Isbeddelka cimilada: heerkulka kor-u-kacaya iyo colaadaha adduunka oo laga badbaadiyo uunka

1 Mar 2024

Isbeddelka cimilada: heerkulka kor-u-kacaya iyo colaadaha adduunka oo laga badbaadiyo uunka

Nairobi - Isbeddelka cimilada ayaa noqday arrin weyn oo sababta xasillooni-darada adduunka oo xitaa Golaha Ammaanka QM uu ku darey ajandahiisa

Shirka Arrimaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay ee toddobaadkan ka dhacaya magaalada Nayroobi, khubarro uu ka mid yahay Christophe Hodder, la-taliyaha arrimaha cimilada, nabadda iyo amniga ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa ku kulmayay si ay uga wada-hadlaan xiriirka adag ee ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo colaadaha

Mr. Hodder ayaa muujiyay waxyeellada ay dagaalladu u geysteen deegaanka iyo cawaaqib-xumada ka dhalatey, isagoo wariye Anton Uspensky oo ka tirsan bahda UN News' u sharxaya xaaladda qallafsan ee ay abuureen colaadaha iyo meeraha kululaanaya maadaama ay “saameyn ku yeesheen hab-dhiska deegaannada gaarka ah, caafimaadka aadanaha iyo cimilada”. 

Christophe Hodder: Cimilada, nabadda iyo amniga waa kuwo si aad ah isugu-xiran.  Isbeddelka cimilada ayaa keenaysa burbur ku yimaada deegaanka iyo in la isku dagaallo kheyraadka dabiiciga ah. Colaaddu waa mid waxyeello qoto-dheer iyo dhinacyo badanba leh, waxayna saameyn ku yeelataa hab-dhiska degaannada gaarka ah, caafimaadka dadka iyo cimilada. Colaadaha adduunka ka socda, sida kuwa dalka Ukraine iyo Gaza, iyo kuwo kaleba, waa tusaalooyinka qayaxan ee sida dagaalku u horseedi karo burbur weyn oo ku yimaada deegaanka iyo cawaaqib-xumada ikooloji ee muddada-dheer.  

Dagaalladu waxay badanaaba keenaan burbur toos ah oo ku yimaada hab-dhiska degaanka gaarka ah iyadoo la adeegsanayo xaalufinta dhulka (dhul jarid), kayn tirid, hallaynta baaxadaha biyaha, hab-dhiska degaanka ee gaarka ah, dhul beereedyada iyo goobaha kale ee ay hawlgallada militerigu ay wasakhayn ama halleyn karaan hawada; waxay halleyn karaan biyaha; waxay halleyn karaan ciidda. Waxaa kaloo jira saameyn ay ku yeellan karaan caafimaadka aadanaha iyo maciishadaha, burburka deegaanka ee soo gaara dhul beereedka. Tani ayaa keeni karta in ay cudurro dillaacaan. Waxay sidoo kale, oo ay badanaa, keeni kartaa haqab-beel la'aanta cuntada. Waxaa sidoo kale jira welwello laga qabo in deegaanka lagu fasaxo walxo halis ah oo ka dhasha dagaalgalka iyo hawlgallada militeriga. 

UN News: Maxay yihiin waxyaabahaasi deegaanka halleyn kara? 

Christophe Hodder: Waxaa jira waxyaabo sida biraha oo kale ah, waxaanna jira wasakh badan oo khatar ah. Waxaa jira kiimikooyin badan oo ku jira qaar ka mid ah baaruudaha, waxaa jira walxo badan oo sida magniisiyamta oo kale ah. Waxay geli karaan biyaha. Waxaa jira noocyo badan iyo xaddi badan oo hallayn ah.  

Soomaaliya, tusaale ahaan, waxaan aragnay bar-biyoodyo la sumeynayo. Waxay sun ku daraan ceelashada biyaha oo ah nooc ka mid ah hababka amni-darrada ee la kantaroollo. Haddaba, waxaan arki karnaa saameynta tooska ah ee ay ku leedahay caafimaadka aadanaha iyo maciishada taasina waa sida ay u horseedi karto haqab-beel la'aan cunto.  

