Isaga oo ka hadlaya shirkii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu bidhaamiyey xiisadaha siyaasadeed iyo baahida loo qabo wadaxaajood

22 Feb 2021

Isaga oo ka hadlaya shirkii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu bidhaamiyey xiisadaha siyaasadeed iyo baahida loo qabo wadaxaajood

Muqdisho/New York –Siyaasadda murugsan ee haatan Soomaaliya ka taagan iyo baahida loo qabo wadaxaajood iyo isu-tanaasul si loo xalliyo ayuu aad uga hadlay maanta Ergeyga Qaramada Midoobay ee dalka kulankii Golaha Ammaanka.

“Kulanka maanta ee Golaha waa mid xilligiisii ku soo aaday marka la eego arrimaha Soomaaliya toddobaadyadi dambe ka soo cusboonaaday iyo xataa maanta,” waxaa sidaas Golaha u sheegay Golaha isaga oo shirka uga qeybgalay aaladda foggaan aragga isaga oo jooga caasimadda Soomaliya ee Muqdisho.

“Xiisada siyaasadeed ee isa soo taraya waxa ay halis galinayaan horumarka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xataa ammaanka haddii aan lagu xallin wadahdal iyo isu tanaasul iyada oo la eegayo danta dalka. Nasiib darro, taas bedelkeeda waxaan arkeynaa istaraatijiyadu, kaartooyin cadaadis iyo tijaabooyin xoojinaya khataraha.”

Ergeyga QM waxa uu Golaha uga warbixiyey sida ay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu guuldarreysteen in hore loo wado hirgalinta nidaamkii doorasho ee ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah 17-kii Sebteembar 2020. Nidaamka waxaa si rasmi ah u ansixiyey labada gole ee barlaamka Soomaaliya waxaana taageeray jilaayaal siyaasadeed oo waa weyn.

Xiisaadda ka taagan hirgalinta nidaamka waxaa ku soo biiray su’aalaha ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka keeneen sharciyadda madaxweynaha kaddib markii uu dhammaaday mudadiisii dastuuriga ahaa 8-dii Febraayo. Dowladda Federalka waxa ay cuskatay qaraar ay barlamaanka ansixiyeen bishii Oktoobar, kaas oo u ogolaanaya in madaxweynaha xilka sii hayo laakiin aad ayaa looga dooday.

Xiisadda waxa ay cirka isku sharreertay toddobaadkii tegay. Dhawr dhacdooyin shaqaaqo ah ayaa laga soo wariyey Muqdisho subixii 19-ka bisha Febraayo xilli uu soo socday dibadbaxyo ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta Madaxweynaha. Dhacda waxaa qeyb ka ahaa gacan ka hadal hubeysan oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda iyo kooxo ammaan oo ay hawlgaliyeen mucaaradka, sidoo kalw dowladda rasaas ayey ku riday si ay u kala eriso.

 “Xiriirka dadweynaha uga imanayey hoggaamiyeyaasha waa weyn waxa uu noqday mid murankiisu xooggan yahay, taas oo abuurtay kalsooni darro iyo tabashooyin ay dareemeen dad badan,” waxaa sidaas hoosta ka xarriiqay Mr. Swan. “Sidaas daraadeed, waqtigan Soomaliya waa mid ay xiisadi ka jirto maadama ay ficilada iyo hadalada kicinaya ay socdaan.”

Dadaaladdii u dambeeyey

Ergeyga QM waxa uu dib ugu celiyey dadaaladii ugu dambeeyey ee la sameeyey si hore loogu wado hirgalinta heshiiskii 17-kii Sebtembar ee nidaamka doorashada.

Dadaaladan waxaa ka mid ahaa shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS caasimadda Dowlad Gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 2-dii ilaa iyo 6-dii Febraayo. Horumarro ayaa laga sameeyey balse ma jirin heshiis kama dambeys a oo la gaaray qodobadii aadka loogu muransanaa  - kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha gudiga maamulaha doorashada, qaabka loo soo xulayo xubnaha Somaliland ku matalaya hay’adaha Dowladda Federalka iyo mamaulka doorashooyinka Gobolka Gedo eek a tirsan Dowlad Gobolleedka Jubaland.

