Iyadoo ay ku beegan tahay sanadguuradi shanaad, Qaramada Midoobay waxay xasuusatay dhibbanayaashii weerarkii dilaaga ahaa ee Muqdisho

14 Oct 2022

Iyadoo ay ku beegan tahay sanadguuradi shanaad, Qaramada Midoobay waxay xasuusatay dhibbanayaashii weerarkii dilaaga ahaa ee Muqdisho

Muqdisho – Iyadoo ay ku beegan tahay sannadguuradii shanaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taariikhdu markay ahayd 14-ka Oktoobar 2017, ayaa Qaramada Midoobay waxay maanta kala qayb qaadatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii loo xasuusan lahaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ka badbaaday weerarkii lagu hoobtay.
 
"Waxaa laga yaabaa in waqti dheer laga joogo laakiin xanuunka baahsan ee uu sababay weerarkan naxdinta leh ayaa weli taagan, waxaana fikradaheenna ay ku wajahan yihiin dadka waayey qoys iyo asxaab iyo sidoo kale kuwa ku dhaawacmay," ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
 
“Qaramada Midoobay waxay si adag u garab taagan tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed dadaalkooda hagar la’aanta ah ee lagu soo afjarayo argagixisanimada iyo sidii Soomaaliya loogu dhoweyn lahaa waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.
 
Weerarkii 2017-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo kale, ayaa noqday qaraxii argagixiso ee ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca qaaradda Afrika, kaasoo loo adeegsaday walxaha qarxa.