Waxaa loo baahan yahay in la fahmo in ay tani horseedi karto ammaan-darro muddo-dheer socota iyo saameyn muddo-dheer socota. Saameynta kale waa sida dagaalladu ay u baabi'iyaan ‘dhirta yareysa kaarboonta’ sida keymaha, oo keenaya kororka heerarka kaarboon hal ogsaydh ee hawada. Soomaaliya, tusaale ahaan, Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ayaa ku dhuunta keymaha. Sidaa daraadeed dhir xaalufin (dhir jarid) badan ayaa la sameeyaa. Taasina waxay ka dhigan tahay dhir badan oo kaarboonta yareysa in la jarayo. 

Waxaannu dhab ahaantii u baahanahay in aan ka fikirno dib u beerista dhirtan colaadda-ka-dib iyo waxa ay tahay saameynta dagaalka. Colaadaha iyo dagaallada waxay sidoo kale keenaan barakac, abuuraya qaxooti deegaan ama qaxooti cimilo. Qaxootigu waxay u baahan yihiin goobo cusub oo ay hoy ka dhigtaan, biyo, cunto, kuwaas oo cadaadis dheeraad ah saara hab-dhiska deegaanka kale, ee cusub. Soomaaliya, iyo sidoo kale dalka Ukraine iyo Gaza waxaa ka jiray dhaqdhaqaaq dadeed oo badan. Taasi waxay sidoo kale keentay burburka deegaanka, iyo sidoo kale dhimashada noolaha kala geddisan. Dagaal-galidda waxay keentaa burbur weyn oo ku yimaada noolaha kala geddisan iyo sidoo kale dadaallada ilaalinta degaanka. Ilaalinta duur-joogta iyo kaydka dabiiciga ah ayaa badanaa noqda kuwo hortebinta mudnaantoodu ay hooseyso, kuwaas oo horseedi kara in ay kordhaan ugaarsiga, dhir-jaridda iyo burburka degaanka dabiiciga ah. 

UN News: Waxaad tahay khabiir aqoon durugsan u leh amniga cimilada oo ka dhex shaqeeya hawlgalka QM ee Soomaaliya. Sidee oo heerkee ayaad ku qiimeynaysaa khataraha oo sidee wax uga qabataa? 

Christophe Hodder: Waxaan ka shaqeeyaa in aan fahamka isku-xirnaanta cimilada iyo colaadda dhexgeliyo guud ahaan adeegyada amniga, militeriga iyo kooxda/bahda QM ee dalka. Waxaan sidoo kale qabtaa shaqo badan oo ku saabsan ururinta xogta iyo macluumaadka ku saabsan isku-xirnaanta u dhaxeysa cimilada iyo colaadda. Waxaan eegnaa falanqaynta halista cimilada ka-dibna waxaan bixinaa macluumaadka lixda bilood, sannadka, shanta, tobanka ama saddonka sano ee soo socda ee ku saabsan waxa ay saadaasha cimilada u ekaan doonto iyo waxa ay taasi uga dhigan tahay militeriga iyo amniga. 

Inta badan shaqadeyda waxay ku saabsan tahay isu keenidda xoogaggan amniga ee eegaya qorsheynta amniga ee dowladda, qorsheynta booliska, qorsheynta militeriga. Maxaa taasi loola jeedaa markaan sameynayo xasillinta oo sidee ayaad markaasi u keenaysaa maaliyadda horumarinta, maaliyadsiinta cimilada si dhab ahaantii looga fikiro taageerada muddada-dheer loo fidinayo bulshooyinka aadka ugu baahan? Kuwaas oo aad ugu nugul isbeddelka cimilada iyo sidoo kale xoogagga hubeysan?

Qaybtayda saddexaad waxay ku saabsan tahay talo farsamo: isku-dayidda in la oggaado halka ay ka jiraan baahiyada la-qabsiga ee ugu waaweyn iyo haddii ay la xiriiraan baahiyada amniga. Iyo in si farsamo ahaan ah loo eego nooca xalalka uunka ku saleysan, nooca waxqabadyada waaweyn ee loo baahan yahay in si isku halmar ah loo sameeyo la-qabsigaasi weyn iyo guulaha amniga iyo nabadda.

UN News: Fahamka in dagaalku uu si adag ula xiriirro isbeddelka cimilada, burburka degaanka waa fikrad cusub. Shaqadaada durba wax guulo ah ma laga gaarey? Ma jiraa isfaham dhex marey dhinacyada colaadda ka dhaxeyso oo ah in deegaanka laga fikiro in uu yahay qayb ka mid ah xeerarka dagaalka?

