Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2023

1 Apr 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2023

 

Beni’aadanimada | OCHA oo isku dubba-rideysa gurmadka beni’aadanimo ee Laascaanood

Hay’adaha gargaarka ayaa dar dar geliyey dadaalladooda gacansiinta dadka ay saameeyeen colaadaha  Laascaanood. Hay’adda OCHA ayaa isku dubba-riddey gurmadka goobaha ay gaari karaan howlwadeennada arrimaha bini’aadannimada. Waxaa intaa dheer, Isku-Duwadaha  Gargaarka  bini’aadannimada ayaa kaydka Sanduuqa Gargaarka Bini’aadannimo ee Soomaaliya uga fasaxay qoondada gurmadka naf badbaadinta ee Laascaanood.

Click here for more

 

Gurmadka abaaraha | WFP ayaa qaybisay qamadi qayb Hindisaha Badarka ee Badda Madow

Hay’adda WFP ayaa qamadi ka yimid Yukrayn  ku qaybisay dhowr magaalo oo ka tirsan Soomaaliya taasoo ay qayb ka tahay sare u qaadidda macaawinada raashinka ee naf badbaadinta ah, si looga jawaabo abaarta iyo gaajada ba’an ee taariikhiga ah ee saamaysay dalka.

Qamadiga oo ka koobnaa shixnad gaaraysa 25,000 oo tan oo ay WFP, oo gacan ka heleysa deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn, ay ku guulaysatey inay dalka keento, wuxuuna qayb ka yahay  Hindisaha Badarka ee Badda Madow. Marinkan gargaar ee badda ah ayaa muhim u ah in la daboolo baahiyaha dadka ugu nugul ee ku sugan Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba..

Click here for more

 

Horumarinta Ganacsiga |UNIDO oo taageertay tababbar ku saabsan hal-abuurka ganacsiga

UNIDO, oo kaashanaysa Shabakadda Ganacsiga reer Yurub (EBN), ayaa soo abaabushey tababar  saddex maalmood ah oo aasaasi oo ka dhacay Xarumaha Hal-abuurrada Ganacsiga (BIC)  Afrika ee Soomaaliya kaas oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya inti uu dhaxaysey 14 ilaa iyo 16-kii Maarso, 2023. Tababarka aasaasiga ee Xarumaha Hal-abuurrada Ganacsiga (BIC) Afrika ee Soomaaliya waxa uu fursad u yahay hay’adaha Soomaaliyeed ee dhiirri-gelinaya ganacsiga ee la soo xulay si ay u kulmaan, isugu xirnaadaan islamarkaana ay aqoontooda ula wadaagaan xeeldheereyaasaha dhiirri-gelinta iyo samaynta hal-abuurrada ganacsi ee ka socdey  Shabakadda Ganacsiga reer Yurub (EBN).

Click here for more

 

Maciishadda | UNHCR oo Mashruuc Kalluumeysi ka bilaabeysa Boosaaso

Bishii Maarso, UNHCR ee Boosaaso ayaa 18 doonyood iyo agabka kalluumeysiga ku wareejisay 18 kooxood - 90 qof - oo isugu jira qaxooti, ​​barakacayaal iyo bulshooyinka martida loo yahay. Intaa waxaa dheer, iyadoo lala kaashanayo Hay'adda Cuntada iyo Beeraha (FAO), UNHCR waxay u tababartay ka-faa'iideystayaasha xirfadaha kalluumeysiga.

Horumarinta kalluumeysiga ee goobaha qaxootiga waxay kor u qaadi kartaa fayo-qabka bulshooyinka martida loo yahay iyo qaxootiga labadaba. Kalluumeysigu waxa uu keeni karaa nolol xasilloon iyo helitaan kheyraad si loo kordhiyo dakhliga lacagta caddaanka ah ee lagama maarmaanka u ah cuntada iyo soo-saarka dakhli dheeraad ah.

Click here for more

 

Magaaleynta | UN-Habitat oo taageertay  Istaraatiijiyada Magaalada Baydhaba

UN-Habitat iyo UNDP oo Dowladda Hoose ee magaalada Baydhabo  ka  taageeray dajinta  Istaraatiijiyada Magaalada Baydhaba.

Baydhaba waxa ay qaabbishaa tiro badan oo barakacayaal, dad soo laabta, qaxooti, iyo soo galooti kaleba ah, waxaana jira baahi loo qabo in la horumariyo xaaladaha nolosha ee bulshooyinka uu barakacu saameeyey, oo ay ku jiraan bulshooyinka degaank.

Istaraatiijiyadda Magaalada Baydhaba waxa ay hagi doontaa horumarrada laga sameeyo dhammaan qaybaha magaalaynta xowliga ku socda ee kobaca magaalada. Tan waxaa qayb ka ah kaabayaal loo sameeyo bulshooyinka degaanka iyo barakacayaashaba.

