Wareysi – Cabdalla Axmed Muumin: “Dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hawl-wadeennada warbaahinta waa in ay dhamaadaan”

previous next
2 Nov 2021

Wareysi – Cabdalla Axmed Muumin: “Dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hawl-wadeennada warbaahinta waa in ay dhamaadaan”

MuqdishoMaanta waa maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta – oo ah munaasabad muhiim ah u ah guudmarka xaaladaha adag ee ay suxufiyiinta qaar ku shaqeeyaan iyo baahida loo qabo in suxufiyiinta caddaalad laga siiyo, baaris iyo dacwad-oogis aan ku koobneyn kaliya dilalka balse sidoo kale lagu sameyo rabshadaha cagajugleynta ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waxaa lagu aasaasay qaraar 2013-ki soo baxay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay si ay u ahaato maamuus sannadle ah, qaraarkaas ayaa ku boorrinaya dowladaha xubnaha ka ah Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa inay dejiyaan tallaabooyin cad oo ka hortagaya dhaqanka ciqaab la'aanta ee hadda jira ee ku wajahan warbaahinta. Taariikhda ayaa loo xushay xuska dilkii 2-dii November 2013-kii, labo weriyaal Faransiis ah loogu geystay dalka Maali.

Qaraarka ayaa dhalleeceynaya dhammaan weerarrada iyo rabshadaha ka dhanka ah hawlwadeennada warbaahinta. Waxa kale oo uu ku boorrinayaa dowladaha xubnaha ka ah inay dadaal weyn ku bixiyaan ka hortagga xad-gudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta, si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka, cadaaladda loo marsiiyo abaabulayaasha dambiyada ka dhanka ah iyaga (Suxufiyiinta), iyo in la hubiyo in dhibbaneyaashu ay helaan daryeel ku habboon. Waxa kale oo uu ugu baaqayaa dowladaha xubnaha ka ah inay sare u qaadaan deegaan nabdoon oo awood u siinya suxufiyiinta inay shaqadooda u gutaan si madaxbanaan oo aan faragelin lahayn.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waa dallad shaqaale oo ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta madaxabannaan. Suxufiyiin Soomaaliyeed oo xirfadleyaal ah ayaa aasaasay bishii Maajo 2019-kii, si ay u difaacaan xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed una dhiirrigeliyaan xorriyadda saxaafadda. Ururku waxa uu xubin ka yahay Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo CIVICUS, oo ah isbahaysi caalami ah ee ururrada bulshada rayidka ah oo u heellan xoojinta waxqabadka muwaadinka iyo bulshada rayidka ah.

SJS waxaa ku mideysan in ka badan 450 xubnood, oo ka kooban suxufiyiin, tifaftire-hoosaadyo iyo tifaftireyaal, waxa uu ku shaqeeyaa lacagaha xubinnimada sannadlaha ah ee xubinihiisu, iyo sidoo kale taageerada bah-wadaagtiisa caalamiga ah, sida; Sanduuqa Qaran ee u Deeqidda  Dimuqoraadiyadda iyo Sanduuqa Kanada ee Hindiseyaasha Maxalliga ah, iyo sidoo kale Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya ayaa si joogto ah uga hadasha muhiimadda ay leedahay badqabka warbaahinta iyo ilaalinta booska siyaasada dalka, oo ay ku jirto xorriyadda ra’yiga.

Wareysiga soo socda ayuu Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalla Axmed Muumin, uga hadlayaa xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.

S. Aragtidaada, intee in la eg, ayey Soomaaliya ammaan u tahay wariyeyaasha?

Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeyaan deegaan aad khatar u ah – waxa ay u dhexeeyaan Dheri iyo Dhimbil. Soomaaliya waxa ay leedahay naaneys aan laga fursan karin oo ah iney tahay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay saxaafaddu ka shaqeyso. Hanjabaadaha iyo weerarrada ka imaanaya mas’uuliyiinta dowladda, shaqsiyaadka gaarka ah iyo fallaagada mintidiinta ah ee Al-Shabaab ayaa caadi ah. Suxufiyiinta doonaya in ay ka warbixiyaan arrimaha amniga, khaladka mas’uuliyiinta dowladda, iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, ayaa si joogto ah ula kulmayey caga-jugleyn iyo cabsi-gelin. 

Suxufiyiin badan ayaa lagu qasbay inay is-faafreebaan. Maadaama uu dalku hadda ku jiro kala-guur, una diyaar garoobayo qabashada doorashooyinkiisa, dhibaatooyinka ayaa sii kordhay. Waxaa xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta sii dheer, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa soo rogay sharci qallafsan oo dhanka saxaafada ah, kaas oo xadidaya xorriyadda hadalka, faafreeb ku sameynaya suxufiyiinta, islamarkaana u dhigaya ciqaab adag warbixin kasta oo loo arko in ay wax u dhimeyso qaranka, sida ka warramidda amniga qaranka ama xataa baaris lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda.

S. Maxay aheyd saameynta ay ku yeelatay suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Cabdalla Muumin: Sannadkan oo keliya hal wariye - Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaashii internetka - ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo, Puntland. Saddex wariye ayaa ku dhaawacmay rasaas, halka saddex kalena la garaacay. Shan xarumo oo warbaahineed ayaa la weeraray, halka ku dhawaad darsan kalena loo caga-jugleeyay oo la cabsi-geliyey, ama loo diiday inay war helaan. Intii u dhaxaysay 1 Jannaayo iyo 26 Oktoobar, 49 wariye ayaa la xiray. Inta badan xarigga ayaa ahaa xabsiyo sharci darro ah oo ka dhacay Muqdisho, Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Somaliland.

