Ifraax Nuur Xasan: Oo tusaale muuqda u noqotay hablaha ka shaqeeya wax soo saarka beeraha Puntland

12 Dec 2020

Ifraax Nuur Xasan: Oo tusaale muuqda u noqotay hablaha ka shaqeeya wax soo saarka beeraha Puntland

Garoowe –  Beeraha iyo beera falashaduba waa mihnad ay ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo kunool Soomaaliya gaar ahaan Puntland. Deegaannada Puntland waxay leeyihiin dhul buuroley ah,  cimilo diirran leh oo saxare u eka ah, hayeeshee waxaa lagu guulaystay in horumar laga gaaro dhanka wax soo saarka lana maareeyo nolosha qoysas badan.

Sidaasoo ay tahay, labaatankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa dadka Puntland kunool is baddal xooggan ka sameeyeen dhanka beeraha.

Beeraha Jibagalle waa beero isku xiriirsan oo tiradoodu ka badan tahay 150 beer, waxaana deegaankaasi qiyaastii 15 km dhanka waqooyi bari ka xigaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Beeralayda Puntland ee Jibagalle waxay ku tallaabadeen horumar dhanka beeraha ah, ayagoo beeray  noocyo kala duwan oo isugu jira miro iyo khudaar ay kamid yihiin, mooska, cambaha, saytuunka, liinta, khasabka, iyo lawska. 

Deegaan beeraadkani wuxuu caan ku noqday beeraha iyo dalxiiska sanadihii lasoo dhaafay, waxayna soo kordhiyeen beeralaydu habab cusub oo beeraha loo falo iyo isitcmaalka Soollarka ayagoo iskaashiyo la sameeystay,  ganacsato iyo saaxiibo kale.

Dadka ay soo jiiteen beeraha Jibaggale ee shaqooyinka wanaagsan ka qabtay waxaa kamid ah Ifraax Nuur Xasan.

Mar walba oo horumar lagu talaabsado waxaa hor yaalla caqabado iyo cid abuurta niyad jabin hayeeshee Ifraax oo taageero ka helaysa hooyadeed, waxay u babac dhigtay inay maamusho beer baaxad leh oo saasaarta wax dalag mug leh.

“Beertan waxaa aasaasay aabbahay oo meel fiican soo gaarsiiyay, markii uu dhintay Allaah ha u raxmadee waxaa la wareegay aniga iyo hooyaday, waxaan horumar wax ku ool ah kusoo kordhinay beertan oo baaxaddeedu gaarayso 11 Hektar muddo kusiman shan sano, waxaana beerta ka dhiganay mid wax soo saar wanaagsan samaysa.  Iminka waxaa laga faa’iidaystay badi dhulka beerta qiyaastii 90 boqolkiiba. Waxaa beerta ku xanaanaynaa xoolaha nool, waxana ku beernaa dalagga isugu jira miraha iyo khudaarta” ayay tiri Ifraax.

Timirta, liinta, saytuunka, qaraha, basasha, basbaaska, iyo yaanyadu, cambaha, moringa, iyo lawska  waxay kamid yihiin dalagga kasoo baxa beertan, waxaana intaa u dheer, xoolaha nool sida, geela lo’ada iyo ariga oo lagu dhaqo.

Hiigsigsigii hore

Ifraax waxay waligeed lahayd hammi iyo yididiilo sare oo ay bulshadeeda ku taageerayso,  laakiin fursaddan beeraha ayaa ku dhalatay xilli danbe markii ay aragtay in ay leedahay fursado muhiim ah oo nolosha dadka kor loogu qaadi karo. Waxay Ifraax ku dhalatay magaalada xeebeedka taariikhiga ah ee Eyl ee gobolka Nugaal ee Puntland, waxayna nolosheeda inta badan ku qaadatay Garoowe, halkaasi oo ay wax ku baratay, ayadoo ka qalin jabisay jaamacadda Puntland State University kana qaadatay shahaadada koowaad Maamulka Dawliga ah sanadkii 2014.

Markii ugu horaysay ee ay la wareegtay beertan  dadka qaar ayaa u muujiyay in beera falashadu tahay shaqo ragga kaliya ka bixi karaan, waxaana asxaabteeda iyo dadka kalaba shaki galiyeen inay shaqadan beeraha ka bixi karto oo ay tahay shaqo adag oo daal leh muruqna u baahan.

Waxay Ifraax lasoo baxday han iyo aragti dheer oo ay isaga indho tirayso baqo galintaasi ka imaanaysay hareereheeda, waxayna go’aansatay inay sii waddo dadaalkii ay kala wareegtay hooyadeed oo uuga sii horeeyay Aabbeheed Allaha u raxmadee, waxayna gacanta ku dhigtay dhammaan maamulka beerta. Waxay beertani samaysaa wax soo saar baaxad leh oo xillile ah oo isugu jira khudaar, miro iyo waliba hilibka iyo caanaha ayadoo hadda soo saarta qiyaastii 5 kun oo kiilo halka ay shan sano kahor kasoo saari jirtay qiyaasta 1 kun oo kiilo.