Click here for more

 

Adkeysi | FAO oo u tababartay Xoola-dhaqatada Sool wax-soo-saarka xoolaha

Ganacsiga xoolaha ee gobolka Sool iyo gobollada ku hareereysan waa mid ka mid ah tiirarka ugu waawayn ee dhaqaale sidoo kalena ah waa meelaha ugu nugul dhibaatooyinka sida abaaraha.

Xaaladaha liita ee xooluhu waxa ay saameeyaan nolosha xoola-dhaqatada iyo beeraleeyda taasoo qaarkood ku khasabta inay guurguuraan iyaga oo raadinaya nolol tooda dhaanta. Waxa ay sidoo kale sababtaa nafaqa-xumada carruurta iyo colaadaha ka dhasha ilaha biyaha ee degaanadan lama degaan xigeenka ah.

Deeq ay ka heshay Dowladda Denmark, ayay FAO waxa ay ku taageeraysaa bulshooyinka maxalliga ah ee gobolka Sool iyada oo kusoo kordhinaysa habab cusub oo ay ku xoojin karaan hab-nololeedkooda soo jireenka ah. Mashrruca Barnaamika Adkaysiga Sugnaanta iyo Nafaqada Cunnada ee Dhisidda Adkaysiga   Nidaamka Cunnada ee Xasaradaha Daba-dheeraada (FNS-REPRO) waxa uu adeegsadaa tigknoolajiyad fudud iyo cunsurro nabad-dhisid iyo hal-abuur ah si looga caawiyo bulshooyinka inay la qabsadaan musiibooyinka cimilada ka dhasha, iyaga oo ka wada shaqaynaya inay hagaajiyaan u adkeysigooda dhibaatooyinka dhici kara oo ay horumariyaan isku xirnaantooda bulsho.

Click here for more

 

Awoodsiinta Haweenka|UNFPA la dabbaal-degtay Haweenka

Hay’adda UNFPA Soomaaliya ayaa u dabaaldegtey Maalinta Haweenka Adduunka 2023, iyadoo qabatey 14 barnaamij oo kala duwan.  Waxaa ka mid ahaa dood-cilmiyeedyo looga hadlayay sinnaanta ragga iyo dumarka iyo fursadaha haweenka, bandhig faneed lagu soo bandhigayay waxqabadka haweenka Soomaaliyeed, bandhig farshaxan ay sameeyeen haweenka Soomaaliyeed, iyo kulan wacyigelin  bulsho oo loogu talagalay in lagu joojiyo dhaqamada xunxun, u ololeynta nabadda, horumarinta waxbarashada gabdhaha. UNFPA iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ayaa haween iyo gabdho ka socdey laba xero barakacayaal ah u qeybiyey agabka daruuriga ah ee nadaafadda jirka.

Click here for more

 

Deegaanka | UNDP oo Soomaaliya ka taageertey qorista sharciga cusub ee Maareynta Bii’ada

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u meelmariyey Hindise Shariciyeedka Maareynta Deegaanka ee ay soo diyaarisey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyadoo ay Hay’adda UNDP iyo Hay’adda Bii’ada Adduunka ku bixiyeen taageero maaliyadeed iyo mid farsamaso. Sharcigan ayaa hadda loo gudbiyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Haddii la meelmariyo, waxa uu dhabbaha u xaari doonaa qoondaynta iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, kor u qaadida barwaaqada iyo amniga malaayiin duurjoog ah, xoolo-dhaqato ah iyo bulshada Soomaalida qaybaheeda kala duwan.

Click here for more

 

Barakaca | Hay’adda UNICEF oo kaalmo bani’aadannimo gaarsiisay dadka ku barakacay magaalada Laascaanood

Iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ku barakacay dagaalka Laascaanood, ayaa Hay’adda UNICEF waxay la timid taageerooyin kala duwan.

Waxay si  degdeg ah biyo nadiif ah ku gaarsiisay  35,000 qof, adeegyo caafimaad oo lagu daweynayo shubanka, baarista iyo daweynta nafaqo-xumada, iyo bixinta nafaqo nafaqo-yar oo carruurta iyo haweenka uurka leh iyo kuwa naas-nuujinaya.

Waxaa intaa dheer, UNICEF waxay taageertay in 1,300 carruur ah dib u bilaabaan waxbarashada. Waxaa ku mahadsan maamulka Puntland oo ardayda soo barakacayday ka dhaafey kharashka waxbarashada iyo labiska dugsiga.

UNICEF waxay tababartay 18 ka mid ah shaqaalaha ilaalinta carruurta si ay ugu kuurgalaaan carruurta aan lala socon iyo kuwa kala maqan iyo carruurta kale ee nugul gudaha ee Laascaanood oo ay siiyaan taageero nafsaani ah.

