Iyadoo ay sii kordheyso halista macluusha ee Soomaaliya, ayey booqashada ay bahda gargaarka ee QM ku tageen Gaalkacyo ku iftiimiyeen xaaladaha liita ee Soomaalida gudaha ku barakacday

6 Apr 2022

Iyadoo ay sii kordheyso halista macluusha ee Soomaaliya, ayey booqashada ay bahda gargaarka ee QM ku tageen Gaalkacyo ku iftiimiyeen xaaladaha liita ee Soomaalida gudaha ku barakacday

Gaalkacyo – Booqasho ay maanta ku tageen magaalada Gaalkacyo ee waqooyiga Soomaaliya mas’uuliyiinta ugu sarreysa hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa indhahooda ku arkay xaaladda qallafsan ee ay ku sugan yihiin bulshooyinka deegaanka ee gudaha ku baakacay iyadoo ay jiraan abaaro ba’an oo dalka saameeyay – iyada oo booqashadu dhiirigelin dheeraad ah u noqotay in wax badan la qabto si loo caawiyo dadka u baahan, maadaama ay sii kordhayso khatarta macluusha Soomaaliya.

“Waxa aan indhaheyga ku arkay caddeynta aan u baahanahay inaan siiyo deeq-bixiyeyaasheenna oo aan ogeysiiyo inaysan ahayn wax khiyaali ah in laga hadlo 1.4 milyan oo carruur ah oo nafaqo-darro hayso - 330,000 oo ka mid ah ay khatar ugu jiraan iney dhintaan dhammaadka xagaagan haddii aynaan sare u qaadin ku wax-qabadkeena  oo aan siinin gargaarka ay u baahan yihiin" Isu-duwaha Gargaarka Bani'aadannimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa yiri ka dib markii uu booqday laba xero oo ay leeyihiin dadka gudaha ku barakacay oo ku yaalla waqooyiga magaalada.

Magaalada Gaalkacyo, Mudane Abdelmoula ayaa booqday deegaanada loo barakacay ee Buula-Baclly iyo Salama, oo labaduba hay’adaha  gargaarka ee Qaramada Midoobay  ka hela taageero ku aaddan biyaha iyo nadaafadda, hoy iyo difaac.

Waxaa ku wehlinayay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya – wakiilka Soomaaliya ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Mamunur Malik; Wakiilka Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Magatte Guisse; iyo Ku-Xigeenka Ergayga Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani'aadannimada (OCHA), Peter Ekayu.

Kolka ay booqanayeen xeryaha barakacayaasha, wafdigu waxa ay goobta kula hadleen shaqaalaha Qaramada Midoobay ee la shaqeynaya maamulka deegaanka si ay u taageeraan dadaallada gargaarka ah, waxayna dhexgaleen dadka xerada deggan. Dhexgalka waxa uu ahaa mid waxtar leh.

“Runtii waa qalbi jab, gaar ahaan in la arko in carruur aad u badan ay ku sugan yihiin xeryaha barakacayaasha. Waxaan weydiiyay, imisa idinka mid ah ayaa iskuul dhigta? Ugu horrayn, waxa ii soo baxday in labadan xero ee aan booqday aanay midna waxba ka baran habluhu. Wiilashana, in ka yar 50 boqolkiiba ayaa dhigta iskuullada,” ayuu yiri Mr. Abdelmoula, oo sidoo kale ah ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Isku-duwaha guud ee Qaramada Midoobay.

"Tani waa argagax," ayuu raaciyay, "waana inaan laba jibaarno dadaalkeenna aan xaaladdan u soo jeedineyno indhaha beesha caalamka iyo kuwa awoodi kara inay caawiyaan. Sidoo kale waa in aynaan waxba la harin si aan u caawin lahayn bulshooyinka sida weyn u dhibaataysan”.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale wabixintooda ku darsaday barakacayaasha Waqooyiga Gaalkacyo oo loo kala qeybiyay saddex qeybood oo kala ah: Kuwo ku sugnaa goobahaas qaarkood muddo tobannaan sano ah, kuwo cusub oo ka yimid gudaha Soomaaliya, iyo koox saddexaad oo ka kooban dad ku barakacay colaadaha dalka dariska ah ee Itoobiya. Inkasta oo bulshada degaanli soo dhaweynayeen kuna taageerayeen inti tabartooda ah, soo galootiga cusub ayaa sababay cadaadis dheeraad ah oo ay la kulmeen dadka maxalliga ah.

“Inta badan soo galootiga cusub ayaa magangalyo u raadsaday qoysas horay u barakacay, waxayna kaalmo ka heleen beesha caalamka, taasoo keentay in la fidiyo dhaqaalihii markii horeba yaraa ee ay heli jireen bulshooyinkii martida loo ahaa. Markaa, kuwani waa barakacayaal martigelinaya barakacayaasha, taasina waxay keentay in adeegyada laga heli karo goobahan ay aad u ciriiri u noqday - waa arrin aan u baahanahay inaan si degdeg ah wax uga qabto,” ayuu yidhi Md. Abdelmoula.

Qorshaha wax ka qabashada

Bishii Disembar ee sannadkii hore, Qaramada Midoobay ayaa daahfurtay qorsheheeda wax ka qabashada bini'aadannimo ee Soomaaliya, taasoo ay u raadinayso in ku dhow  ​​1.5 bilyan oo doollar si loogu caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul Soomaaliya.

Ilaa hadda, waxa ay heshay kaliya 3.8 boqolkiiba xajmigii la rabay. Iyadoo taasi jirto, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa u suurtagashay in bishii Maarso ay gaarto laba milyan oo qof oo u baahan gargaar bini'aadinimo iyadoo loo marayo habab cusub oo qaybinta iyo helitaanka kheyraadka.

“Laakiin taasi aad ayay uga yar tahay himiladeenna,” ayuu yidhi Md. Abdelmoula. "Qiyaasti, 4.9 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay mowjadda abaarta daran, mar walbana way ka sii dari doontaa inta u dhaxeysa hadda iyo dhammaadka Juun."

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda abaareed ee ka soo baxday OCHA, xaaladda degdegga  abaaraha Soomaaliya ayaa ka sii dartay heer uu dalku wajahayo khatar macluul ah.

Hay’adaha samafalka, maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa kor u qaadaya jawaab-celinta iyo dib-u-habaynta hawlaha si wax looga qabto saamaynta abaarta, OCHA ayaa xustay, iyada oo intaas ku dartay in heerarka baahidu ay si degdeg ah u kordhayso, kana kor marayso awoodaha iyo agabka la heli karo.

Xaaladda degdegga ah ee sii baaheysa waxay ku baaqaysaa kor u kaca jawaab-celinta joogtada ah iyo dabacsanaanta dib-u-habaynta, gaar ahaan marka la eego in saadaasha cimiladu ay saadaalinayso celceliska ama ka hooseeya xilliga roobabka ee bishan. In ka badan 90 boqolkiiba dalka ayaa ah mid guud ahaan qalalan, biyaha iyo qiimaha cuntada daruuriga ahna waxa ay la kulmeen qiimo koror aad u weyn.

Intaa waxaa dheer, heerka gargaarka cuntada iyo biyaha ee hadda jira ayaa si degdeg ah uga sarreeya kororka xawliga ah ee baaxadda dadka sugnaan la’aanta cuntada, ballaarinta nusqaamaha isticmaalka cuntada ee qoyska, luminta hantida hab-nololeedyada, iyo heerka nafaqo-darrada oo ka sii daraysa.