Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Oktoobar 2021

30 Oct 2021

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Oktoobar 2021

 

Bini'aadannimada | OCHA oo soo saartay Warbixinta Baahiyaha Bini'aadannimo ee 2022

OCHA ayaa soo saartay Baahiyaha Bani'aadannimo ee midaysan sanadka 2022, kaas oo ku qiyaasay in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini'aadantinimo sanadka 2022, oo ay ku jiraan 2.2 milyan oo qof oo gudaha ku barakacay (IDPs).

OCHA waxa ay xustay in barakacayaashu ay yihiin kuwo cunto la'aanto ay heyso aadkana u nugul marka loo eego bulshooyinka martida loo yahay. Barakaca sida caadiga ah waa miyi-magaalo, iyadoo dadka soo barakacay ay u soo guureen xarumaha magaalooyinka inta badan ma haystaan xirfadihii looga baahnaa hab-nololeedyada magaalooyinka, barakacayaasha iyo soogalootiga reer miyiga ah ayaa had iyo jeer ku kooban shaqooyin mushaar yar oo aan xirfad lahayn, haddii ayba jiraan.

Intaa waxaa dheer, inta badan barakacayaasha ma haystaan dukumeenti rasmi ah oo ku saabsan dhulka inta badan sida gaarka ah loo leeyahay ee ay degan yihiin, taas oo u nugleysa bara-bixin soo noqnoqota.

https://www.unocha.org/somalia

 

Horumarinta Ganacsiga | UNIDO oo kor u qaadeysa hawlaha ganacsi ee Beledweyne

Qaybta Horumarinta Ganacsiga (EDU) ee Beledweyne – oo lagu aasaasay Barnaamijka Wadajirka ah ee Horumarinta Waaxyaha Wax-soo-saarka ee Soomaaliya ee ay UNIDO oo ay taageerto – waxa ay adeegyo tababar iyo la-talin ah siisay 65 qof oo ka mid ah kuwo wax-soor laga filan karo iyo kuwo hadda ganacsi ku jira sidii ay u horumarin lahaayeen una ballaarin lahaayeen ganacsigooda. Qiyaastii 40 boqolkiiba 65-ta ganacsato waxay ahaayeen dumar.

Iyada oo ay weheliso UNDP, UNIDO waxa ay sidoo kale bixisay tas-hiilaad amaah ah si ay ugu dhammaystirto tababarka helitaanka dhaqaale, iyada oo siisay wadar ahaan $187,000 oo deyn ah oo u dhaxaysa $5,000 - $15,000 midkiiba, 19 ka mid ah ganacsatada.

19-ka qof waxa ka mid ahaa Xasan Maxamed oo ka tirsan Shirkadda Kaah Agro, kaas oo ku guulaystay in uu dhimo 55% kharashaadkii shaqo ee ay ku shaqayn jirtay, korna u qaaday wax-soo-saarka dhul-beereedeedka shirkadda isaga oo dabaqay mabaadi’da maamulka ganacsiga iyo maalgelinta ilo tamareed oo qiimo jaban ah iyada oo loo marayo hirgelinta soolarka nidaamka waraabka bamka tamarta.

https://twitter.com/unidosomalia?lang=en

 

Beeraha | FAO oo fulineysa lacag shaqo ku badalasho si ay u caawiso qoysaska nugul

Iyadoo loo marayo Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ay maalgelisa mashruucan, 'hagaajinta iyo joogtaynta sugnaanta cuntada ee dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga ah,' FAO waxa ay hirgelisay mashruuc dadka lacag caddaan ah lagu siinayo iyagoo shaqeynaya (CFW) iyo qorshayaal lacagta caddaanka ah oo shuruud la'aan ah (UCTs) si loogu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya beeraha oo la xarbinaya hab-nololeedka. -kuwaas oo ay saameeyeen jahawareerka abaarta.