 

Click here for more

 

Sarreynta Sharciga | UNOPS waxa ay Midowga Yurub iskaashi kala yeelanaysaa taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya

UNOPS Soomaaliya ayaa waxay is-afgarad la saxiixatay bahwadaag Soomaaliyeed si loo fuliyo xirmo taageero oo uu Midowga Yurub maalgeliyay oo loogu talagalay ciidamada ammaanka Soomaaliya. Iskaashigan ayaa suntaya tallaabo muhiim ah oo ku aaddan gaaridda Soomaaliya oo xasiloon oo ammaan ah, iyadoo khibradda UNOPS ay u leedahay maamulka iyo hirgelinta mashaariicda ay muhiim u tahay xaqiijinta in si guul leh loo gaarsiiyo xirmada taageerada ee Midowga Yurub. Taageerada la kordhiyay ee Midowga Yurub ayaa horraanba saameyn weyn ku soo yeelatay dhulka, iyadoo qalab casri ah iyo qalab isgaarsiineed oo wanaagsan la siinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Click here for more

 

Baarista dambiyada | IOM waxa ay Soomaaliya ka taageertay wax ka qabashada dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba

Saraakiisha xuduudaha iyo kuwa ku takhasusay baritaaridda sharciga ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kulmay magaalada Machakos ee dalka Kenya, bishii Febraayo aqoon-kororsi ay soo qaban qaabisay hay’adda IOM, oo looga hadlay habdhaqanka wadajirka ah ee wax looga qabanayo dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba. Nidaamyada xadidan ee maaraynta xuduudaha iyo soohdimaha gobolka ee sida weyn u furan ayaa u saamaxay kooxaha dambiilayaasha iyo kooxaha xagjirka ah inay ka ganacsadaan hubka sharci darrada ah iyo daroogada iyaga oo aan ka baqayn dacwad oogista iyo Isu-wareejin la’aanta dambiilayaasha oo u dhexeeya dalalka.

Iyada oo taageero laga helayo hay’adda IOM, Soomaaliya iyo Kenya waxa ay ka shaqeynayaan qaab-dhismeed ay wax uga qabtaan dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha. Qaab-dhismeedka cusub ee looga dooday intii uu socday aqoon-is-weydaarsiga, ayaa dajin doona habab cusub, talooyin iyo hab-dhaqanno kor loogu qaadayo iskaashiga labada waddan si looga hortago dembiyada xudduudaha isaga gudba iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya dambiilayaasha.

Click here for more

 

Maareynta kheyraadka Biyaha | QM waxa ay taageertay nidaamyada habka lagu maareynayo biyaha

Kooxda Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya iyo dhowr daneeyayaal dheeraad ah ayaa ka qayb qaatay shaybaarka hoggaaminta ee muddo afar bilood ah oo lagu soo saarayay fikrado iyo qalab cusub oo ku saabsan caqabadaha biyaha ee dalka.

Kooxdu waxay qeexday ujeedooyinka hoggaaminta ee saddex nidaam: beddelidda figradaha ku saabsan maareynta kheyraadka biyaha ee u adkeysiga cimilada iyadoo la sii xoojinayo wadahadallada dhinacyada iyo heerarka; tijaabinta barnaamijyada wadajirka ah; iyo horumarinta hab 'yaree dhibaatada deegaanka' ee dadaallada bini'aadannimo ee xsaradaha biyaha.

Click here for more

 

IWD | QM waxa ay ugu hambalyeysay haweenka Soomaaliyeed gacansiintooda dhisidda Soomaaliya wanaagsan

Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay kaalintooda joogtada ah ee ay ka qaataan horumarka dalkooda.

“Laga billaabo dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, ilaa hawlaha xasilinta deegaannadii dhawaan laga xoreeyay gacan ku haynta Al-Shabaab iyo gurmadka bani’aadannimo ee abaaraha hadda jira – haweenka Soomaaliyeed waxay wadaan inay si mug leh uga qaybqaataan dhammaan dhinacyada nolosha bulshada,” ayay tiri Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Gacansiinta Haweenka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah inay abaabuleen bixinta taageero bani’aadanimo – sida cuntada iyo sahayda kale ee muhiimka ah, iyo hoyga – ee la siiyo dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaarta daba dheeraatay.

Hal-ku-dhegga Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee sanadkan waa ‘DHAMMAANDhijitaal: Hal-abuur iyo Tiknooloji ee Sinnaanta Jinsiga,’ waxayna ujeedadeedu tahay in lagu guudmaro muhiimadda tiknoolojiyada dhijitaalka ah oo fursad u ah in la yareeyo farqiga jinsiga iyadoo kor loo qaadayo galaangalka ay haweenku helaan.

Click here for more