Fardowsa Wehliye – Badda oo loo quuso shaqo, caafimaad iyo madadaalo

7 Mar 2024

Fardowsa Wehliye – Badda oo loo quuso shaqo, caafimaad iyo madadaalo

Muqdisho – Fardowsa Wehliye waa ay jeceshahay badda iyo ku-dabaalashadeeda. 

“Xiisaha aan u qabo badda waa mid xad-dhaaf ah. Halkii aan ku noolaa oo aad ugu dhoweyd badda ayaa bilowgii hore sabab u ahayd xiisaha aan u qaadey. Waxaa aan dareemayey sidii in ay ku jirto hidda-sidahayga DNA-da,” ayaa ay tiri. 

Jacaylka ay jeceshahay badda waxaa uu ku bilowdey sanadkii 2005 ama waqti u dhow, markaas oo ay toddobo sano jir ahayd. Waqtigaas, waxaa ay ku nooleyd xaafadda Shangaani ee magaalada Muqdisho, meeshaas oo Badweynta Hindiya ka ag-dhow oo laga arki karo. 

Magaalada Muqdisho qax ayaa ay ku yimaadeen iyada iyo qoyskeeda iyaga oo ka soo cararey gacan-ka-hadalkii iyo dagaalkii sokeeye ee waqtigaa dalka ku faafey. Badda halkaa ka dhoweyd ayaa u ahayd meel ay kaga dhuumato is-riixriixa iyo buuqa caasimadda, laakiin waxaa ay sidoo kale kaga gabbaneysey halisaha iyo dhacdooyinka amniga la xiriira ee marar badan dhici jirey.  

Waxa ay u arkeysey in ay tahay wax dad soo jiidanaya laakiin sidoo kalena lagu dhimman karo.

“Aabbahay ayaa qoyska oo dhan Jimcayaasha geyn jirey xeebta intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2009 – waqtiyadaas ayaana ahaa markii iigu horreysey ee aan bad tago. Inkasta oo aaney joogto u tegi jirin dagaalka daraaddii, haddana waqtiyadaasi waxa ahaayeen kuwo aan farxad badan ka heli jirey,” ayaa ay tiri Fardowsa. 

“Marar dhinaca biyaha ayaan u carari jirey,” ayaa ay ku dartey hadalkeeda, “laakiin aabbahay ayaa ii joogey, muuqaallada dad maashoonaya, ayaan maskaxda ku hayey taas ayaana keentey in aan iska joogo meel aan mool ahayn.”

Markaas waxba kalama socon in waqtigaas ay ku qaadaneyso xeebaha Muqdisho uu horseed u noqon doono nolol ay ku qaadan doonto badda, shaqo iyo madadaalo ahaanba.

“Mid ka mid ah jimcayaashaas aan tegey xeebta ayaan waxaan aadey meel mool ah oo biyaha ayaa i laqey oo aan ku maashoon gaarey. Waayo-aragnimadaas i soo martey ayaa dhalisey in aan go’aansado in aan si fiican u barto xirfadaha dabaasha,” ayaa ay tiri Fardowsa.

Waqtigan, 19 sano ka dib, Fardowsa waxaa ay haweenka Soomaaliyeed ku qalqaalisaa in ay bartaan dabaasha ama, ugu yaraan, ay ku lug yeeshaan xeebta dalka ee ka dheer 3,300 kilomitir ha ugu lug yeeshaan shaqo ama madadaalo ahaan. 

“Dabaashu waxay leedahay faa’iidooyin badan. Waa layli jimicsi u ah dhammaan muruqyada jirka. Dadku waxay mar walba i weydiiyaan in aan jirdhis ku sameeyo goobaha jirdhiska, laakiin sirta keliya ee aan leeyahay waa dabaasha. Waxaan dadka oo dhan ku dhiirrigelin lahaa in ay dabaasha laasimaan. Waxaan aaminsanahay in ay beddel u noqon karto dhammaan noocyada kale ee jimicsiga.” Ayaa ay tiri Fardowsa.

Fahamka khaldan ee dhaqan ahaan laga bixiyo 

Dagaalka iyo colaadda sokeeye ee socdey tobannaanka sano ayaa sababey in Soomaaliya aaney lahayn kheyraad rasmi ah oo lagu hubiyo xirfado iyo bedqabk ay helaan badi dadka Soomaaliyeed. Maaddaama ay jiraan waxyaabo badan oo kale oo mudnaan u leh horumarinteeda, ma jiraan diiwaan lagu qoro tirada dadka ku maashooda ama dhibaatooyin kale ay ka soo gaaraan biyaha.

