Intii lagu jirey booqashadii Baydhabo, Ergayga QM ayaa iftiimiyey baahida awood-siinta haweenka iyo muhiimadda adeegga dhallinyarada la-takooro

9 Mar 2020

Intii lagu jirey booqashadii Baydhabo, Ergayga QM ayaa iftiimiyey baahida awood-siinta haweenka iyo muhiimadda adeegga dhallinyarada la-takooro

Dadaallo adeegyo asasi lagu siinayo carruurtabarakacayaasha iyo dhallinyarada isla markaana lagu duminayoxayndaabyada shaqaalaynta dhallinyarada ayaa ku xirnaydbooqashadii maanta ee Baydhabo ee Ergayga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, James Swan.

Intii uu joogey xarunta maamulka KG Soomaaliya, sarkaalkaQM waxaa wehlinayey wakiilka Hay’adda Carruurta UNICEF, Werner Schultink, wuxuuna booqday Barnaamij lagu bixiyoWaxbarashada Asaasiga ah oo fursado waxbarasho lagu siinayodadka ugu jilicsan iyo carruurta takooran ee Soomaaliya ee kunool xeryaha Hagarkaa iyo Madi Geri oo ah xeryo barakacayaal.

“In badan oo ka mid ah carruurtan ma awoodi lahayn inayhelaan waxbarasho barnaamijkan la’aantii, qaar abid iskuulbama aadin xeradan kahor,” ayuu yiri Mr. Swan oo saxaafadda la hadlay.

Baydhabo oo qura, in ka badan 3,000 oo carruur ah ayaa u qoranBarnaamijkan Waxbarashada asaasiga ah lagu siinayo ardaydaee ay UNICEF taageerto isla markaana ay kala shaqaysoWasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Booqashadii barnaamijkan waxbarashada waxaa xigtey mid lagu tegey xarunta farsamada ama xirfadaha gacanta ee ay maamusho GRRN, oo la jaal ah UNICEF, taasoo ilaa 200 oo dhallinyaro ah lagu barayxirfado kala duwan si ay u galaan suuqa shaqada, sidatubbiistaha, korontada, xiritaanka soollarka iyo dhisidda musqulaha.

“Dhallinyarada rag iyo haweenba waa baranayaan xirfadahan – si loo burburiyo xayndaabka jinsiga isla markaanahoosta looga xarriiqo in haweenku aysan ku xadidnayn meelqura,” ayuu yiri Mr. Swan.

Ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka

Ergayga QM wuxuusidoo kale tilmaamay in booqashadiisu ay kusoo aaddeyMaalinta Haweenka Caalamiga ah oo la xuso 8-da Maarso, iyadoo ujeedku yahay awoodsiinta haweenka iyo baahida looqabo sinnaanta haweenka isagoo amaanay geeddi socodkahaweenka KG Soomaaliya ee ku saabsan inay haweenku ka qayb galaan siyaasadda.

“Waxaan u hambalyaynayaa maamulkaKG oo dadaal ugu jira awoodsiinta haweenka iyo metelaaddasiyaasadda. Tan waxaa lagu muujiyey dhismihii maamulkaDiinsoor ee dhowaantan, kaasoo ay iminka haweenku haystaan10 ilaa 21 kursi, iyagoo cabbir u noqon kara geeddi socodkasiyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Intii la joogey Baydhabo, Ergayga QM wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed‘Laftagareen.’ Moowduuca ah inay haweenku siyaasaddaSoomaaliya ka qayb galaan, wuxuu Mr Swan uga mahad celiyeymaamulka KG oo dadaal u galay awoodsiinta haweenka iyoka qaybgalkooda siyaasadda.

Ergayga QM wuxuu sidoo kale soodhoweeyay dadaalka ay KG ku samaynayso – sida ku dhigandastuurka – Gole cusub oo heer gobol ah kaasoo loosoo xulidoono metelaadda bulshada kala duwan ee KG Soomaaliya. QMayaa taageertay geeddi socodka gole samayntan iyadootababartay Guddiga Farsamo ee Xulitaanka ee gobolka.