Hadaladii uu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan saxaafadda u jeediyey

18 Oct 2022

Hadaladii uu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan saxaafadda u jeediyey

Sidii loo jeediyey

Mudane Madaxweyne, Mudane Madaxweyne-ku-xigeen, xubnaha  golaha wasiirrada, xubnaha kooxda la-talinta, Galab wanaagsan.

Waxaa farxad ah in aan ku soo laabto Garoowe.

Waxa aan maanta halkan la joogaa shaqo-wadaag metelaysa qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee ugu waaweyn ee Soomaaliya, waxa aanan uga mahadcelinaynaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo shacabka Puntland soo dhawaynta marti-soorka ah ee naloo sameeyey intii aan ku gudajirnay booqashadeenna.

Waxaa i wehliya Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fiona Lortan; Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Kate Foster; Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Per Lindgarde; Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre; Madaxa Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Cabdi Ibraahim; Ma’uulka Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane; iyo Hoggaamiyaha Kooxda Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Jens Hoegel.

waxa aan saakay ka qaybgalnay shir ku saabsanaa doorasho toos ah, oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Deni, kaas oo ay ka qaybgaleen daneeyeyaasha kale oo uu ku jiro guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland – TPEC.

Intii uu kulankan socday waxa aan fursad u helnay in aan fikrado isweydaarsanno, oo aan wadaxaajood miro-dhal ah ka yeelanno qorshaha Puntland ee qabanqaabada doorasho maxalli oo toos ah oo la filayo in ay dhacdo qaybta hore ee sanadka 2023-ka.

Dhowr ka tirsan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dadaalkan ku soo bixinayay awood mug leh oo la taaban karo - Dhisid iyo taageero maaliyadeed oo lagu bixiyay dadaalkan. Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sidoo kale taageero farsamo siinaysay TPEC - (Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland).

Waxa aan dowladda iyo shacabka Puntland ku ammaanaynaa ka go’naantooda  joogtada ah ee in ay hirgeliyaan doorashooyin deegaan oo toos ah, sida uu dhigayo dastuurka Puntland. Waxa aan ku boorineynaa in horurmarka hannaanka doorashada uu ku saleysnaado wadatashi ballaaran, iyo si taasi la mid ah ku daridda haweenka, dhalinyarada, dadka laga tirada badan yahay, iyo dadka naafada ah. Waxa aan rajeyneynaa in dadaallada Puntland ay sidoo kale dhiirigelin karaan hannaanka ballaaran ee doorasho ‘hal qof iyo hal cod’ ee guud ahaan Soomaaliya, heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Doorasooyinka ka dhacaya Puntland ayaa ku qabsoomi doona xaalad xasarad abaareed oo si xun u dhibaataynaysa shacabka Soomaaliyeed.

Saaxiibada  caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay sii wadi doonaan inay u ololeeyaan abaabulka dhaqaale badan si wax looga qabto abaarta, iyadoo xitaa geeddi-socodka doorashada Puntland uu hore u socdo.

Mar kale, waxa aan u mahadcelin lahayn Madaxweyne Deni, xubnaha golihiisa wasiirada iyo la taliyayaashiisa iyo shacabka Puntland sida diiran oo ay noo soo dhaweeyeenin tii aan ku gudajirnay booqashadeenna.

Mahadsanid Mudane Madaxweyne.