Labada qorshe - CFW iyo UCTs - waxay u suurtagelinayaan dadka nugul inay helaan lacag caddaan ah oo muddo gaaban ah si ay u daboolaan baahiyahooda degdegga ah iyadoo la taageerayo dib-u-soo-kabashada hantida bulshada, iyi tan wax soo saarka ah ee ka caawisa inay ka soo kabtaan, ama ay ku sii sugnaadaan cunno helis ammaan ah abaarta soo socota. 

CFW waxay higsaneysaa inay caawiso qoysaska dhaqaale ahaan nugul laakiin awood u leh inay shaqeeyaan, taageerada dib u habeynta hantida wax soo saarka leh ee bixiya kheyraadka muhiimka ah sida biyaha si loogu isticmaalo faa'iido wax soo saar leh. Hannaankan (UCT) waxaa loogu talagalay in ay taageeraan qoysaska aadka u nugul ee aan awoodin inay shaqeeyaan.

https://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/c/1445377

 

Baarista Dambiyada | UNODC oo xoojineysa awoodda baarista dembiyada Soomaaliya

Iyadoo loo marayo UNODC Barnaamijka Dembi Baarista (CIP) ee Soomaaliya, oo ay maalgeliso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, UNODC waxa ay ka taageertay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed awoodda baarista dembiyada ee labada heer dowladeed.

Iyada oo qayb ka ah hanaanka CIP, UNODC waxa ay samaysay ‘Dariiqa Horumarinta Baaraha.’ Bishii Oktoobar, 27 sarkaal - oo ay ku jiraan laba sarkaal oo dumar ah - ayaa ka qalin jabiyay koorsadii ugu horreysay, oo loo yaqaan Koorsada Horumarinta Baaraha 1 (IDC1). Iyada oo qayb ka ah IDC1, ka qaybgalayaashu waxay bartaan maareynta goobta dembiyada, soo bandhigista, ururinta faraha iyo xirfadaha wareysiga.

Iyadoo loo marayo CIP, UNODC waxa ay IDC1 ka wadaa guud ahaan Soomaaliya iyadoo ujeedadu tahay in Muqdisho lagu tababaro 65 sarkaal oo federaal ah, iyo 65 ka ka tirsan Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, iyo sidoo kale 69 sarkaal oo kale oo ka socda Puntland.

https://twitter.com/UNODC_EA/status/1452981871655194637

 

Dadka gudaha ku barakacay | IOM oo saxiixday heshiis cusub oo lagu taageerayo 75,000 oo barakacayaal ah

IOM waxa ay saxiixday mashruuc afar sano ah oo ay ku baxayso malaayiin Doolar – oo loogu magac daray ‘Saameynta’ (Saameynta: ‘impact’) – si ay u taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xal waara ugu hesho in ka badan 75,000 oo barakacayaal ah iyo dadka nugul. Xubnaha bulshada martida loo yahay, marka laga reebo wadarta guud ee kiisaska Soomaaliya oo ah 2.9 milyan oo barakacayaal ah.

Iyadoo kor loo qaadayo dib-u-soo-celinta bulshada ku barakacay magaalooyinka, Saameynta waxa ay hiigsaneysaa inay ka faa'iideysato waxa  ka dhalanaya qorshaynta magaalooyinka iyo maalgashiga 
kaabayaasha dhaqaalaha iyo in la kordhiyo isku-kalsoonaanta iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee waara ee barakacayaasha ku nool magaalooyinka Baydhabo, Boosaaso iyo Beledweyne.

Mashruuca, oo ay hoggaaminayso IOM oo kaashanaysa UNDP iyo UN-Habitat, ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasi ah iyadoo barakaca qasabka ah, abaarta iyo saamaynta masiibada COVID-19 ay sii xumeeyeen xaalada barakacayaasha.

http://somalia.iom.int

 

Isbeddelka cimilada | UNDP oo taageereysa ergada Soomaaliya ee COP26

Ku dhowaad soddon sano, Qaramada Midoobay waxay isu keeneysay ku dhowaad waddan kasta shirarka cimilada adduunka - oo loo yaqaan COPs, oo u taagan 'Shirka Xisbiyada.'