Sheeko ahaan, qaar ka mid ah dadka deggan Muqdisho waxaa ay sheegaan in dad badan ay xeebaha magaalada ugu dhinteen xirfadahooda dabaasha oo liitey daraaddood, iyo sidoo kale in aaney aqoon u lahayn taxaddarka aasaasiga ah ee bedqabka. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa la sheegaa in ay waalidiintooda u diidaan in ay xeebta tagaan iyaga oo uga baqaya in ay maashoodaan. 

Sanadkii 2018, ayaa Fardowasa waxaa ay ku biirtey koox la magac baxdey Bah-Dabaalato, si ay dabaasha iyo waxyaabo kale u barato.

“Waa maqley marar badan dad ay maashoodeen, waxaana ii muuqatey in aan arrintaa wax ka qaban karno. Waana waqtigaas markii aan go’aansadey in aan ku biiro kooxda Bah-Dabaalato si aan u barto oo aan sidoo kale  gacan uga geysto in ay dadku bartaan dabaasha,” ayaa ay tiri.

Bah-Dabaalato waa koox bulshada degaanka ka tirsan oo sanadkii 2017 ay aasaaseen koox saaxiibbo ah. Waqtigan waxaa ay leedahay 45 xubnood oo firfircoon – toddoba ka mid ahi ay haween dhallinyaro ah yihiin – Fardowsa Wehliya ayaa hadda Guddoomiye u ah. 

“Waxaan sidoo kale badbaadinnaa dadka maashooda. Maalin dhoweyd, haweeney ayaa ku dabaalaneysey Xeebta Liido. Waa ay harqameysey, laakiin nasiib wanaag, mid ka mid ah kooxda Bah-Dabaalato ayaa meesha ka ag-dhowaa kaas oo soo badbaadiyey. Waxaan rabnaa in dadka dabaasha ay lahaadaan xirfadaha ay ugu baahan yihiin in marka ay baahi timaaddo ay badbaadiyaan naftooda iyo tan dadka kaleba,” ayaa ay tiri Fardowsa Wehliye. 

Casharrada iyo tababarka dabaasha ayaa kooxdu waxaa ay ku bixisaa Xeebta Liido oo ah tan ugu weyn ee lagu dabaasho taas oo ku taalla bartamaha magaalada, iyo Xeebta Jasiira, oo15 kilomitir koonfur ka xigta caasimadda.

Bah-Dabaalato wax lacag ah kama qaaddo ardayda doonaya in ay bartaan dabaasha, laakiin waxaa ay ku xirtaa shuruud ah – in ka dib marka ay si fiican u bartaan dabaasha, in qofka qalinjebiyey uu dabaasha baro qof kale. 

Marka laga soo tago xubnaha kooxda Bah-Dabaalato ee iskaa wax u qabso ku shaqeeya, maamulka magaaladu waxaa uu isna leeyahay adeeg roondo ku mara xeebta iyo mid dadka ka badbaadiya shilalka biyaha laakiin adeeggaas ayaa hadda u hakadey caqabado la xiriira miisaaniyadda daraaddood.

Haweenka iyo dabaasha

Mas’uuliyadda ay u hayso Bah-Dabaalato, waxaa ka mid ah oo ay Fardowsa Weheliye si gaar ah ay diiradda u saartaa in haween iyo gabdho badan oo Soomaaliyeed ay ku soo jiiddo in ay qaataan tababarka ayna bartaan xirfadaha lagamamaarmaanka ah.

“Waxaan mudnaan siinnaa waxqabadyada lagu dhisayo kalsoonida. Waxaan kobcinnaa kalsoonida ay xubnaheennu naftooda ku qabaan marka ay ku dhex jiraan biyaha; waxaan barnaa sida loo dul-sabbeeyo biyaha, sida loo dhaqdhaqaajiyo lugaha iyo sida loogu badbaado biyaha dhexdooda, waxaana aqoonta ay u leeyihiin xirfdaha badbaadada ay u saamaxdaa in ay biyaha ku dhex jiran intii la doono. Qofku waa in uu waxyaabahaan bartaa ka hor inta uusan bilaabin dabaalashada. Waxaa ay sidoo kale kor u qaaddaa isku-kalsoonidaada,” ayaa ay tiri Fardowsa Wehliye.

Tani hawl fudud ma aha – dabaalashadu ma aha wax ay caadi ahaan ku madadaashaan haweenka Soomaaliyeed. Tani waxaa sabab u ah fahamka khaldan ee bulsho ahaan iyo dhaqan ahaan laga qabo; dad badan, ayaa dabaasha u arka in ay tahay wax halis ah oo ragga u gaar ah.