Hababka difaaca suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo aad u xaddidan. Xarumaha warbaahintu ma haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku difaacaan suxufiyiintooda u bareeraya shaqooyinka halista ah, mas'uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleedna waxay inta badan ku guuldarreysteen inay difaacaan suxufiyiinta - inta badan kuwa ka mas'uulka weeraridda, caga-jugleynta ama cabsi-gelinta suxufyiinta ayaan lala xisaabtamin. Tanina waxay sidoo kale uga sii dartay badbaadada iyo ilaalinta shaqooyinka warbaahinta ee dalka oo dhan.

Waxaa intaas dheer, saxaafadda ayaa xirfad ahaan Soomaaliya ka mid ah kuwa bixiya mushaarka ugu yar, waxaana baahi weyn loo qabaa in la horumariyo xirfadda suxufiyiinta iyadoo la siinayo tababarro xirfadeed. 

S. Muhiimad intee la eg ayay Maalintan Caalamiga ah ee soo Afjarida Isla-xisaabtan la'aanta Dambiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta u leedahay warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Maalinta Caalamiga ah ee Dhameynta Isla Xisaabtan La'aanta Dambiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta waa maalin u gaar ah suxufiyiinta adduunka oo dhan - waxayna muhiimad gaar ah ku leedahay Soomaaliya maadaama ay noo tahay xusuus murugo leh ee dhammaan suxufiyiinta walaalaheen ah ee la dhaawacay ama la dilay, iyagoo gudanaya shaqadooda muhiimka ah, balse sidoo kale waa xusuusiye muhiimadda ay leedahay u doodista isbeddelka si loo gaaro cadaalad.

Marka loo eego xogta aan hayno, 12 wariye ayaa lagu dilay dalka tan iyo bishii Febraayo 2017. Sida uu sheegtay guddiga difaaca suxufiyiinta ee CPJ, ilaa 70 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 1992 kii. Nasiibdarro, ku dhawaad 99 boqolkiiba dilalkaas, si sax ah looma baarin, dambiilayaashana weli si xor ah ayay u mushaaxayaan.

Tani waxay xoojinaysaa muhiimadda ay Maalintani u leedahay munaasibad loogu qareemayo dhameynta isla xisaabtan la’aanta ceynkaas ah ee dambiilayaasha iyo in cadaalad loo soo taago dhibanneyaasha dartood. Soomaaliya waa inay xuska sanadkan fursad uga dhigtaa ballan cusub oo dhab ah oo lagu afjarayo dilalka suxufiyiinta, lana baaro dhammaan kiisaska suxufiyiinta la dilay, lana maxkamadeeyo dambiilayaasha. Si fudud, dembiyada ka dhanka ah suxufiiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta Soomaaliyeed waa in ay dhamaadaan.


Cabdalle Muumin oo ka hadlayay Barnaamij idaacadeed oo toos ah.

S. Maxay SJS sameyneysaa si ay gacan uga geysato difaacidda suxufiyiinta iyo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya?

Cabdalla Muumin: Waqti xaadirkan, sida aasaaskeedu yahay, SJS waxay ku dedaaleysaa badbaadinta nolosha suxufiyiinta. Waxaan la xiriirnaa qareennada maxalliga ah, khubarrada amniga iyo suxufiyiinta sare si ay, iyaga oo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, 24/7 talo u siiyaan suxufiyiinta soo tebiya dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo horumarka goobaha colaadaha.

Guud ahaan, waxaan hiigsaneynaa in aan abuurno madal ay suxufiyiintu, isku dhexgeli karaan, ku xiriiraan, isla markaana ay ku wadaagi karaan hab-dhaqamada ugu wanaagsan, sidoo kalena ay awooddooda ku dhistaan koorsooyin tababbar, siminaarro ama aqoon-is-weydaarsiyo, si ay Soomaaliya maalin uun uga faa’ideysato in ay hesho warbaahinta tayada leh ee ay u qalanto.

Amintan la joogo, SJS waxay hadda qabanaysaa taxane tababar oo ku saabsan badbaadada, oo ay taageerto Sanduuqa Kanada ee Hindisaha Maxalliga ah (CFLI), iyada oo ilaa 60 suxufi ay ka qaybqaadanayaan. Annaga oo kaashanayna bah-wadaagteenna caalamiga ah, waxaan horey u soo helnay koorsooyin tababar kale, waxaana rajeyneynaa inaan wax badan helno mustaqbalka.

S. Taageero noocee ah ayay u baahan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan difaacooda oo ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda?

Cabdalla Muumin: Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa unug muhiim ah oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna udub dhexaad u yihiin dedaallada nabadeynta iyo dowlad-dhisidda dalka. SJS waxay jeclaan lahayd inay aragto saaxiibada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, oo taageero dheeraad ah u ballanqaadaya qeybta warbaahinta – ma aha oo kaliya taageeridda koorsooyinka tababarka gaaban, laakiin sidoo kale iyada oo loo marayo mashaariicda horumarinta muddada dheer ee suxufiyiinta iyo warbaahinta. Sidoo kale, QM waxay hore u ahayd mid wax-ku-ool ah, marka ay timaado ka hadalka difaaca xorriyadaha aasaasiga ah, sida xorriyadda ra’yiga, waxaanan ku boorrinayaa inay kaalin mug leh ka qaadato sidii ay ugala doodi lahayd lahayd madaxda dawladda si loo xaqiijiyo in xoriyadda ra’yiga lagu ilaaliyo Soomaaliya.

Saxafiyad muuqaal duubeysa xilli shaqo