Isbeddelka cimilada ayaa hadda ah mid mudnaan caalami ah leh , sanadkan wuxuu noqonayaa shir madaxeedka 26-aad ee sanadlaha ah, oo ka dhacaya Glasgow, ee Boqortooyada Ingiriiska.

UNDP waxa ay taageeraysaa ka qayb galka ergada Soomaaliya ee ka qayb galka Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada ee 2021 (COP26).
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu nugul isbadelka cimilada adduunka, waxaana wafdigan ay gacan ka geysan doonaan u doodista magaca dalalka dhaqaale ahaan ugu liita dhanka horumarka caalamka iyo sidoo kale inay soo bandhigaan waxqabadkooda heer qaran, iyadoo laga taageerayo barnaamijka Ballanqaadka Cimilada ee UNDP.

www.so.undp.org

 

Walxaha Qarxa | UNMAS oo qalab gaar ah ku wareejisay ciidamada qaranka Soomaaliyeed

Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Ingiriiska, UNMAS waxa ay ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qalab gaar ah oo qeyb ka ah ka hortagga walxaha qarxa (IED), iyadoo la raacayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, kaasoo ah hage dhameystiran oo ay diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda si ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejiyaan ciidamada Soomaaliya kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

Wareejinta qalabkan gaarka ah ayaa gacan ka geysan doonta xoojinta awoodda yareynta khatarta Walxaha Qarxa (IED) ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo in ay Soomaaliya noqoto mid ammaan ah.

https://twitter.com/sntvnews1/status/1451454188098146318?s=20

 

Biyo | Mashruuca biyo gelinta ee UN-Habitat ee Hargeysa oo heer sare gaaray

UN-Habitat ayaa taageertay mashruuca ballaarinta biyo gelinta magaalooyinka Hargeysa taas oo ka dhigan mid muhiim ah,  iyadoo dhowaan la keenay laba bambooyin cusub oo cadaadiska sare leh iyo tuubooyinka birta ah ee aan daxaleysan si mashruuca loo dhamaystiro.

Shanta bilood ee soo socda, rakibidda iyo isku xirka, mishiinnada, nidaamyada shidaalka, dhuumaha birta ah ee aan daxaleysan, nidaamka ilaalinta dabka, fiilooyinka korantada iyo qaar kale ayaa ka socon doona Saldhigga cusub ee Tuubbada ee Geed Deeble, iyada oo qayb ka ah mashruuca.

Iyadoo la saadaalinayo wakhtiga wareejinta ee March 2022, mashruuca tayeynta kaabayaasha biyaha ayaa kordhin doona xadiga biyaha Hargeysa oo hadda ah sagaal milyan oo biyo ah oo qiyaastii 14.5 milyan oo litir maalintii, iyadoo la kordhin karo wax soo saarka ilaa 24 milyan oo litir. maalin kasta mustaqbalka dhow.

https://twitter.com/UNHabitat_Som/status/1453670770056511494

 

Gudniinka daran ee gabdhaha | UNFPA oo gacan ka geysaneysa daah-furka 'Ololaha Gabadha qaaliga ah' ee gudniinka gabdhaha (FGM)

Iyadoo la xusayo Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka ee 10-kii Oktoobar, UNFPA iyo Ifraax Axmed, oo u ololaysa ka hortagga gudniinka gabdhaha ee (FGM) ahna aasaasaha hay’adda Ifrah Foundation, ayaa wadaagay dareenka ah in gudniinkani uu inta badan sababay dhibaatooyin nafsi ah. Waxa ay si wada jir ah u daah-fureen Ololaha ‘'Gabadha qaaliga ah,’ kaas oo ay dadku ku ballan-qaadi karaan in aan la gudin gabdhahooda, isla markaana ay sidoo kale ilaaliyaan caafimaadka maskaxda ee haweenka iyo gabdhaha.