“Muqdisho dhexdeeda, guryo aad u yar ayaa leh berkadaha lagu dabaasho. Iskuulladu ma bixiyaan koorsooyin dabaasha lagu barto, ma jiraan xarumo dadka bara dabaasha,” ayaa ay tiri Fardowsa Wehliye. “Ma jiraan goobo lagu dabaasho oo u gaar ah haweenka. Marka bal qiyaas sida ay caqabaduhu u tiro badan yihiin.” 

“Dhaqan ahaan, bulshadeenna ma dhiirrigeliso dabaalashada. Waxaa loo arkaa in ay halisteedu badan tahay oo halis gelineyso xataa wiilasha,” ayaa ay tiri. “Soomaaliya oo dhaqankeedii hore aad ugu dheggan, ayaa gabdhaha xeebta u aada in ay ku soo dabaashaan ay dhici kartaa in kor iyo hoos loo eego.” 

In haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed lagu soo jiido biyaha waxaa sidoo kale sii adkeeyey arrinta la xiriirta dharka lagu dabaasho. 

Hal joog oo dharka haweenku ku dabaashaan oo tayadiisu fiican tahay oo dhaqan ahaanna lagu aqbali karo Soomaaliya waxaa qiimihiisu yahay ilaa $60 doolar halka mid tayadiisu hooseyso uu qiimihiisu yahay ilaa $25 doolar. Mana fududa in labadaba aad ka hesho Soomaaliya.

“Dharka lagu dabaasho ee loogu talogaley haweenka Muslimka ah lama helayo, xataa haddii mid un la helana, ma aha mid uu iibsan karo qofka caadiga ah,” ayaa ay sheegtey Fardowsa. “Waxaan ku khasbannahay in aan ka dalbanno ganacsade dibadda innooga soo iibin kara.” 

Aadista badda

Safarka ay Fardowsa u soo gashey badda ma ahayn mid fudud. Waxaa ay ku dhalatey meel aad uga fog oo ah magaalada Baydhabo, ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, sanadkii 1997, markaas oo dalka ay ka jirtey dhibaatadii xoogganeyd ee ka dhalatey dagaalka sokeeye, waqtigaas oo hooyadeedna ay qaraabo-salaan un u tagtey halkaas.

Baydhabo waxaa ay qiyaastii 250 kilomitir u jirtaa Muqdisho oo ah halkii qoyska Fardowsa ay ku noolaayeen. Waxaa ay ka soo guureen Baydhabo waxaana ay halkaas u yimaadeen in ay helaan degaan xoogaa ammaankiisu uu roon yahay. Xataa intii ay joogeen caasimadda Soomaaliya, qoyska ayaa degmaba degmo kale uga guurayey si ay uga badbaadaan dagaalladii dhex marayey dagaal-oogayaasha markaa isku haystey awoodda. 

Maxamuud Weheliye oo ah aabbaheed ayaa si xooggan u aaminsanaa awoodda ay waxbarashadu wax kaga beddeli karto nolosha qofka. Waxaa uu ka dabaashey maaliyad-yaraantii haysatey waxaana iskariixay caqabaddii la xiriirtey caado-dhaqameedkii bulshada si ay gabadhiisa u sii dhigato iskuulka iyada oo uu dagaal sokeeye socdo. 

Fardowsa ayaa xustey aaminsanaanta uu aabbaheed aaminsanaa waxbarashada in ay ka timid wixii soo marey carruurnimadiisa. Isaga oo ahaa wiil Muqdisho ku nool, horraantii 1950-meeyadii, waqtigaas oo iskuuladii jirey ay uu gacanta ku hayey maamulkii gumeysiga Talyaaniga – laakiin waalidiintiisu lama rabin in wiilkoodu uu dhigto iskuulladaas iyaga oo uga baqayey in uu ka soo barto wax aan la jaanqaadi karin Islaamka. 

“Iskuulka ayaa uu si qasrsoodi ah ku dhigan jirey. Buugaagtiisa ayuu ka qarin jirey waalidiintiis. Markii ay waalidiintiis ogaadeen arrintaas, buugaagtiisa ayaa ay ka jeexjeexeen. Marnaba ma niyad-jebin. Sidaas ayuu wax ku bartey. Weligiis si kala duwan ulama kala dhaqmiin wiilasha iyo gabdhaha,” ayaa ay tiri Fardowsa Wehliye.