Si gaar ah waxaa loo xusi karaa in wax soo saarka caanaha  oo sare u kacay. Waqtiyadii hore waxaa xoolaha laga maali jiray qiyastii 600 litir balse hadda oo horumar wayn beertu ku tallaabsatay waxay gaaraysaa 3 kun oo litir caanaha laga helo noocyada xoolaha.

“Waxaannu hadda beernaa dhul baaxad leh, waxana ka qayb qaadanay shaqo abuurka. Waxaa iminka si toos ah u shaqo galinay shaqaale gaaraya 15, kuwaasoo shaqooyinka kala duwan ee beerta qabta sida, falidda, waraabka, guridda, raridda, qaybinta iyo iibgaynta. Waxaana wax soo saarka beerteena gaarsiinaa meelo ka baxsan Garoowe sida Gaalkacyo iyo Buurtinle,” ayay tiri Ifraax.

Hal abuur cusub

Ifraax waxay hindistay habab cusub oo lagu ballaarinayo wax soo saarka beerta ay labadeeda waalid heer aad u wanaagsan oo gaarsiyeen. Waxay si taabbo gal ah uga faa’iidaysatay Tignoolajiga casriga si ay u yarayso kharashka badan ee isticmaalka shidaalka, waxaana beerta ka samaysan soollar, guriga dhirta lagu kobciyo  iyo habka casriga ah ee waraabka tifiqlaha ah..

Ayadoo amba qaadaysa hal abuurka dhanka tignoolajiga  la xiriira, waxay hirgalisay laba aaladood oo soollaro ballaaran ah, si ay waraabka u kordhiso, waxayna soo tuuraan biyo gaaraya kumanaan litir  oo ka imaanaya laba ceel oo ka qodan beerta. Labada aaladood ee Solarka ah waxaa midkiiba ka koobmaa 100 xabbo oo solar ah, waxayna si heer sare ah u yareeyeen kharashkii xad dhaafka ah ee loo isticmaalayay sida shidaalka, iyo dayactirka qalabka sida mtaatoorada,waxaana intaa dheer in solarku u wanaagsan yahay deeganka marka la bar bardhigo matoorka.

Kharashka Soollarka iyo midka farsamaduba waa mid sare laakiin waxaana muddo ku siman saddax sano ugu badnaan dib usoo noqon kara faa’iidadii la filaayay ee ku bixi jiray kharashaadka iyo shidaalka

“Markii hore kharashku wuxuu nagu ahaa mid aad u badan, waxaan si xooggan ugu tiirsanayn shidaalka loo isticmaalo matoorada si oo helo biyo iyo koronto. Bil walba waxaa nagu bixi jirtay 5 kun oo dollar oo kharash ah, haddase  waxaannu si cajiib ah hoos ugu dhignay isticmaalka  shidaalka oo iminka aan ay naga baxdo 200 oo dollar qiyaastii oo shidaal ah –  saamaynta tamarta soolarka waa mid laga dheehan karo beerteenna. Waxay sidoo kale sare u qaadday tayada iyo tirada wax soo saarkeena” ayay tiri Ifraax.

 

Ifraax waxay leedahay qorshayaal fog fog oo ka baxsan ka shaqaynta beerta waalidkeed aasaasay, waxayna ku haminaysaa inay wax qabadkeeda si toos ah ugu gudbiso  bulsho waynta deegaankeeda.

“Ujeedkeennu maahan oo kaliya inaan wax soo saarka badinno ama macaash kaliya raadinno,” ayay tiri Ifraax. “  Run ahaantii kordhinta wax soo saarka waa ujeeddo wanaagsan , laakiin waxaan leenahay yoolal mustaqbalka ah oo aan kor ugu qaadayo isku filnaanshaha, yaraynta diqowga cimilada, kobcinta dhaqaalaha, iyo abuuridda nolol wanaagsan dadka kunool gobolka – Laakiin hadafkayga waxaa kaloo ka mid ah gaaridda heer aan taageero u fidin karo bulshada qaybeheeda tabarta daran, anagoo ka caawinayna inay helaan khudaar iyo wax soo saarka xoolaha oo qiimo jaban. Waxaa intaa dheer inaan dhallinyarada fahansiinno  inay qayb ka qaataan wax soo saarka waddanka, maskaxdoodana ka shaqaysiiyaan dalkoodana ay wax ugu qabtaan waxay soo barteen”