Shirkaas kaddib, Dowladda Federalka waxa ay shir u saartay guddi sare oo farsamo oo ka koobnaa wasiiro ka socday Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah kuwaas oo ku kulmay Bayddhabo, Koonfur Galbeed intii u dhexeysay 15-kii ilaa iyo 16-kii Febraayo. Guddiga waxa ay ku dhawaaqeen in ay xal farsamo ka gaareen xal qodobadii lagu muransanaa, waxa ay adkeeyeen qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ee habraaca doorashada, waxa ayna sheegeen in ay dib u eegis yar ku sameeyeen oo ay soo saareen jadwal doorasho oo gaaban.

Iyada oo ka duuleysa shaqadii gudiyadan, Dowladda Federalka waxa ay shir ugu yeertay Dowladda Federalka iyo Dowlahadaha Xubnaha ka ah kaas oo ka dhici lahaa 18-ka ilaa iyo 19-ka Febraayo Muqdisho, hase ahaatee, dhacdooyinkii u dambeeyey ayaa carqaladeeyey qorshahaas iyada oo ay hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay ku gacan sayreen in ay ku soo biiraan shirka Dowladda Federalka iyo Dowlad Gobolleedyada kale.

 “Anaga iyo saaxiibada kale, waxaan wadnaa dadaalada aan ku fahmeyno oo aa wax uga qabaneyno walaaca ay labadan hoggaamiye si ay ugu soo biiraan habraaca si hore loogu amba-qaado heshiiskii 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri Mr. Swan.

Saaxiibada caalamka

Hadal-jeedintiisii, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu xusay sida uu ugala shaqeeyey saaxiibada kale ee gobolka iyo caalamka si loola falgalo hoggaamiyeyaasha DFS iyo DXDFS, hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee siyaasadda iyo Ururada Bulshada si ay ugu baaqaan in ay la yimaadaan dhabbe hore loogu socon karo iyada oo loo tanaasulayo danta qaranka.

Toddobaadyadii tagay, saaxiibada caalamka waxa ay sheegeen in aysan jiri Karin doorasho hal dhinac ah, habraac barbar yaac ah iyo go’aan hal dhinac ah ay gaaraan hoggaamiyeyaasha Soomaalida - iyo midda ugu muhiinsan, in aysan jirin ficillo horseedi kara kala qeybsanaan intaas ka badan iyo halis keeni karta iska horimaad.

“Aan tan caddeeyo, waxaan wali aaminsannahay in nidaamkii wadar ogolka ahaa ee 17-kii Sebtembar yahay nidaamka ugu wanaagsan ee hadda jira kaas oo hore loogu sii ambaqaadi karo habraac doorasho oo lagu soo xulayo xubnaha barlamaanka, kuwa aqalka sare iyo madaxweynaha, ayuu yiri Mr. Swan. “Tani waxa ay yareyn doontaa in dib u dhac kale ku yimaado kala guurka Soomaalida ee afartii sanaba marka ah, si loo xaqiijiyo in hoggaamiyeyaasha la doortay ay helaan sharciyad cad, aadna loo aqbalo, una ogolaato in dalka uu diiradda uga leexiyo loolanka siyaasadeed arrimaha kale ee hortabinta u leh dalka ee ay danta dadka ku jirto.”

“Si dhabbahan hore loogu sii socdo, waxaa muhiim ah in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay adeegsadaan wado walba oo suurtagal ah oo lagu wadahdali karo, lagu wada tashan karo iyada oo ay qeyb ka tahay in lala xiriiro dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo ururada bulshada ee saameynta leh si loo maqlo codadkooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. “Si loo dhiso kalsoonida habraaca, waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo in gudiyada maamulaya, kor joogteynaya habraaca doorashada ee lagu heshiiyey ay yihiin kuwo dhex dhexaad ah oo madax bannaan, dabagal joogta ah lagu sameeyo.”

Ergeyga QM waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay xorriyadda aas aasiga ah ee siyaasadda – kuwaas oo ay ka mid yihiin xorriyadda hadalka, isu imaatinka, ururada iyo in fursad loo helo saxaafadda – waa in la xaqiijiyo, xilli ay xiriirka hoggaamiyeyaasha siyaasadda, gaar ahaan kuwa DFS iyo DXDFS ay qasab tahay in ay joogto ahaadaan si loo yareeyo Isfahan waaga imaanka mustaqbalka iyo in la xalliyo dhibaatooyinka kahor inta aysan faraha ka bixin.

“Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada kale waxa ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay dhabbahan hore ugu socon lahayd iyaga oo u qabanaya madallo wadaxaajood, tagaeero farsamo oo la xiriira habraaca iyo dabagalka in la hirgaliyey ballanqaadyadii, waa haddii kooxaha Soomaalida ay kuwani u arkaan taageero waxtar u leh,” ayuu yiri Mr. Swan.

Waxyaabaha kale ee hortabinta leh

Hadal jeedintiisii, Ergeyga QM waxa uu xusay haddii ay sii dheerato waqtiga ay diiradda saran tahay siyaasadda qaranka ee la xiriira ismari waaga ka taagan doorashada, waxaa si kordhaya saameynta taban ee ay ku yeelaneyso waxyaabaha kale ee hortabinada leh, sida In hore loo sii wado is bedelada amniga iyo dhaqaalaha, dhammeystirka dastuurka iyo laga shaqeeyo ajandeyaasha horumarinta.

Dhinaca ammaanka, Mr. Swan waxa uu sheegay in wali Al-Shabaab yihii khatarta kowaad ee amniga Soomaaliya. Kooxda argagixisada ah waxa ay sare u qaaday hawlgaladooda tan iyo bishii Agoosto 2020 iyo bilowga 2021 xilliyadaas oo la arkay tiro weeraro ah oo badan oo lala beegsaday saraakiisha dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago furimaha dagaalka, waxaa la dhameeyey shaqadii u diyaar garowga kala guurka ee ay mas’uuliyadda amniga dalka kula wareegayaan ciidankeeda 2021-ka sida uu Golaha Ammanka codsaday.

Dhinaca arrimaha bili’aadnnimada, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu xusay in xaaladda ay tahay mid xun. Tirada dadka u baahan gargaarka  waxa ay sameysay sare u kac, iyada oo sanadkii hore ahayd 5.2 milyan halka sanakan 2021 ay tahay 5.9 miluam, taas waxaa sabab u ah sugnaan la’aanta cunto ee korortay, masiibooyinka cimilada iyo duullaankii ugu ba’aa ee uu ayax soo qaado tobaneeyadii sano ee u dambeeyey.

“Waxaan aad ugu mahadcelineynaa deeq bixiyeyaasha sanadkan 2020, baahiyaha bini’aadanimo wax ay sii ahaan doonaan ku sare waxaana markale taageero u dooneynaa Qorshaha Ka Jawaabidda Aririmaha Bani’aadannimo ee 2021 kaas loo codsaday $1.09 billion,” ayuu yiri Mr. Swan. Qoyska QM waxa ay wali sii wadaan kala shaqeynta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka xal waara u helidda masiibooyinka soo noq noqda.”

Xanuunka safmarka ah ee COVID-19 waxa uu sidoo kale saameyn ku yeeshay xaalada bani’aadannimo ee dalka

 “Nasiib darro, toddobaadyadii tegay waxaan aragnay kiisaska cusub ee COVID ee Soomaliya oo sare u kacay kaas oo uga sii dari doona xaaladda horeba u adkeyd ee bani’aadannimo,” ayuu yiri Mr.Swan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada la siinayo tallaalka COVAX, Qaramada Midoobay oo wada-shaqeyn dhaw la leh mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa sidii loo xaqiijin lahaa kooxda ugu horreysay ee tallaalkan ay noqdaan shaqaalaha safka hore ku jira iyo kooxaha nugul ee guud ahaan dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu hadalkiisiisa ku soo gunaanaday hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo uu ugu baaqay in ay dib uga joogaan gacan ka hadalka oo ay iska dhawraan halista ay leedahay kaartada ah GUULESTAHA HA QAATO WAX WALBA.

“Taas bedelkeeda, waa waqtigii la raadin lahaa wadahadal iyo isu-tanaasul si loo gaaro heshiis lagu kalsoon yahay oo siyaasadeed,  loona dhan yahay, si loo qabto doorashooyinka waqtga ugu dhaw iyada oo lagu saleysanayo nidaamkii 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri.

 

* Hadal-jeedintii Ergeyga Gaarka ah oo dhammeystiran waxaad ka aqrisan kartaa halkan.