Sanadkii 2006, Fardowsa waxaa ay warbarashadeeda ka bilowdey Dugsiga Mujamac Umul Qura ee ku yaalla Muqdisho si ay uga barato waxbarashada hoose/dhexe waxaana ay uga sii gudubtey Dugsiga Al-Fajr Secondary School ee ku yaalla Ceelasha Biyaha ee daafaha koonfureed ee caasimadda ku yaalla. 

“Noloshii carruurnimo waa ay adkeyd dagaalka sokeeye daraaddii. Gebi ahaanba ma ahayn mid aan ku soo raaxaystey. Waxaan arki jirey meydad waddada yaalla inta aan ku sii socdo iskuulka. Noloshu waaba ay sii xumaatey ka dib markii uu aabbahey dhintey,” ayaa ay tiri. Aabbaheed ayaa ku dhintey shil baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 2012. 

Nasiib wanaag Fardowsa oo kaalinta sare ka gashey waxbarashada ayaa keentey in lacagtii iskuulka laga dhaafo, taas oo qoyskeeda ka qaaddey culeys maaliyadeed oo la soo gudboonaan lahaa. Haseyeeshee, geeridii aabbaheed ayaa mugdi gelisey sii wadashada wabarashadeeda. Haddana mar kale nasiib wanaag qoyskeeda ayaa garab-istaagey: qof ay xagga hooyada ka dhasheen ayaa is-garabtaagey oo bixiyey lacagtii yareyd ee uu iskuulku ka rabey.

Waxaa ay dugsiga sare dhammeysatey laba sano ka dib, sanadkii 2014, ka dibna waxaa ay ku dadaashey in ay sii wadato waxbarashadeeda.

Mar kale haddana waxaad mooddaa in ay baddii Soomaaliya ay u gacan haadisey – Fardowsa waxaa ay iska qortey Waaxda Culuunta Badda iyo Kalluumeysiga ee Jaamacadda City University of Magadishu, halkaas oo ay shahaaddada koowaad ee Bachelor-ka ku qaadatey Culuunta Badda sanadkii 2019. 

Laakiin ardayaddaa dhallinta yar ayaa weli ku sii socotey in ay sii muquurato daraasad akadeemik ah oo ay ku qaadato culuunta la xiriira badda. Isla sanadkaas waa ay deeq-waxbarasho ka heshey Dowladda Turkiga waxaana ay muddo saddex sano  ah u wareegtey Istanbuul si ay wax ugu soo barato Jaamacadda Istanbul. 

“Markii aan heley warka, dareenkeygu wuxuu ahaa mid isku jira, indhahayga ayaan rumeysan waayey markii aan heley emailka la igu soo wargaarsiiyey. Aad baan ugu farxay oo aan uga mahadceliyey in la iga soo dhex xushey dad badan oo codsi gudbistey. Saddex sano ka dib, markii ay ka soo qalinjebiyey Jaamacadda Istanbul, waxaan dareemey in dadaalkeygii uu mirodhal noqdey,” ayaa ay tiri. 

Waxaa ay shahaaddada Mastar-ka ay sanadkii 2022 ku soo qaadatey Tiknolojiyada iyo Maareynta Kalluumeysiga.

Jiilka ku soo xiga keeda

Maaddaama ay tahay gabadhii ugu horreysey ee baratey culuunta badda, ayaa Fardowsa waxaa ay sidoo kale gacan ka geysaneysaa waxbarashada jiilka ku soo xiga ee saynisyahanada culuunta badda ee Soomaaliya. 

Waxaa ay wax ka dhigtaa jaamacaddeedii hore, ee City University of Mogadishu, isla waaxdii ay soo dhigatey. Marka laga soo tago macalliminada, waxaa ay sidoo kale ka qaybgashey cilmi-baarista kalluumeysiga, tiknolojiyada farsameynta kalluunka iyo baarista siyaabaha loo sii horumarin karo kalluumeysiga Soomaaliyeed iyada oo loo marayo sii-wanaajinta kaabayaasha iyo tiknolojiyada. 

“Aad baan u xiiseeyaa xog-ururinta kalluumeysiga iyo maareynta kalluumeysiga. Waxaan rabaa in aan qayb ka ahaado cilmi-baaris iyo xog-ururin ka wanaagsan tan hadda jirta. Waa ceeb in aan haysato xeebta sidan u dheer iyo sida aan wax yar uga ognahay,” ayaa ay tiri. 

Fardowsa waxaa ay sidoo kale Soomaaliya ku matashaa shabakadda Haweenka Ku Dhex Jira Culuunta Badda ee loo yaqaanna the Women in Marine Science network (WiMS). Shabakaddan oo sanadkii 2017 lagu daah-rogey Dood-Wadaaggii 10aad ee Western Indian Ocean Marine Science Association Scientific Symposium, WiMS ayaa hiigsanaysa in ay wax ka qabato arrimaha sinnaan-la’aanta ee jinsiga ku dhisan ee haysta haweenka ah saynisyahannada culuunta badda.

