ay taasi u suurtagasho.

Ka Soo Laabatay Qarka

Sidaku xusan  heshiiskii 17kii Sibteembar ee nooca Doorasho ee lagu heshiiyay sannadkii 2020 una  dhexeeyey Dowladda Federalka iyo hoggaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka, oday dhaqameedyo ka cayyiman ayaa dooran doona baarlamaanka, kaas oo isna dooran doona madaxweyne. Doorashada baarlamaanka waxaa loo qorsheeyay bisha Diseembar balse dib ayey u dhacday.

Wadahadalladdii u dhexeeyey Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Dawladaha xubinaha ka ah Dawladda Federaalka oo soo bilowday bishii Maarso waxa uu ayaan darro burburay horaantii bishii Abriil.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu intaas kaddib soo saaray "Sharci Gaar ah", kaas oo ka meesha ka saaray heshiiskii taariikhiga ahaa isla markaana ku kordhiyay muddo xilleedka mas’uuliyiinta xafiisyada jooga laba sano oo dheeri ah.

Diidmo looga soo horjeeday talaabooyinkan ayaa horseeday abaabulka maleeshiyaad, taas oo bannaanka keentay kala qeybsanaanta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Waxaa xigay iska horimaadyo hubeysan oo dhacay 25kii Abriil taas oo abuurtay halis ah in dagaal weyn dhaco.

“Wixii intaas ka dambeeyey Soomaaliya waxa ay kas oo laabatay qarka  iyo xaaladan teeda ugu xun ee la sawiran karay,” waxaa sidaas yiri toddobaadkan James Swan. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu xusay in Golaha Shacabka uu dib ula laabteen sharcigii Gaarka ahaa 1-dii Maajo cadaadis xoog leh kaddib, taas oo ugu dambeynna hoos u dhigay xiisadihii.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay heshiiska cusub ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Soomaalida, waxa uu ku boorriyay dhammaan saamilayda in ay si deg deg ah u hirgeliyaan heshiiska cusub, kaas oo ah “tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo qabashada hannaan doorashooyin oo hufan oo aan dib u dhac dambe ku imaan”.

Taageerada Hawlgalka QM

Xubnaha golaha waxa ay bogaadiyeen taageerada ay bixiyeen Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Waxa ay muujiyeen taageerada buuxda ee ay u hayaan  labada hawlgal xilli dalku u diyaar garoobayo doorashooyin, isla markaana fulinaya tubta khariidadda lagu lifaaqay qeybta dambe ee Warmurtiyeedkii 27-ka Maajo, iyo “ka shaqaynta gaarsiinta kala guurka amniga ay hormuudka ka yihiin Soomaalida, sida ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568.

Ugu dambeyntii, xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay mar kale ku celiyeen qadarinta ay u hayaan madax-bannaanida, xornimada siyaasadeed, karaamada dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya.

Isha: UN News