Christophe Hodder: Waa hannaan socda oo marxaladiisa hore maraya. Waxaa jira heerar kala duwan oo ay isfahamka iyo heshiisku leeyihiin. Waa arrin cajiib ah oo aad u adag. Hal xaalad oo Soomaaliya ah, marka laga eego dhanka siyaasadda, waxaa ka jira isfaham badan iyo heshiis. Heerka degaanka, ayaa waxaan hadda ka sameynay dhowr tijaabo oo ku saabsan xallal uunka ku saleysan iyo nabad-dhisid si loo fahmo, sida aad dhab ahaan u yareynayso xiisadaha ka taagan kheyraadyada dabiiciga ah ee uga sii daraya dhibaatooyinka cimilada, iyo nooca xalalka uunka ku saleysan ee aad u baahan tahay si aad wax uga qabato oo aad uga dhigto kuwo muddo-dheer soconaya. Iyo ka dhigista kuwo deegaan ahaan la joogteyn karo. Ka-dib taasi waxay siineysaa fursad aad ku gaarto yoolasha la joogteyn karo iyo yoolasha nabad-dhiska. 

Waxaa hadda toddobaadka soo socda Soomaaliya soo booqanaya Sanduuqa Dhaqaale ee Cimilada Cagaaran (GCF). Waa markii ugu horreysay oo ‘dal nugul’ ama ‘dal colaadi ka jirto’, la siin doonno maaliyadda cimilada. Natiijadan waa natiijo dhab ahaantii aad u fiican waxaanna oo aan ku rajo weynahay in ay ku dhawaaqi doonnaan maaliyadsiin. 

UN News: Maxay yihiin ‘xalalkaasi uunka ku saleysan’ oo marxaladee ayay tahay in la codsado? 

Christophe Hodder: Waxaan aqoonyahnada degaanka kala shaqeynaynaa xalalka soo-jireenka ah ee ku saabsan maareynta dhul-daaqsiimeedka, ku saabsan sida aad u kala wareejinayso ama u kala geddinayso lo'da, ariga... Dhibaataduna waxay tahay, marka shiddada cimilada ay sii kororto, tartanta loogu jiro waxyaabaha sida dhulka daaqa ayaa sii kordhaya, Tartanka dhul-daaqsiimeedka waxaa uu ka dhaxeeyaa beelo iyo kooxo. Waxaan hadda ka fikiraynaa waxyaabaha sida sidee loo abuuri karaa heshiisyo lagu qaybsanayo kheyraadka dabiiciga ah oo u dhaxeeya kooxaha? Haddii ay fahamsan yihiin saameynta isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada ay ku yeellan karaan mustaqbalka, iyo haddii ay taasi dhici doonto mustaqbalka – iyada oo la iska kaashanayo waxyaabo ay ka mid yihiin dhul-daaqsimeedka iyo degaamada. 

Markaan heshiiskan helno, ka-dibna nabadda yaan heshiiskan ku saleysan doonnaa, waxaanna dhiseynaa kalsoonida. Waxaan ka-dib iskudayi doonnaa in aan helo xalal waanna marka aan sameynayno maalgelinta dib u soo celinta. Tusaale ahaan, soo-celinta badarka, dhul daaqsiimeedka ama beerista nooca saxda ah ee geedaha waaweyn iyo geed hoosaadyada (geedaha gaagaaban) si la isugu dayo in gacan laga geysto kororka caafimaadka ciidda ee meelahaas. Waxaanna isku-dayaynaa in aanan hawshan kaliya ku qaban maaliyadaha deeq-bixiyayaasha. 

Waxaan hadda isku-dayaynaa in aan hawlahan la kaashanno qurba-joogta. Waxaan Soomaalida daafaha adduunka ku nool, ee saameynta badan leh, ugu baaqaynaa in ay maalgeliyaan barnaamijyada ka caawin kara in la sii wado koboca heshiisyada qaybsiga ee noocan oo kale ah. Waxaan rajeynayaa, in ay taasi dad u horseedi doonto nabad dhisid. Ka-dibna waxaan taasi ku xiriirin doonnaa guulaha xasillinta iyo ahdaafta guulahaasi ka-dibna waxaan rajeynaynaa in heshiiskan wax-qaybsiga uu sii socon doonno. Waxaan degmooyinka, dowlad-goboleedyada kala sii shaqeyn doonnaa in ay heshiisyadaasi sii socdaan. Haddaba intaas ayaa ah waxa aan rajeynayno in aan aragno.  

Isha laga soo xigtay: UN News