La-dagaallamidda fahamka khaldan ee laga haysto haweenka iyo badda – inta ay joogto goobta shaqada iyo marka ay meel kale joogtaba – ayaa ah wax Fardowsa ay fahmi karto iyo wax ay ka go’an tahay in ay wax ka beddesho.

“Inkasta oo ay jiraan faham khalsan oo laga haysto, caqabado la xiriira dhaqanka, iyo takoor, haddana waxaan gabdhaha Soomaaliyeed ku dhiirrigelinayaa in ay geesinimo muujiyaan ayna ku dadaalaan waxa ay aadka u rabaan. Waxaad ugu fiicnaan kartaa sida qof kasta oo kale. Waxaa jira dad kuu sheegi kara in aadan baran karin cilmiga noocan ah. Ha ka dhegeysan,” ayaa ay tiri.

Badda iyo QM

Marka laga soo tago faa’iidooyinka badan ee caafimaad ee ku jira iyo in uu dhiirrigelin karto midnimada, isboortigu waxaa sidoo kale ay Qaramada Midoobey u aqoonsatey in uu yahay wax nabad iyo horumar looga abuuri karo deegaan colaad ka soo baxaya, isaga oo ah xuquuq aasaasi ah iyo agab awood leh oo lagu xoojin karo xiriirrada bulsho oo laguna dhiirrigelin karo horumar iyo nabad waara, iyo sidoo kale midnimo iyo ixtiraam la wada helo.

Marka loo yimaado khadadka badda iyo xeebaha Soomaaliya, Qaramada Midoobey waxaa ay maamullada Soomaaliyeed – heer federaal iyo heer Dowlad-goboleedba – si dhow ugala shaqeysaa sii xoojinta xirfadaha ay ugu baahan yihiin la-tacaamulka dhammaan arrimaha la halmaala baddooda. Tan waxaa ka mid ah dejinta qaabab guud oo siyaasad istaatiiji ah, kobcinta kartida iyo dadaallo kor loogu qaadayo awooddooda waxqabad, taas oo ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu qotominayo ‘dhaqaalaha buluugga ah’ ee Soomaaliya.

Hawshan waxaa qabanaya Hawlgalka QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), Xafiiska QM ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dembiyada (UNODC) iyo Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), iyo sidoo kale hay’adaha kale ee QM iyo bah-wadaagta caalamiga ah, ee uu ugu horreeyo Hawlgalka Midowga Yurub ee Karti-dhisidda ee the European Union Capacity Building Mission (EUCAP) ee Soomaaliya.

Bishii Febraayo 2023, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa daahrogtey Qorshaha_Hawleedka Qaran ee Haweenka Waaxda Badda ee the Women in the Maritime Sector (WiMS) National Action Plan. Qorshaha ayaa hiigsanaya sii wanaajinta iyo awoodsiinta haweenka Soomaaliyeed ee ku hawlan waaxda badda ee dalkooda iyada oo la kordhinayo farsadahooda iyo iyada oo la muujinayo guulahooda. 

Geeddi-socodka Qorshe-Hawleedka ay Soomaalidu hormuuka u tahay ayaa bilowdey sanadkii 2019 waxaana la kobciyey iyada oo loo marayo hab loo dhan yahay oo ay ka-qaybqaadanayaan wasaarado kala duwan oo heer Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada isugu jira, iyada oo kaalmo looga heley EUCAP Somalia iyo UNSOM.

Fardowsa aragti ahaan, dadaalladan waa kuwo habboon oo wanaagsan oo ay tahay in laga mahadnaqo – laakiin waxaa sidoo kale kale waqtigan la joogo jira baahiyo degdeg ah.

“Waxaan helnaa codsiyo badan, dhab-ahaantiinna, ka badan inta aad wax ka qaban karno. Waxaan u baahannahay dharka ay haweenku ku dabaashaan, indho-gashiyada dabaasha, kabaha ku habboon dabaalashada, looxyada sabbeeya ee lagu dabaal-barto, koofiyadaha dabaasha iyo qalabka sahla seefashada qofka biyaha ku dhex jira, iyo agab kale,” ayaa ay tiri. “Qof kasta oo doonaya in uu ku deeqo agabka dabaasha waxaa uu haddii aan nahay Bah-Dabaalato soo booqan karaa bogagga aan ku leenahay warbaahinta bulshada halkaas oo uu ka heli karo cinwaannadeenna.”