https://somalia.unfpa.org/en/news/world-mental-health-day-ifrah-ahmed-calls-ending-fgm

 

Waxbarashada | UNHCR oo dib u habeyn ku samaysay dugsiyo ku yaalla gobolka Banaadir

Bishii Oktoobar, UNHCR - iyada oo adeegsanaysa la-hawlgalaheeda Mercy Corps - waxay bixisay taageero waxbarasho iyadoo dib-u-habayn ku samaysay siddeed fasal oo ay ku qalabaysay 45 qaybood oo miisas ah oo la siiyey dugsiga Raage Ugaas ee Muqdisho.

Dhanka kale, dhismaha laba fasal oo kale ayaa ka socda dugsiga hoose dhexe ee Qansaxlaey ee Doolow, waxaana la soo gabagabeyn doonaa toddobaadyada soo socda.
Todobaadyadii la soo dhaafay, UNHCR waxay sidoo kale taageertay dhismaha lix musqulood oo laga dhisayo iskuullada gobolka Banaadir.

UNHCR waxa ay sii waddaa in ay qalabayso dugsiyada Soomaaliya si ay u hubiso in ardayda nugul ee dhiganaysa ay heli karaan jawi dugsi oo ilaalin iyo firfircooni leh oo ku habboon waxbarashada. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa aaminsan in tayada waxbarashada ay weli tahay yoolka muhiimka ah ee lagu hagaajinayo hannaanka waxbarasho ee bulshooyinka barakacayaasha ah.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Maalinta Qaramada Midoobay | Saraakiisha Qaramada Midoobay oo ka hadlay taageerada iyo caqabadaha, iyagoo dib u xaqiijiyay ballanqaadkooda Soomaaliya

Iyadoo la xusayo Maalinta Qaramada Midoobay ee sannadkan oo ku beegneyd 24 Octoobar, ayey madaxda ugu sareysa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku sugan waxa ay guud-mar ku sameeyeen qaar ka mid ah taageerada la siinayo Soomaaliya iyo caqabadaha hortaagan in Soomaalida lagu caawiyo tubta nabadda iyo xasilloonida, iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyay ballanqoodka, si waafaqsan mabaadi'da lagu aasaasay hay’adda.

 “Qaramada Midoobay waxaa loo unkay inay noqoto rajada caalamka oo ka soo baxayay colaad. Hadda, 76 sano ka dib, waxay sii waday in ay adeegto dadka adduunka. Qaar ka mid ah caqabadaha loo abuuray in wax laga qabto ayaan nasiibdarro isa soo bedelin. colaad, saboolnimo, gaajo isku mar ah, caqabado cusub ayaa soo kordhay COVID 19 iyo isbeddelka cimilada, si aan u magacaabo laba tusaale.” ayuu James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ku yiri shir-jaraa'id oo uu khadka internetka ku qabtay isagoo ku sugan Muqdisho, iyadoo ay barbar fadhiyeen saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Halkan, Soomaaliya,” ayuu yiri isaga oo hadalka sii wada, “Qaramada Midoobay waxay ahayd saaxiibka joogtada ah ee dalka tan iyo markii uu xornimada qaatay, oo soo jirtay tobaneeyo sano, waxaana fileynaa in iskaashiga Soomaaliya uu sii socdo,  isagoo dhinacyo badan leh mustaqbalka”

https://unsom.unmissions.org/marking-un-day-world-body%E2%80%99s-officials-somalia-highlight-support-and-challenges-and-re-affirm

 

Waxbarashada | UNICEF oo taageereysa wareejinta iskuullo la dayactiray gobolka Banaadir

Carruurtu waxa ay ku qaataan waqti muhiim ah dugsiyada, halkaas oo adeegga la'aanta ka jirta ay saameyn ku yeelato waxbarashadooda, caafimaadkooda, iyo sharaftooda - gaar ahaan gabdhaha.

