Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed Ramadaan nabdoon

22 Mar 2023

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed Ramadaan nabdoon

Mogadishu – Iyadoo Soomaaliya ay guda galayso Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay hambalyo diiran u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Xilliga nagusoo fool leh, waa waqti gaar ah, oo ah xilli duco iyo ka-fijirka xaaladaha, iyo weliba in naxariis loo muujiyo xubnaha bulshada ugu nugul. Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay, waxaan rajeynayaa in bisha Ramadaan ay fursad u noqoto dhamaan bulshada Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan xiriirkooda nabadeed ee ka dhexeeya – Ramadaan Mubaarak, Ramadaan Wanaagsan!” ayay tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa mar kasta ka go’an inay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku garab-istaagto baadi-goobka ay ugu jiraan xaqiijinta dal nabdoon oo barwaaqo ah.