Iyadoo walaacaas laga duulayo ayey UNICEF waxa ay soo gebagebeysay dayayactirka sagaal dugsi oo dowli ah oo ku yaalla gobolka Banaadir, iyagoo ku wareejiyey maamul.

Dayactirka waxaa ka mid ahaa dhismaha iyo dib u hagaajinta fashallada, biyaha iyo fayadhowrka, iyo hannaanka qashin aruurinta. Iskuullada waxay heleen miisas halka kuwa kalena loo sameeyey darbiyada fasaladda kala xadida, albaabbo, garoommada ciyaaraha, agabka xafiisyada iyo musqulaha.

mashruucan ayaa qayb ka ah barnaamij ay iska kaashadeen hay’adaha UNICEF iyo WFP waxaana maalgaliyey Jarmalka si kor loogu qaado adkeysiga bulshooyinka la haybsooco ee ku nool gobolka Banaadir iyo Jubaland. Barnaamijkan ayaa la ballaariyey iyo hadda lagu soo saray taageerada FAO ee hab-nololeedka.

https://twitter.com/unicefsomalia/status/1442055570647814147

 

Awood dhisidda | UNSOS oo tababarro siineysa shaqaalaha dab-damiska garoomada Soomaaliya

UNSOS waxa ay bilawday barnaamij laba bilood ah oo tababar ku saabsan duulista iyo samatabbixinta dab-damiska lagu siinayo 16 ka mid ah shaqaalaha dab damiska ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Tababarka khaaska ah wuxuu ka kooban yahay dhinacyada dabka, gargaarka degdegga ah, farsamooyinka deminta, maaraynta qalabka gaadiidka iyo doomaha, qaabdhismeyd garoonka iyo diyaaradaha, tabaha hawlgalka, isgaarsiinta degdega ah iyo jirdhiska jirka.

UNSOS waxa ay bixinaysay tababar ku saabsan la dagaalanka dab si ay u horumariso awooda deegaanka si ay wax uga qabato xaaladaha degdegga ah ee dabka ee garoommada Soomaaliya. Kooxdan shanaad ee tababarayaasha ah ayaa isugu jira kuwo tababarayaal ah iyo kuwa u adeegaya dab-damiska garoomada diyaaradaha ee maamul goboleedyada Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

https://unsos.unmissions.org/unsos-trains-amisom-sna-civilian-firefighters

 

Adkeysiga | WFP oo la shaqeyneysa maamulada federaalka si ay u bilawdo wajiga saddexaad ee mashruuca adkeysiga

Iyada oo ay weheliyaan FAO iyo UNICEF, WFP waxa ay kula biirtay dowladda federaalka furitaanka wajigii saddexaad ee mashruuca lagu xoojinayo adkeysiga 25,000 qoys oo ku nool Jubaland.

Mashruucan oo ay dowladdu leedahay, isla markaana ay si wadajir ah u maamulaan saddexda hay’adood ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay maal-geliyo Jarmalka, ayaa mashruucan waxaa lagu horumarinayaa helitaanka waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda iyo nafaqaynta carruurta waxana uu kor u qaadayaa sugnaanta cuntada ee qoysaska danyarta ah.

Waxay ku dhisan tahay guulihii ay gaareen UNICEF iyo WFP labadii weji ee hore, oo ay ku jireen dib u habeyn iyo cunto siin loo sameeyay daraasiin dugsiyo ah iyo tilmaamayaasha nafaqada oo la hagaajiyay.

Wajiyada waa la isku daray si shaqada dhammaan hay'adaha Qaramada Midoobay ay u noqoto mid is-xoojisa. Tusaale ahaan, UNICEF iyo WFP waxay sii wadi doonaan inay taageeraan nafaqeynta iyo waxbarashada, halka FAO ay qoysaska nafaqo-xumo hayso ama carruur nugul ah ku diiwaan gelinayso howlaha hab-nololeed - taasoo awood u siinaysa inay hagaajiyaan cunto yarida iyo nafaqada.

https://twitter.com/WFPSomalia